Tuesday, April 03, 2007

URURKA SOMALILAND FORUM: BAYAAN

URURKA SOMALILAND FORUM: BAYAAN

Sumad: SF/CLC/07/04 Taariikh: 02/04/2007

GUDDIYADDA NABADGELYADDA: XUBIN KASTA OO MUWAADIN XABSI KU XUKUNTAA WAA DAMBIILE MAR UUN LALA XISAABTAMIDOONO

“ Waar xaqdaradda ayaa xasilloonida waddanka wax u dhimeysa, ee ka hortageedu waxba u dhimi maayo”

Geed dheer iyo mid gaabanba waa loo koray

1. Ururka Somaliland Forum wuxuu ilaa muddo afar sanno ka badan geed dheer iyo mid gaaban u koray sidii Madaxweynaha iyo Dawlada JSL u joojin lahayeen awoodaha ay Gudiyadda Nabadagelayadu isa siiyeen ee ay muwaadininta, caruur, dumar iyo waayeelba leh xabsi ugu xukumaan, iyadoon aan Maxkamad la soo marin. Ururku si gaar ah iyo si caam ahba wuu ula xidhiidhay Dawladda marar badan, qoraalo badanna wuu kasoo saaray arrintan qayr-al distoorka ah. Baarlamaanka, xisbiyada, ururrada xuquuqda dadka u halgama, suxufiyiinta iyo bulshaduba way ka codsadeen dawladda in ay joojiso ku dhaqanka Guddiyada dadka xidha.

2. Waa taas oo maanta weli Guddiyadii waa kuwaas xidhaya muwaadiniinta, dhacdadii ugu dambeysana waa tii dhacday 15kii bishan March markii Guddida Nabadgalayada ee Gobolka Hargeysa ay ku xukumeen xabsi 21 qof oo ka mid ahaa dadka ka ganacsada hilibka magaalada Hargeisa oo mudahraad salmi ah kaga cabanayay arrimo xirfadooda khuseeya. Dhacdadan waxa ka horeysay mid kale oo horaantii February 2007 ay ciidanka boolisku xabsiga u taxaabeen koox mujaahidiintii SNM ka mid ah oo iyaguna si nabadgalyo ah shir jaraa’id ugu soo bandhigay fikirkooda sida ay uga xun yihiin xadhiga suxufiyiinta Haatuf . Sannadkii horena Berbera mudaaharaadkii ka dhacay, Gudidda Nabadgelyada ayaa dadkii xidhay.

Guddiyadani waa qayral distoor.

3. Hawlaha Guddiyada ee ku saaban ilaalinta nabadgelyada iyo xidhiidhinta heya’daha dawladda ee kela duwan ee gobol kasta ka shaqeeya waa loo baahanyahay oo waa awoodaha iyo waajibaadka waaxda fulinta, laakin waa ka xaaraan in muwaadiniinta ay xidhaan oo kaalintii waaxda Garsoorka ay maroorsadaan. Hore ayaanu u cadeynay in Distoorka Somaliland aanu ogoleyn cid aan Maxkamad aheyni in ay xukun ku rido muwaadin, Xeerka Xasilloonida Guud ee 1963 ee mar mar arrintan loo cuskadana aanu awoodaas siinin cid aan maxkamad aheyn. Daraasaad dheer ayaanu arrintan ku sameynay, oo Guddiyadani waxay ku fadhiyaan xukunkii kali taliska ahaa ee Af-weyne, maantana way cadahay, sida uu dhigayo Qodobka 130(5)aad ee Distoorka JSL, in xeerkasta oo ku xadgudbaya xorriyadaha aasaasiga ee qofka aan lagu dhaqmeyn. Tan kale Qodobka 26aad ee Distoorka wuxuu kafaalaqaadaya xaqa qof kasta oo lagu eedeeyo danbi oo ay ka mid tahay in uu xaq u leeyahay in maxkamad sharci ah (court of law) la hor geeye muddo aan ka badneyn 48 saacadood, oo qareen qabsado, isdaafaco, oo haddii xukun lagu rido uu rafcaan ka qaato.

Go’aanadii Golaha Wakiilada

4. In kastoo dawladdu weli dafirsantahay, Golaha Wakiilada ee Somaliland waxay 1999kii go’aan cad oo weli aan cidina burin ku cadeeyeen in xeerarkii hore ee loo cuskado Guddiyadan Nabadgelyada ay yihiin qaar kasoo horjeeda Distoorka Somaliland, shareecada Islaamka iyo baaqyada caalimiga ah ee xuquuqda aadamiga ah (GW/KF-08/99/99 01/08/99). Goluhu Xeerkii Nidaamka Garsoorka ee ay ansixiyeen mar labaad waxay ku dareen qodobadan oo aan muran layahayn:

“Qod.2’aad: Mabaadiida Guud

Hay’adaha Garsoorka waa Hay’ad ka madax banana Waaxyaha kale ee Sharci Dejinta iyo Funlinta.

Awoooda Garsoorida Dacwadaha waxaa iska leh Garsooreyaasha oo keli ah cid kalena looma wareejin karo.

Waxaa reeban Maxkamado gaar ah oo ka baxsan Hay’adaha Garsoorka.
Waxaa reeban Guddiyo leh awood iyo dabeecad Garsoor oo ay ka soo baxaan go’aano Ciqaab ahi.”

Xeerarka Xubnaha Gudiyaddu ay jabinayaan
5. Hadaba, waxa aanu halkan si cad u xasuusineynaa xubin kasta oo ka mid ad Guddiyada Nabadgelyada arrimahan:

Qodobka 21aad ee Distoorka - Dhammaan hey’adaha dawladdu waa in ay si gaar u ilaaliyaan xuquuqda aasaasiga ee muwaadiniinta.

Qodobka 27(9)aad ee Distoorka - Wa dembi gaar ah oo muteysanya ciqaab in lagu xadgudbo xorriyadda qofka.

Qodobadda 460 ee Xeerka Ciqaabta – Qofkii xorriyadda qof kale si xaq daro ah uga xayuubiyaa waxa uu muteysanyaa ciqaab ilaa 8 sanodood oo xadhig ah.

Qodobka 461 ee Xeerka Ciqaabta – Mas’uulkii si xaqdaro ah u qabta ama isagoo xabsi madax uu ka yahay ogalaada xidhitaanka qof aan si sharci ah loo soo qaban wuxuu muteysanyaa xadhig ilaa 3 sannadood ah.

Qodobka 250aad ee Xeerka Ciqaabta (ku takrifal awoodaha - abuse of office): Masuulyiinta, sida taliyaha booliska gobolka iyo ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha marka ay ka qaybgalaan Gudiyaddan oo si kas ah oo baalmarsan waajibkooda ay Guddi qarqoosha oo ay iyagu xubin yahiin xabsi ku xukumaan muwaadiniin haddii eed lagu heystay ay ahayd in ay iyagu horgeyaan maxkamad sharci ah, waa danbi gaar ah oo ciqaabtiisu tahay ilaa 2 sanno oo xadhig ah.

Digniin loo jeedinayo xubnaha Gudiyadda

6. Sidaad awgeed waxaanu bayaankan ku sheegeyna:

Xubnaha Gudiyadda Nabadgelyada: In maanta wixii ka dambeeya xubin kasta oo ka mid ah Gudiyadda Nabadgelyadda ogaato in ay shakhsiyan masuul ka tahay go’aan kasta oo qayral distoor ah oo xorriyadda muwadiniinta sharci daro lagaga xayuubiyo, ay tahayna dambi xubin kastaa gashay, oo mar ay noqotaba, xubintaas lagu hor keenidoona maxkamad sharci ah. Cid distoorka iyo xeerarka waddanka ka sareeysaa ma jirto, maantana haddii ay jirto xukuumad arrintan iska indhatireysaa, wakhtigeedu markuu dhammaado, ogaada dambiyaada laga galey xuquuqda aadimga ah la ilaawimaayo.

Xeer-ilaaliyaasha iyo Booliska ee Gudiyadda ku jira: Ummadda xil gaar ah ayey idin igmitay oo aad ku dhaarateen, xilkaas oo ah in aad qofkii lagu eedeyeeyo in uu dambi galo aad baadhitaan ku samaysaan oo idinkoo ilaalinaya xuquuqdiisa aad horgeysaan maxkamad sharci ah sida ku xusan Distoorka iyo Xeerka Habka Ciqaabta. Denbi gaar oo ku takrifal awoodaha xeerku idinsiiyay ayaad ka galeysaan qofkii aad soo qabataan ee aad horgeysaan Guddi aad idinkuna xubin katahiin oo aan maxkamad aheyn. Denbigaasi ka weyn ka ay galaan xubnaha kale ee Guddiyadan, si gaar ahna ayaa la idinla xisaabtaamiidoona, haddii Eebe idmo.

Duqayda Degmooyinka (Mayors): Si diimuqraadinimo ah aya la idinsoo doortay, umadda iyo xisbiyadiina ayaad wakiil ka tihiin, waar maanta wixii ka dambeeya, yeynaan maqlin Duqa Degmo amo magaalo ayaa ka qayb galay Guddi Nabadgalyo oo muwaadin xidhay. Haddii kale, dambiga aad gasheen ka sokow, muwaadiniinta degmooyinkiina iyo Xisbiyadda aad xubinta ka tihiin labaduba way idinla xisaabtamayaan.

Badhasaabyada iyo Xubnaha kale oo u sheqeeya dawladda: Ma jirto cid idunku qasbi karta in aydun Distoorka qaranka iyo Xeerarka ummadda aydun jebisaan. Maalinta la idin weydiiyo maxaad ugu xadgdubteen xuquuqda muwaadinkana, amar Wasiir ama Madaxeyne oo qayral sharci ah ayaan fuliney iskuma difaaci kartaan. Nabada iyo xasiloonidda iyo hawlihiina idaariga ah ka shaqeeya oo Alla ha idinku garab galo, laakin iyadoo aynu Maxkamadu sharci leenahay iyo Distoor si cad u kala qeexaya awoodiina iyo tan garsoorka, ilaaliya xuquuqda muwaadiniinta oo cidii lagu eedeynayo danbi u daaya booliska, xeer ilaalinta iyo Maxkamadaha. Haddii kale, dambiyadda aad muwaadiniinta ka gashaan maalin uunbaa sharci ah laydinla xisaabaatamidoona

Madaxweynaha, Baarlamanka iyo xisbiyadda

Bayaankan waxaanu mar kale u jeedinenyaa Madaxweynaha JSL, Baarlamanka, maxkamadaha iyo xisbiyadda arrimahan:

Madaxweynaha JSL: Waxaanu, si sharaf leh mar kale ku soo jeedinenynaa:
Maanta adiga oo kaliya si deg deg u afjari kara arrintan magaceena iyo sumcadeenaba dhaawacday. Kuma faani karno in aynu nahay dal ku dhaqma xukunka xeerka (rule of law) inta ay jiraan xubno waaxda fulinta ka tirsan oo muwaadiniinta xukun xabsi ah ku rida. Amar aad soo saarto maanta ayaa taas joojinaya, xeerna uma baahna oo waa arrin marka horeba baalmarsan sharciga iyo distoorka dalka u yaalla. Madaxweyne, waxaanu si xishamad leh kaaga dalbanaynaa adoo tixgelinaya waxqabadka lagu xasuusan karo kursigaaga (your legacy) yaanay ka mid noqon iska dhegotir qaylada muwaadiininta oo ah “naga jooji Guddiyadan na xasuusinaya waqtigii madoobaa, qofkii dambi lagu eedeenayo ha loo maro xukunka xeerka (rule of law)”.

Waxaanu kaloo, si sharaf leh, kaaga codsaneynaa in Dhammaan dadka u xidhan Guddiyadaa Nabadgelyada aad si ged deg ah u sii daysid, ciddii dembi geshayna in la mariyo eedeyn maxkamadeed oo loo cuskanayo Xeerka Habka Ciqaabta iyo Xeerka Ciqaabta, xuquuqdoodna la ilaaliyo.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Waaxda Garsoorka: Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee hore wuxu cadeeyey in ay Guddiyada Nabadgelyadu aanay waafaqsanayn Distoorka JSL oo ay yihiin hadhaagii Keli-taliskii, nasiib darro wax tallaabo ah kamuu qaadin, welina waanu la yaabsanahay sababta ay Maxkamaduhu ugu aamusan yihiin dadkan sharci khalada xabsiga loogu taxaabayo. Waxaanu mar kale soo jeedineyna:

In Maxkamada Distooriga ahi ay u baaraandegto wax allaale wixii ay Dawladdu u cuskaneyso awoodahan garsoorka ay Gudiyada Nabadgelyadda siisay, go’aanna ka gaadhaa in arrintani ay waafaqsantahay Distoorka in kale.

In Maxkamadda Sare, iyadoo cuskaneysa Qodobka 66aad (Habeus Corpus – si deynta qofka) ee Xeerka Habka Ciqaabta ay amar ku soo saarto in la sii daayo qof kasta oo u xidhan xukun ka soo baxay Guddi Nabadgelyo oo aan la soo marin Maxkamad Sharci ah. Awoodani “Habeus Corpus” oo ku saleysan Xeerarkii Somaliland lagaga dhaqamjiray waa tii uu tirtiray Kalitaliskii Afweyne bilowgii xukunkiisii, laguna soo celiyay halgankii qadhaadha. Maantana muwaadinka si sharciga baalmarsan loo xhidhaa (arbitrary detention) xaq bu u leeyahay in uu gargaarka maxkamadaha soo doonto.

In hadda wixii ka dambeeya, Maxkamadaha Gobollada iyo kuwa Degmooyinku, iyaga oo cuskanaya Qodobka 65aad (waaran lagu baadhidoono qof si xaq daro ah loo xidhay) ama Qodobka 67aad (Amar in qof Maxkamad la horkeeno) ee Xeerka Habka Ciqaabta, ay amraan in qof kasta oo ay xidhaan Gudiyadda Nabagelyada laga baadidoono xabsiyada lana horkeeno maxkamadda ku haboon si maxkamaddu ay kiiska iyadu gacanta ku qabato oo Xeerka Ciqaabta iyo Xeerka Habka Ciqaabta ay mariso qofkaas, haddii eedeyn sharciga waafaqsan ay jirto.

Baarlamaanka: Golaha Wakiiladu arrintan hore ayay uga hadleen. Xukumaddu haddii aanay ku dhaqanka Guddiyadan joojineyn, waxaanu idinka codsaneynaa:

In idinka iyo Guurtiduba idinkoo isku wada duuban aad si deg deg ah u soo saartan Xeer gaaban oo baabi’inaya awoodaha garsoorka ee guddiyadan oo aad ku ansixisaan aqlabiyad ku filan Qodobka 77(4) ee Distoorka oo hirgelineysa xeerka.

In aydun so saartaan go’aan aydun cadeynasaan, maanta wixii ka dambeeyaa xubintii Guddi Nabadgelyo ee muwaadin xadhig ku xukntaa ay dembi gashay oo sharciaga la mariyo.

Xisbiyadda Qaranka: Waanu ogsoonnahay in xisbiyadda mucaaridka ahi arrintan aad uga hadleen, xita Maxkamadda Sarena ay u gudbiyeen, cidina ka hoos qaadin. Xisbiga Udubna waxaanu ka codsaneynaa in ay dib-u-eegaan arrintan halka ay ka taaganyihiin. Ummada waxaanu ku guubaabineynaa in ay ka fiirsadaan xisbi ama murashax kasta maqaamka uu arrintan iska taago. Xisbiyadda waxaanu usoo jeedineyna:
In ay dhammaan qofkii xubin ka ah ee ka qaybgala xukunnada Guddiyadan ay tallaabo ka qaadaan.

In ay bayaan ka soo saaraan oo ay ku cadeynyaan in haddii ku guuleystaan in xukuumada ka mid noqdaan Doorashooyinka ka dib ay dabagalidoona sidii sharciga loo marin laha xubin kasta oo Guddiyadda Nabadgelyadda xukunadooda distoorka baalmarsan ka qaybqaata.

In ay taageeraan olalaha lagu tirtirayo awoodahan garsoorka ee Guddiyada nabadgelyadda

Ururrada bulshada iyo dadweynaha

7. Somaliland Forum wuxu si diiran usoo dhaweynayaa warbixinnadii ay Isku-xidhka Heer Qaran ee Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland (SHURO-Net) dhowaan kasoo saareen Guddiyadan Nabadgelyadda, waxaanu ku balanqaadeynaa in aanu la shaqeynu SHURO-NET iyo cid allaale cidii ka shaqeyneysa sidii loo tirtiri lahaa awoodahan garsoorka ee ay maroorsadeen Guddiyada nabadgalyadu, loona ilaalinayo xuquuqda muwadiniinta JSL. Dadweynaha Somaliland oo ku amaanan xilkasnimidda iyo ilaalinta nabadda iyo xasilloonida waxaanu guubaabineyna in ay si nabad ah xuquuqdooda u ilaashadaan, qofkii si xaqdarro ah loo xidhana ay isku dayaan in ay qadiyaddiisa horgeeyaan maxkamadaha, taakuleystaana urrurada xuquuqda ee Somaliland iyo kuwa bulshada ilaa inta aynu heleyno nidaam had iyo jeerba ku dhisan ku dhanqanka xeerka (rule of of law). Aniguna intayada dibeda joogta waanu idinla soconaa oo marnaba idin ilaawimeyno. Hab diimoqraadiyad ah ayeynu dhisaney, xaqna waxaynu u wada leenahay in aynu wixii qolloocsan toosino, kii ku xadgudbaya xeerka iyo distoorka darajo kasta ha hayee, weynu u sheegi karna inagoo ku leh, “ Waar xaqdarrada ayaa xasilloonida waddanka wax u dhimeysaa, ee ka hortageedu waxba u dhimi maayo”.

Wa Bilaahi Tawfiiq

SOMALILAND FORUM

Ururka Somaliland Forum waa urur madaxbannaan oo ay isku bahaysteen qurba-joog reer Somaliland ahi. Waxa uu ururkani aaminsan yahay qarannimada, horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland, waxanu iskaashi la sameeyaa jaalliyadaha Somaliland ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa horumarka Somaliland. Ururkani wuxu rumaysanyahay in dadka reer Somaliland ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan horumarinta dalkooda.

Wixii faahfaahin ah ee arrintan ku saabsan, fadlan la soo xidhiidh Gudiga Distoorka iyo Xeerarka ee Somaliland Forum: Ibrahim Hashi Jama, UK, law@somalilandforum.com , ama Ibrahim@somalilandlaw.com .
Waxaad kaloo la soo xidhiidhi kartaa xubnaha Gudiga Dhexe ee Somaliland Forum oo ah:

Chairman: Mohammed Ali Baranbaro - USA , Chairman@somalilandforum.com
Vice Chair: Ahmed Mohamed Jibriil – Finland, vice@somalilandforum.com
Secretary: Hogad Ahmed Farah – USA, secretary@somalilandforum.com
Treasurer: Amina Abdi Jama – Canada, treasurer@somalilandforum.com
Member at Large: Nuura Ahmed Waris – USA, xubin@somalilandforum.com
Somaliland Forum Website: http://www.somalilandforum.org

No comments: