Monday, May 14, 2007

SOMALIWEYN DOON AWELBA ADIGAA LAGUGU XAMANAYEY.

Xoghayaha xisbiga UDUB, Maxamed Ismaaciil Bulaalee ayaa laga hayaa dastuurkeenaa dhigaya inaynu Cabdilaahi Yuusuf wada hadalno, waxaanse odhan lahaa walaalkay Maxamed wakhtigan aynu ku jirno diyaar umaanu nihin inaanu la hadlno dagaal ooge Cabdilaahi Yuusuf iyo shakhsiyaad la mid ah, hadaba Maxamed awelba adigaa lagugu xamanayey Somaliweyne adigu orodoo la hadal oo Somaliland magaceedu ha kaa nabad galo.
Sidaynu ognahay dalka Somalia waxa uu gacanta ugu jiraa Ethiopia ka sokow afarta dagaal ooge ee u adeegaya ee uugu horeeyo Cabdilaahi Yuusuf, hadaba inagoo og inaynu arimaha aad sheegayso kala hadli karma Ethiopia maxaa kugu kalifay inaad adigoo xisbiga dalka taladiisa gacanta ku haya afhayeen u ah ay kaa suurtowdo maanta oo ay ka soo wareegtay 17 sanno madax banaanideenii inaad tidhaahdo waxaan la hadlayaa nimankii aynu ka go'nay 1991 oo aynu ognahay inaanay jirin cid si dastuuri ah lagu soo doortay oo meteshaa, waa hadii aanad nimankaa aad sheegayso rajo ka qabin.

Gunaanadkii waxaan leeyahay Maxamed Ismaciil Bulaale ha ka fiirsado kelmadahan uu ku hadlayo oo u dhigma kelmadihii ay nabadsugidii Siyaad Barre dadka soo dhex dhigi jirtay si ay ugu jidayso waxaan qaban.

Dib uma maqli karno shacab Somaliland ahaan wada hadal u furma Somaliland iyo dagaal oogayaasha aynu wada naqaano oo aan ka ahayn dawladaha jira ee jaarkeenna ah siiba Djibouti iyo Ethiopia – Somalia hadii la rabo in lala hadlo cidda maamusha (Ethiopia) awelba Maxamedow idinkaa nooga faro dhuudhuubnaaye intaa ku ekaada.



Mahadsanidin.

Mohamed H Roble

No comments: