Sunday, May 13, 2007

Ergeyga Qaramada Midoobay Francois Fall Oo Madaxweyne Rayaale ka balanqaaday Inay Qaramada Midoobay Somaliland Gaarkeeda u la Dhaqmayaan.

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa xalay qasriga Madaxtooyada casha sharaf ugu sameeyey Wefti uu hogaaminayo Wakiilka khaaska ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya. Sida waxa lagu sheegay warsaxafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada, ahna la taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca warbaahinta Md. Siciid Cadaani Mooge.
Waxa kale oo warsaxafadeedka lagu sheegay inuu Ergeyga qaramada midoobay u qaabisan arimaha Somaliland iyo Somaliya inuu Somaliland gaar ahaanteed ula dhaqmidoono.

Isaga oo dhameystirana waxa uu u dhignaa sedan:-

“Madaxwaynaha JSL Mudane Dahir Rayaale Kaahin wuxuu caawa casho sharaf ugu sameeyey qasriga Madaxtooyadda Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo Mr. Francois Fall oo ah Wakiilka khaaska ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somalia.

Casho sharaftaasi ka dib waxa Madaxwaynaha JSL iyo Mudane Francois Fall ay wada hadleen xasiloonida, nabada iyo geedi-socodka dimoqraadiyadda ay Somaliland gaadhay, wuxuu Mr Fall ku dhiirigaliyey inay sii wadaan guulaha ay ka gaadheen arrimahaasi iyadoo isla markaana uu balanqaaday inuu gaadhsiindoono horumarka ay Somaliland gaadhay hay’adaha Caalamiga ah oo ay Qaramada Midoobay ay ka mid tahay .

Waxaana Mr. Fall uu tibaaxay in uu ula dhaqmidoono Somaliland gaar ahaanteeda dhinac walba.

Mr. Fall iyo Wefdigiisu waxay u mahadnaqeen Madaxwaynaha JSL iyo Shacabwaynaha Somalilandba intii ay joogeen sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyey.

Casho sharafta Madaxwaynuhu u seemeeyey Wefdigaasi Qarqamada Midoobay waxa dhinaca Xukuumada Somaliland ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane C/laahi Cali Ismaaciil, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xuseen Cali Ducaale Iyo Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda Mudane Siciid Maxamed Nuur.”

Dhinaca kale sida ay sheegayaa warar la isla dhexmarayo inuu Ergeyga qaramada midoobay Socdaalka ku jooga Somaliland ay u jeedada socdaalkiisu tahay sidii uu dhexdhexaadin lahaa Xukuumada Somaliland iyo Maamul Goboleedka Majeerteeniya oo dhawaan dagaal ku dhexmaray degmada Adhicadeeya ee Gobolka Sanaag oo ay labada dhinac isku qabteen.


Qore: Mustafe-Janaale

No comments: