Tuesday, April 03, 2007

Wefti culus oo ka socda Golaha Wakiillada iyo Saddexda xisbi oo ambabaxay booqasho ay ku marayaan saddex dal

(Waridaad) - Wefti ka socda Golaha Wakiillada iyo Saddexda xisbi ee Somaliland ayaa galabta ka ambabaxay dalka, iyaga oo u kicitimay socdaal ay ku soo marayaan saddex dal oo ka tirsan Afrikada Bari.

Weftigan oo ka kooban 10 xubnood oo ka socda Golaha Wakiillada iyo saddex xubnood oo ka kala socda saddexda xisbi Qaran, waxa uu socdaalkoodu ka dambeeyey martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen Baarlamaanada dalka ay booqanayaan oo kala ah:
Itoobiya, Yugaandha iyo Kenya. Waxana uu weftigu socodkiisa ka bilaabayaa oo uu galabta u dhoofay dalka Itoobiya.

Weftigan oo uu horkacayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu socdaalkoodu qaadan doonaa muddo laba toddobaad ah. Waxana uu qayb ka yahay ololaha aqoonsi raadiska Somaliland, iyada oo la filayo in weftigani baarlamaanada Saddexdaas dal uga warrami doonaan arrinta Somaliland, sidii ay ku soo dhisantay iyo heerka dimuqraadiyadda ka hirgashay ay gaadhsiinsan tahay. Waxa kale oo aan ka madhnayn inay xidhiidh la soo unkaan baarlamaanada dalalkaas ay booqanayaan, isla markaana ay khibradda iyo aqoonta isweydaarsadaan.

Weftigan dhinaca Golaha Wakiillada waxa ku weheliya Guddoomiyaha golaha, Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee golahaas, mudane Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiyayaasha 8-da Guddi Hoosaad ee golaha, oo ay magacyadoodu kala yihiin:

Mudane, Maxamed Maxamuud Cumar-xaashi, mudane Siciid Cilmi Rooble, Mudane Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), mudane Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, mudane Aadan Tarabi Oogle, mudane Xuseen Maxamed Cige iyo mudane Mahdi X. Xasan Sugaal.

Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, KULMIYE iyo UDUB, ayaa iyagana waxa ka socda saddex xubnood oo kala ah: Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), Guddoomiyekuxigeenka xisbiga KULMIYE iyo Maxamed Ismaaciil Bullaale, Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB.

Weftigan ayaa la qorsheeyey saddexda xisbi iyo Baarlamaanku inay ugu baxaan dibadda, gaar ahaan, waddamada gobolka si ay gacan uga geystaan ololaha aqoonsi raadiska Somaliland, waxana uu qorshaysnaa socdaalkani bishii hore ee March, balse dib ayuu u dhacay.

Dalka Kenya oo ah dalka ugu dambeeya saddexda dal ee weftigani soo marayo ayaa la sheegay in Baarlamaankiisa dhowaan la soo dhigi doono mooshin ku saabsan Aqoonsiga Somaliland, kaas oo ay ka soo shaqeeyaan mudanayaal dhowaan socdaal ku yimi Hargeysa. Hase yeeshee, waxa la sheegay in dowladda Cabdillaahi Yuusuf ee Soomaaliya ay ka ololaysay mooshinkaas, isla markaana culays saartay dowladda Kenya in aanay saacidin aqoonsiga Somaliland.

Weftigani waa kii u horreeyey ee noociisa ah ee dibadda u baxa. Waxaana ka caawinaya kharashka socdaalkan ururka Midowga Yurub oo Somaliland ka taageera Dimuqraadiyadaynta.

No comments: