Saturday, April 21, 2007

DUULAANNA WAAN AHAY DAB IYO FOOXNA MAAN DAYN

War waxa inoogu dambeysey iyadoo Wasiirkii Gaashaandhigga xilkii uu hayeylaga xayuubiyey isagoo qoriga badhtanka haysta oo dagaal ku jira iyo iyadooraxan wasiiro ahi ay horeba meesha u joogtay hadana laga dabo diray raxankale oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Axmed YuusufYaasiin.

Hadaba fahmey waynu dagaal tegeynaa oo xuduudaynu tegeynaa wallow ta inagaraacday aynu ka war qabno iyo cidii sababteeda lahayd, laakiin waxaananfahmin waxa Madaxweyne ku xigeen loogu dirayo aag la rabo in laga dagaalgalo ee loogu diri waayey nin hogaamin kara ciidan dagaal geli kara.

Waxaan hadaba sawirtay ninkii murtida badnaa ee Cigaal Shiidaad oo ciidanhogaaminaya bahal Faras koorihiisii uu u dhanyahayna fuushan gacanna ku sitaDabqaad uu foox ka baxayo, dabadeed isagoo ciidankii dagaal tegeyhogaaminaya markuu meel dhexe marayey ayuu arkay maqaamkii sheekha (SheekhIsxaaq) dabadeed intuu ciidankii dib u soo jaleecay ayuu ku yidhi malahaxaalku wuu inoo sahlanaan lahaa hadii maanta aynu booqanno maqaamka Sheekhaoo halkaa Tulud geela iyo Ceesaan qoor madow aynu ku soo qalanno. Bellaadagaal gasha-e.

Dabadeed maqaamka dushiisii buu ninkii Cigaal woxoogaa afarey ah ciidankiiuga tiriyey.

Duulaanna waan ahay Dab iyo Fooxna maan daynDalkuna waa dalkiisii Dadkuse doorsanyahay badiDulmigana ma dhaadaan Daacadnimona kala tageDee maxaa la igu durayaa Oo dagaal la iigu dirayaa.

Jawaabta waxaynu u dhaafi doonaa Madaxweyne Riyaale iyo wasiiradiisa intaweli Hargeysa ku sugan.

Khaleel Mohamed

No comments: