Monday, May 14, 2007

Jandayi frazer oo sheegtay in loo baahanyahay in wax laga bedelo hogaanka sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

(Waridaad) - Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee wadanka Mareykanka ugu qaabilsan arrimaha Africa Jandayi Frazer ayaa sheegtay in loo baahanyahay in la bedelo hogaanka sare ee dowladda Soomaaliya iyadoo dhanka kalena ku baaqday in la dardar galiyo shirka dib u heshiisiinta qaran.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee wadanka Mareykanka ugu qaabilsan arrimaha Africa Jandayi frazer oo u waramaysay Idaacada codka Maraykanka laanteeda Afka-Soomaaliga ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la bedelo hogaanka sare ee dowladda.

"Hanaanka nabada Soomaaliya waa mid muhiim ah waana ognahay inaan si aad ula shaqeynayno Madaxweyne Yuusuf sidaasi daraadeed waxaa muhiim ah in la helo hogaan lagu wada qanacsanyahay oo xal u keena dalka iyo dadka soomaalida". Sidaa waxaa tidhi Jandayi frazer.

Jandayi frazer oo wax laga waydiiyey sida ay u aragto hadalada Maxaakiimta islaamiga ee ku aadan inaysan marnaba ka qeyb galaynin shirkada dib u heshiisiinta qaran ilaa inta ay Ciida Soomaaliyeed ka joogaan Ciidamada itoobiya ayaa waxa ay sheegtay in kuwa iyagu sidaasi leh aysan ahayn kuwa raba xiligaan in itoobiya baxdo waayo ayey tidhi hadii ay rabaan amase ay doonayaan in itoobiyo baxdo waxay hakin lahaayeen amase ay joojin lahaayeen rabshadaha iyo dagaalada ay wadaan taasina waxay fursad qaali ah u noqon lahayd inay cagaha soo dhigaan gudaha dalka Soomaaliya Ciidamada midowga Africa oo fure u noqonaya bixitaanka Ciidamada Itoobiya.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee wadanka Mareykanka ugu qaabilsan arrimaha Africa Jandayi Frazer oo ka hadlaysay aragtida ay ka qabto in soomaaliya laga sameeyo hormar dhinaca nabada la xadhiidha ayaa waxaa ay sheegtay in ay muhiim u tahay in sal looga dhigo nabada dalka soomaaliya wada hadal buuxa iyadoo sheegtay in ay jiraan talaabooyin muhiim ah oo uu madaxweyene Yuusuf horay ugu qaaday dhinaca qabiilka Hawiye sidii ay u wada xaajoon lahaayeen.

Hadalka Jandayi Frazer ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili ay dhawaan gacan ku haynta Magaalada Muqdisho la wareegeen Ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiyaanka oo is garabsanaya kuwaasoo Magaaalada kaga awood roonaaday kooxihii kacdoonka waday.


No comments: