Monday, May 14, 2007

Socdaal U Qooondeysan Madaxweynaha Somaliland D R Kaahin

Madaxweynaha Somaliland oo socdaal khaas ah ku imanaaya Sweden iyo Germany.

(Waridaad) - Waxaa baryahan danbe isa soo tarayaa warar tibaaxaaya in Madaxweynha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, socdaal khaas ah (private visit) ku imandoono dalka Sweden. Warkan waxa laga helay ilo kala jooga Somaliland, Stockholm iyo Oslo.Waxa warku sheegaya in Madaxweynuhu ka ambabixidoono Hargeisa 28-ka bishan, kuna soo aadan yahay Sweden 1-da June.

Hindisaha socdaalka

Waxa la sheegayaa in hindisaha socdaalkani ka curtay, socdaal kale oo la yidhi Wassiirka Arrima Debedda ayaa doonaayey in uu yimaaddu dalka Sweden bishi April ee inna soo dhaaftay. Wassiirku ilaa hadda ma iman Sweden. Wassiirku waxa uu doonaayey si toos ah looma sheegin, waxase jiray Mudaaharaad Jaaliyadaha Somaliland ku qabanayeen Stockholm dabayaaqadii bishi April, oo malaa Wassiirku damacsanaa in uu ka qaybgalo.
Warku wuxuu sheegaya in iyadoo lagu gudo jiro diyaarinta socdaalka Wassiirka, in codsi ka yimi Madaxweynaha Somaliland, oo si toos ah u soo codsaday in isagana viso loo soosaaro.

Maqaalkii oo dhan sii akhri

No comments: