Monday, May 07, 2007

Go'aankii Maxkamadda Sare ee Komishanka Doorashooyinka

MAXKAMADDA SARE EE SOMALILAND OO RIDAY XUKUNKII Koomishanka Doorashooyinka….Guul Buuxda Waxay Siisay Doodii Madaxweynaha, Mase Cadda Cidda Soo Xulaysa xubintii dhineed ee Kulmiye

Maxkamdda Sare ee JSL oo isla shalay uun dhegaysatay dacwaddii u dhexaysay Golaha Wakiiladda iyo Madaxweynaha JSL ee la xidhiidhay samaynta Komishanka Qaran ee Doorashooyinka ayaa maanta ku dhawaaqday go’aan maxkamadeed.

Go’aanka ka soo baxay maxkamaddu wuxuu u qaybsanaa laba arrimood oo muranku ka taagnaa:

1) Golaha Wakiilada oo muddo laba sanadood ah u kordhiyey xubnihii komishankii hore ee doorashooyoinka, iyo

2) Dib-ugu-Celis Goluhu ku celiyey Madaxweynaha 6 xubnood oo cusub oo uu soo gudbiyey, lixda oo kala ahaa 3 uu isagu magacaabay, 2 guurtidu magacowday iyo 1 xisbiga UCID uu soo magacaabay.


Maxkamddu waxay maanta ku sheegtay labada arrimood ee kor ku xusanba inay baalmarsanayaan distoorka Somaliland. Sidaa darteed ka dhigtay waxba kama jiraan muddo kordhintii Komishankii hore. Isla markaa waxay maxkamaddu amartay in cod ay ku ansixiyaan xubnaha uu u soo gudbiyeyey Madaxweynuhu ee lixda ahaa iyo midka toddobaad oo asxaabta mucaaridka ahi soo xulaan.

In kasta oo xisbiga Kulmiye aanu ilaa imika soo gudbin xubintii loo qoondeeyey iyada oo xisbigu ku sheegay xulista 5 xubnood inuu Madaxweynuhu iska yeeshay oo aanay taa u arkayn samayn Guddi dhexdhexaad noqon karta, haddana waxa maanta la isweydiinayaa cidda soo xulaysa xubintaa iyada oo xukunka dhacay maantu uu sheegay in laga doonayo asxaabta mucaaridka oo aan la soo hadal qaadin Kulmiye. Si mar horeba dhacday waxa iska suuragal ah in xisbiga UCID oo soo gudbiyo xubin kale oo matasha mucaaridka.

Xigasho: Waaheen Online

No comments: