Sunday, May 20, 2007

Jawaab Ku Socota Guddoomiyihii Hore Laanta UK ee Xisbiga KULMIYE

(Waridaad)- Afeef: Siyaasadu, waxay u baahantahay harag adag sida midka maroodiga oo qaniinyada siyaasadeed iska xejiya; haddii aad harag jilicsan tahayna oo wax waliba ku durayaan, waxa haboon inaadan markeeda horeba siyaasada soo gelin.

Sida aydun ula socotaan, taariikhdu markay ahayd, 17 May 2007, waxa si lama filaan ah oo shirqoolaysan oo mugdi weyni, shaqo curyaamin badheedh ahi, iyo Khiyaamo Xisbi Qarraneed ku jirto isu casilay, Mohamed-Aar Abdillahi Mohamed oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Laanta dalka Ingiriiska ee Xisbiga KULMIYE iyadoo qabashada Shirweynihii 3-aad ee laanta Ingiriiska ee Xisbiga ee 19 May 2007, ay ka hadhsanayd laba maalmood oo keliya!!
Waxa la yidhi, wixii jiraaba cakaaru iman; hase yeeshee, rag waa kii is qabta isuna gar naqsada si sharaf lehna isu qanciya gartana qaata una kala baxa isna xaq dhowra ama markeeda horeba aan waxba isku darsan dushaasna iska qadariya banaankaasna kala mara sida dhaqan gobeedkeenu uu tilmaamayo ee inoo dhaqan iyo caado ah.

Hadaba, Mohamed-Aar, Isku Daygan Dabar Jebinta ahi, been abuurka qayaxan, iyo aflagaadada foosha xun ee uu maanta kula kufay Xisbiga KULMIYE ee Qaranka Somaliland, ma’aha wax sidaas loogaga hadhaayo ee shacbiga geesiga ah ee Somaliland, ayaanu u soo bandhigi doonaa shirqoolkiisa si, ay isaga ogaadan kuwa munaafaqada kula dhex jira ee shaadhka kale inoo soo xidhay ee danta gaar ahaaneed wata ee inoo soo shaqo tegay ee aan ummadan iyo dalkan lexejeclo ka qabin ee qaarkood ka mid yihiin cadowga gudaha ee hagardaamooyinka inagu haya ee hoostaasna ka wada shirqoolada lagu minjo xaabin rabo qadyada iyo jiritaanka Somaliland.

Waa waajib ina wada saaran, inaynu fashilino dhamaan kuwa qiiqa farabadan isku qarinaya ee cadiifada qabyaaladeed, mida qarraneed, iyo mida wadaniyeedba ee huu haada ahi isku qarinaya ee dhuumanaye dhabarku muuqdo ee moodayana inay dadku indho, caqli, iyo garasho la’ yihiin.
Run ahaantii, Mohamed-Aar, intu markiisi horeba isasoo fatooxiyey oo ay qaar soo buun buuniyeen oo maadama loogu magac daray Maxamed-Aar ay qaar kuba andacoodeen inuu yahayba Aar Libaax ah misna sidaas la isaga qadariyey loona taageeray ee weliba kor loo wada qaaday ee in xil muhiim ah loo dhiibo loona quudhay aakhirkiina loo igmaday inuu noqdo Guddoomiyihii Laanta dalka Ingiriiska ee Xisbiga KULMIYE ee uu sidaas rag kale oo jagadan eeganayey oo wada “Cantar Bin Shadaad” ahi ama ka miisan culusaa ama ka ruug cadaasanaa, ay damacoodii siyaasadeed si walaaltinimo iyo kalgacayl ku jiro daraadii uga tanaasuleen iyagoo danta guud dhowraya soona wada dhoweeyeen wadashaqeyn buuxdana siiyey lana filanayey inuu si hufan oo hawl karnimo iyo hagar la’aani ku jirto inuu asxaaba hawsha kula jirta uu si daacad ah u wada daadihiyo, hase yeeshee, markii uu wax noqday ee uu rag la soo simmay iskuna hubsaday jagadii sida wadajirka ah loogu dhiibay; ayuu hadana hoostaas kala soo baxay waxyaabo u qarsoonaa oo dibu socodnimo ah oo shaqo curyaamin ah.

Hadaba, markii lagu gartay, waxa uu khaayinkani wado ee uu si cad ugu fashilmay xilkii loo igmaday kuna hungoobay danihiisii gaar ahaaneed ee mugdiga ahaa, ayuu si fuleynimo, daciifnimo, iyo gunnimo weyni ku jirto uu aflaagaado raqiis ah oo wadareed uu kula kufay Xisbigii KULMIYE ee dhamaa ee Qaranka Somaliland ee isaga ugu deeqay inuu soo galo garoonka siyaasada ee ay ku loolamaan baarqabyada xukumada talada haysa iyo barqaabyada Asxaabta Qaranka iyo baarqabyada Shacbiga Geesiga ahi ee dalka gudahiisa iyo debediisaba taasoo ka sii mid ahaanshadeeda faan weyn u noqon lahayd “Aar” lamoodkan dawacoobay.

Sida igu maqaala ahna, sabaha uu Mohamed-Aar isu casilay iyadoo laba cisho ka hadhsan tahay Shirweynihii 3-aad ee Laanta Ingiriiska ee Xisbiga KULMIYE, waa sida hoos ku xusan:

In Mudanuhu aanu lahayn aqoon siyaasadeed, hab maamul hufan (transparent) oo aan mad madow ku jirin, wadashaqeyn wacan, daacadnimo, iyo isagoo ka soo bixi kari waayey xilkii loo igmaday.

In Mudanuhu uu limiyey kalsoonidii asxaabta laanta kala shaqeysa iyo mida taageerayaasha dalka Ingiriiska ogaadayna inaanu Shirweynaha 3-aad ee Laanta Xisbiga, aanu doorashada ku soo baxi doonin, sidaas daraadeed, uu isku dayey inuu khalkhal geliyo qabashada Shirweynahaasi calool xumona ku abuuro guud ahaan Xisbiga KULMIYE iyo taageeradiisa balaadhan ee u heelan hanashada Xukunka Somaliland.

In Mudanuhu uu dano gaar ahaaned watay doonayeyna inuu dhaqaalaha taageerayaashu Xisbiga ugu deeqaan inuu isagu keligii kaantaroolo afkana u dhigto taasoo ka turjumeysa inuu ku kacay Khiyaamada Dhaqaale Curyaamin Laan Xisbi Qaranneed.

In Mudanuhu uu ahaa “Mole” basaas qarsoon oo laba wejile ah oo UDUB u adeega oo laanta Xisbiga kula dhex jiray hagardaamo, carqalad, muran, khilaafaad, iyo minjo xaabin dadban oo siyaasadeed.

In Md. Axmed Yusuf Yaasin uu Mudanaha u balan qaaday jago Wasiirnimo shuruuda uu ku xidhayna, ay ahayd inuu Warsaxaafadeed Rasmi ah qabto oo cambaareyn xoogan iyo aflagaado xun oo wada been abuur ah u uu soo jeediyo guud ahaan Xisbiga KULMIYE ee Qaranka Somaliland iyo mas’uuliintiisa, halka uu ku hadli lahaa kuna ekaan lahaa eedeyntiisa guracan Laanta Xisbiga ee Ingiriiska ee uu xilka ka hayey!!!

Hadaba, Mohamed-Aaroow, wada maqalnay waxaad tidhi kuna aragnay waxaad tahay lanoona sheeg in lacag lagu siiyey ee waxa noo dhiman oo aanu dhowreynaa in Ahmed Yuusuf Yaasin uu balantiisa oofin doono iyo inkale oo uu Wasiir kaa dhigi doono.

Mise, markaad iyana UDUB-taad hoosta kala shaqeyn jirtay aad ku soo hungowdo, ayaad hadana u kabash kabashleyn dhinaca Xisbiga UCID; Ileyn, waxani waa siyaasadde, yaa mar kale ku aamini doona oo u diyaar ah in dhabarka laga toogto oo ku soo dhoweysan doona?

In aanu Mudanuhu siyaasi ahayna, waxaad ku garataa, Xisbiga UDUB ee talada haya oo uu Guddoomiyahiisii ahna Madaxweynaha JSL uu qudbadiisii 18 May 2007 ku qirtay inuu muddadii lixda (6) sannadood ka badneyd ee uu xilka dalka ugu sareeya hayey, ay xukumadiisu gudan kari weyday balanqaadyadii doorashada oo dhan waxna aaney u qorsheysnayn shacbiga iyo dalka xiligii doorashadana, ay ka hadhsan tahay dowr bilood ama wax sannad wax ka yar gaalkuna uu u sii dhacayo oo aan dib dambe loo soo dooran doonin!!

Wasiirnimada hada la isu balan qaadaa ama la isa siiyaa adigoo og in Xukumadu, ay waa hore fashilantan haysana kalsoonidii shacbiga gudaha iyo debedaba, ma mid xiligan gaabaabsiga ah lagu doonayo dhaqaale iyo boob hanti ummadeedbaa?

Ma taasaa mida uu Mudanuhu, sumcada isaga diley ee uu ku hamiyayo ama ku fekerayo ee sida indho la’aanta ahi lugta isaga toogtay ee uu kaga dhacay tareenka xawliga ku socda ee Xisbiga KULMIYE ee mucaaridka ugu weyn ahi ee xoogan ee ugu taageerada badan gude iyo debedaba ee u heelan hanashada xukunka iyo dalka Somaliland?

Waa kee ninka siyaasiga dhabta ahi ee ruug cadaaga ahi ee manta oo kale ku biira xisbi la hubo inuu xukunka dalka ku fashilmay sidaasna ku guuldareysan doonom, kana baxa Xisbi xoogan oo taagere badan leh oo is huba inuu doorashadan fooda inagu soo haysa ku guuleysan doono xilka uu hada ka hayona uu ku heli doono xil kale oo ka sareysa?

Waa noocee ninka fursada noocaas oo kale ee siyaasadeed maanta iska khariba ee gegi laga hayaamey, abaar, iyo gabaahiir cidla ah ka doorta?
Hadaba, aan markan wax idiinka yara iftiimiyo, qiiq isku qariska, qori is mariska, been abuurka, iyo aflagaadada ee uu Mudanehani kula kufay guud ahaan Xisbiga KULMIYE. waana sida hoos ku xusan:

Waxa uu Mudanuhu yidhi: “Anigoo ah Guddoomiyahii Kulmiye ee dalka Ingiriiska (UK) hayeyna xilkaasi muddo ku siman hal sanno iyo dheeraad isla markaana ay noo qorshaysnayd inaanu qabano Shirweynihii 3-aad ee Xisbiga Kulmiye ee dalka Ingiriiska 19-ka bishan May. Waxaan go’aan ku gaadhay inaan iska casilo xilka aan u hayey Xisbiga Kulmiye ee Guddoomiyaha UK sababahani hoos ku xusan awgeed.”

Mas’uul xil haya inuu iskii isu casilo, waa caadi; mararka qaarna waxaaba dhacda in mas’uulka sababo jira oo aan la dhaafi karin loo soo jeediyaa laguna adkeeyaa inu is casilo xilkana si deg deg ah u wareejiyo iyadoo arrinta laga raacayo danta guud ee kambaniga ama ururka ama xisbiga ama mida shacabka iyo dalka, iwm.

Mar walbana mas’uulka wax garadka ahi ee ixtiraamka lehi, xil kasnimada lehi, sumcad dhowrashada lehi, iyo odeytinimada lehi ee taariikh shaqadeedkiisa ilaashanaya (employment history), wax buu xeeriyaa wanaag ayuuna shaqada kaga baxaa xitaa haddii la xumeeyey.

Haddii aad aragto mid soo caayey halkii uu bariiska in mudo ah ku lahaa, waa mid meel ka dhac weyn ku kacay oo aragti gaaban oo heer hooseeya oo sumcada iska dilay oo aan xumahiisa iyo aflagaadadiisa meelna ku gaadhi doonin nabsina ka daba iman karo oo cidii soo dhoweysataana, ay weligood iska ilaalin doonaan.

Waxa uu Mudanuhu isu casilay si ula kac ah oo qaab xun oo bilaa ixtiraam ah oo bilaa asluub ah oo aad u fool xun sababaha keenayna, waxay ku cad yihiin shanta qodob ee aan kor idiinku soo sheegay isagaaney u taala halka uu xumahiisa ku gaadho.

Mudanaha oo hadalkiisa sii wata, wuxuu yidhi: “Ka dib markii aan arkay inaanu xisbigu ahayn Xisbi Qaran ee uu yahay xisbi ay aafeysay qabyaalad iyo kooxeysi, ay cid gaar ah ku fushaneyso.”

Mudanoow, waa beentadii 1-aad iyo aflagaado qayaxan oo badheedh ah maadaama Xisbiga KULMIYE, uu yahay Xisbi Qaran sida ku cad Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaal shacabkuna wada og yahay.

Been abuurkaagana, waad ku guul dareysatay maadama Xisbiga KULMIYE xitaa laga og yahay caalamka oo dhan; hana moodiin in caalamku aanu la socon nidaamkeena hab dowladeedka, dimoqraadiyeedkeena, nidaamkeena asxaabta badan, iyo guud ahaan qadyada iyo jiritaanka Somaliland.
Mudanoow, malahaa waad riyootaye xisbigan mey aafeyn qabyaalad iyo kooxaysi cid gaar ahina kuma fushato sida ka jirta xisbiga talada haya ee UDUB; waana faashil caad waxa aad ku andacoonayso.

Wuxuu Mudanuhu yidhii isagoo xumahiisa sii wata: “Ka dib markii aan arkay inaanu jirin xisaabtan ku saabsan lacagaha ay qurba jooga reer Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska ku bixiyaan taageerada dhaqaale ee Xisbiga, isla markaana ay lacagtaasi gasho jeeb gaar ah ee aan dannaha xisbiga lagu fulin.”
Mudanoow tanina, waa beentaadii 2-aad; Haddii aaney wax kale meesha jirin ileyn, Guddoomiyihii dhamaa baad ahayde, maad iska qiratid inuu maamulkaagi guul dareystay oo aad ka soo bixi weyday xilkaagi oo hab maamulkaaga guracana iyo danahaaga gaar ahaaneed, ay kuu meel mari waayeen maadaama lagugu ogaaday damaca walaan ee dhaqaalaha yar kaa haya iyo ficiladaada ka turjumaya Dhaqaale Curyaamin Laan Xisbi Qaranneed.
Mudanoow, maxaad burushka wasakhda ah aad u marmarinaysa mas’uuliinta kale ama asxaabta kula shaqeynaysey ee xitaa kaa horeysay ee kaaga khibrada iyo aqoonta roon siyaasada iyo hawl xisbiyeedkiisa?
Ma mudadii yarayd ee aad Guddoomiya Laanta Xisbiga ka ahayd, baa Laantaas iyo guud ahaan Xisbiga KULMIYE ee Qaranka Somaliland la aasaasay?

Maxaa, xitaa markii uu Xisbigu iyo Laamihiisa badan ee dalka gudahiisa iyo debediisaba, ay curdanka ahaayeen loo maqli waayey, waxan aad ku hadaaqeyso oo kale?

Mudanoow, waanu la soconaa in arrinkaagu uu yahay shaqo curyaamin oo aad is leedahay sidaas baad ku niyad jebin karta taageerayaasha balaadhan ee uu xisbigu ku leeyahay dalka Ingiriiska ee sida hagar la’aanta ah ee joogtada ahi dhaqaala ugu deeqa xisbiga taasoo ku noqotay Xisbiga UDUB laf dhuun gashay si kastana kuna guul dareysatay inay Xisbiga dhinaca dhaqaalaha ka curyaamiso. Mudanow, ma waxa aad is tidhi dhaqaalaha yar ee Xisbiga ayaad ka maroorsan kartaa oo aad afka keligaa ugu dhigan doontaa?
Mudanuhu, isagoo sii hantaatacaya, ayuu isku dayey inuu dhinaca wadaniyada iyo daacadnimada inoogu soo gabado isagoo leh: “Ka dib markii aan arkay in Xisbiga gudahiisa uu ka dhex jiro xafiltan iyo kooxaysi isla markaana koox gaar ahi ay doonayso inay dumiso qarannimada Somaliland doonayna inay danahooda ka hor mariyaan ta qaranka iyo ta xisbiga.”

Mkudanoow tanina, waa beentaadii 3-aad; dabcan urur siyaasadeed dhexdiisa, lagama waayo mucaarid iyo muxaafid oo iyadoo shaqadii la wada hayo, ayaa hadana loo loolamaya kursiga Guddoomiyenimo iyo jagooyinka kale ee sar sare maadama meesha ay taalo dimoqraadiyad si loogu guuleysto xiliga dooradada dambe taasoo caadi ah inuu Guddoomiyu hoostaas ka sameysto qaar muxaafid ah mucaaridkuna sidoo kalem ay hoostaas ka soo dhisto ka, ay is leeyihiin hawsha ayuu si ka fiican u wadi karaa kana firfircon badnaan doona ka hada jagada ku fadhiya.

Mudanoow, waxa meesha ka socda, waa siyaasad ee ma’aha arrimo qoys iyo xafiltan iyo kooxaysi; waxaana hadaladaada ku cad inaad siyaasadii Lanta Xisbiga aad la jaan qaadi kari weyday oo aad si xun ugu guul daraysatay xilkii Guddoomiyenimo ee laguu igmaday.

Mudanoow, miyaadan xitaa la socon in muxaafidka iyo mucaaridka, ay ka jiraan Golaha Degaanka taasoo uu Duqa magaaladu uu ama ku kasbado taageero buuxda ama uu qaar taageera ka dhex sameysto xildhibaanada iyadoo hawshi qaranna ay halkeedi ka socoto?

Mudanoow, waa beentaadii 4-aad, inay Xisbiga KULMIYE ee ummada iyo dalka lexejeclada ka qaba ee dhowr jeer arrimo badan danta guud ee ummada iyo dalka awgeed uga tanaasulay inuu la qasto Xukumada Ina Riyaale, Maxkamada Sare, iyo Xisbiga UDUB aad ku sheegtid inay ku jiraan kuwo duminaya qarannimada Somaliland. Taasi, wey kugu cadahay oo waa nooca hadaladii Xukumada iyo Xisbiga UDUB looga bartay ee dhegaha shacbiga ka batay ee afka laguugu riday si danahaaga gaar ahaaneed, ay kuugu meel maraan oo uu Ahmed Yusuf Yaasiin uu Wasiir ka dhigo!!

Su’aashuna, waxa weeye: Ahmed Yusuf Yaasiin, ma leeyahay awood uu Wasiir kaga dhigo? Mise Riyaale, buu kuu soo baryi doonaa?
Mudanoow, wuxuu hadana ku andacooday oo yidhi: “Ka dib markii aan arkay hawshii aan qaranka iyo Xisbiga u hayey ee ahayd aqoonsi raadiska Somaliland oo aan god kasta u gallay in la daboolaayo isla markaana la isoo gaadhsiiyey in inta Ina Riyaale xilkia hayo inaanu Aqoonsi dan u ahayn Somaliland.”

Mudanoow tanina, waa beentaadii ugu weyneed ee 5-aad taasoo malahaa ah ta uu Ahmed Yuusuf Yaasin hor dhigi doono Ina Riyaale ee malahaa wasiirnimada lagugu siin doono; waana haddii aad calaf ku leedahay.
Reer Somaliland, wey ka dheregsan yihiin in cayda Xisbiga KULMIYE iyo mas’uuliintiisa, ay Xukumada Ina Riyaale ku bixiso jago Wasiirnimo iyo handi qaran; waxaana la dhowrayaa in caydan been abuurka ahi aad wax ku hesho iyo in kale. La yaabna noqon mayso haddii aad caydaas wasiir ku noqoto sida qaar badan oo kaa horeeyey oo aflagaadooyin raqiis ah oo nooca aad ku hadaaqday ah Xisbiga kula kacay oo wasiirnimo lagu siiyey.

Dhinaca kale, haddii aad Aqoonsiga dalkaaga “god kasta” u gashay, waad ku mahadsan tahay oo waa wax inagu wada waajib ah, hase yeeshee, konto (monopoly) kuma yeelan kartid dedaalka loogu jiro aqoonsiga dalka maadaama arrinkani uu u furan yahay Dowlada, Asxaabta Xisbiyada, Ururada Bulshada, Qurba Jooga oo dhan, Saaxiibada Somaliland ee caalam, iwm. Taasina ma aha arrin aad keligaa noogu faani karto.

Wuxuu Mudanuhu intaas inoo raaciyey kuna sii andacooday isagoo u daadegaya sababta ugu dambeysa ee is casilaadiisa: “Iyadoo Xisbigu uu abaabulo banaanbaxyo uu kaga soo horjeedo madaxda qaranka ee dalka Ingiriiska u timaadda dannaha qarannimada Somaliland, sida hada ka socota dalka Ingiriiska ee lagu samaynaayo wefdiga uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka iyadoo lagu marmarsiyoonaayo xuquuqul insaanka ayey meel kaga dhacday xukumada jirta iyadoo aaney maanta taasi u oolin dedaalka aynu ugu jiro gebi ahaanteenba madax banaanideena. Iyadoo sababahaasi iyo qaar kale oo badani ay jiraan oo aan u adkaysan waayey isla markaana aan xamili kari waayey inaan xilkaasi guto, ayaan gartey inaan xilkii aan ka hayey xisbiga Kulmiye aan iska casilo.”

Mudanoow, ha isku khaldin mas’uulinta Lanta ee Xisbiga iyo taageerayaasha Xisbiga; arrinka aad ku andocootayna ee ah in “…Xibigu abaabulo baanan baxyo” lagaga soo horjeedo mas’uulinta qaranka, waa beentaadii 6-aad ee ugu dambeysay ee daba dhilifnimadaada muujinaysa.

Horta, mudaharaad dhacay oo lagaga oo lagaga soo horjeeday madaxda Somaliland ama Madaxweyne ku Xigeenka anigu maan maqal; waana wax aan jirin; markaa taasina, waa beentaadi 7-aad;

Waana inaad ogaataa, in taageerada Xisbiga ee dalka gudahiisa iyo debadiisaba, ay xaq Dastuuri ah u leeyihiin, inay Xukumada iyo madaxdeeda meel kasta kaga mudaharaadaan oo ay xitaa dacwad ka dhan ah ku soo oogaan xaqa u leeyihiin inay difaacaan ummada iyo dalka, Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala; kana dhiidhiyaal cadaalad darada iyo dulmiga dalka ka jirta oo ay karaamadooda, xuquuqal insaankooda, iyo xoriyatul qawlkooda hadh iyo habeen lagu tumanayo ka hor tagaan. Taasina ma’aha arrin, ay xisbi siyaasadeed iyo dowlad dimoqaadiyada ahiba ka hor istaagi karto ama cid xaq ku doodaya oo si sharci ah u soo banaan baxay ka hor istaagi karto.
Hase yeeshee, waxaad ogaataa inay jiraan muwaadiniin badan oo ka mid ah qurba jooga Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska oo xisbi walba ku jira xaqna u leh inay madaxda la xisaabtamaan oo ay qaar qaadacaan kuna mudaharaadaan sida Madaxweyne ku xigeenka kuna eedeeyaan inu ka dambeeyey fool xumadii loo geystay gabadii yarayd ee Samsam, arrimahii magaalada Dhahar, arrintii Wasiir Waqaf, aflagaadadii Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo xadhigii loo geystay Ururkii Xuquuqal Insaanka u doodayey ee habka dikteetooriyadnimo ahi la isaga xidh xidhay dacwadoodii xaqa ahaydna ee dastuuriyan ahaydna loo dadafeeyey loona diiday inay maxkamada ka furtaan sida sharciga ku cad, saxaafiyiintii maxkamada horteeda qalabkoodii warbaahineed lagu burburiyey qaarkoodna la xidh xidhay, waxyaabahii ka dhacay Berbera gaar ahaan Bariga Berbera ee uu ka dambeeyey, dhacdadii Cusbitaalka Hargeisa, dhacdadii Dumbuluq, iwm.
Waxa kale oo aad xisaabta ku darsataa, inaanu Madaxweyne ku Xigeenku awood lahayn oo dhowr jeer oo uu wadahadal iyo shirar turxaan bixin ah balan qaaday iyo waxyaabo kale oo badan uu Riyaale wejiga kaga soo tuuray; meeshana uu haatan iska joogo sidii lax dhunkan.

Mudanuhu, waxu yidhii isagoo markan qiiq wadaniyeed isku qarinaya adeegsanayana weedho aaney muran ku jirin: “Waxaa hubaal ah in qaranimada iyo gooni isu taaga Somaliland tahay muqadas ay gaadheen shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaana ay reer Somaliland dedaal igu jiraan inay maalin uun ka midho dhaliyaan xornimada iyo madax banaanidooda iyadoo aan shaqsi iyo koox gooniya loo danaynin.”
Horta, weedhaha noocani, ma’aha mid inagu cusub oo waa mid aanu hadh iyo habeen ku hadaaqnaa oo aanu u taagan nahay ka midho dhalinteeda; mana aha weedho ay qaar qiiiq isku qarinaya, ay u adeegsadaan inay ku majaro habaabiyaan shacbiga; cida ka midho dhalinteeda hor taagan ama hoostaas ka minjo xaabisaa, waa Xukumada Ina Riyaale iyo Kooxdiisa NSS-ta u badan ee Somaliweynta ahi ee marba bed bedela mooqifka siyaasadee dalka ee la xidhiidha Somalia kuwaasoo marna is fatooxiya oo yidhaahda la hadli meyno Somalia ilaa ay meesha timaado dowlad dimoqraadi ah oo shacabkoodu soo doortay; marna hoostaas ka dus dusa oo shirar qarsoodi ah kula yeesha kooxahaas Addis Ababa, Djibouti, Nairobi, Europe, iyo goobo kale oo badan; marna yidhaahda Dastuurka Somaliland baa qeexaya in Dembiile Dagaal Cabdillaahi Yuusuf lala hadlo sida uu Xoghaya Xisbiga UDUB uu ayaan dhoweyd kaga dhawaajiyey, iwm.

Sidaas daraadeed, waxaan uga digayaa Mudanaha inuu daacad isaga keen dhigo oo uu adeegsado weedho xamaasad wadaniyeed leh isagoo si dadban ku duraya in cida arrimahan uu sheegayo hortaagan uu yahay Xibiga KULMIYE ee uu sida sharaf darada ahi uu xumaha, been abuurka, iyo aflagaadada uu kula kufay.

Mudanuhu hadana wuu isa soo kala fireeyey kuna sii andacooday been abuurkan qaawan: “Xisbiga Kulmiye waxaa ii muuqata inuu ka leexday jihadii loo abuuray isagoo weliba Xisbigu uu yahay xisbi ka doonaya shacabka reer Somaliland taageero uu ka kasbado inuu hanto xilka ugu sareeya himilooyinka uu mustaqbalka dhaw higsanayo iyadoo shaqadii iyo hawshii xisbiga ay aafeeyeen sababahaasi aan kor ku soo xusay.”

Cajiib, bal eega been abuurka intaas le’eg ee uu ninkan mas’uulka laga dhigtay uu adeegsanayo doodna ka dhiganayo!!

Mudanoow, Xisbigan aad af lagaadeynayso a) Waa Xisbi Qaran oo lixda (6) Gobol ee dalka iyo Qurba Joogaba taageero balaadhan ku haysta b) Waa Xisbiga doorashadii Madaxtooyada ee 2003 ee uu Xisbiga UDUB ee weliba sida balaadhan footka ugu shubtay la sheegay inuu KULMIYE kaga badiyey 80 foot oo qudha, iyo c) Waa Xisbi Siyaasadiisu iyo barnaamijkiisu aanu mad madow ku jirin oo maalin walba oo ay Xukumad Ina Riyaale iyo Kooxdiisa iyo Xisbiga UDUB, ay siyaasada dalka ee gudaha iyo mida debeda, ay ku sii fashilmaan, ay tageeradiisu maalinba maalinta ka dambeysa kor u kacdo haatana haysta taageero ku filan oo uu doorashada fooda inagu soo haysa uu ku guuleysan karo xukunkana ku hanan karo.

Sorry, Mudane, Xisbiga KULMIYE ma’aha Xisbiga UDUB ee fashilmay iyo Xisbiga UCID ee jahawareersan ee siigada isku qariya ee bilaa jihada ahi cid beentaadaas intaa le’egna asmacaysa ama ka siisanaysa majirto; UDUB-na, waxba uumaad taarine ee dhulka ayeydun isla sii geli doontaan haddii, ay been abuurkan iyo aflagaadadan foosha xun Wasiirnimo kugu siiso.

Mudanuhu, isagoo sidii KACAANKA u hadlaya ama GUULWADEYNAYA oo markan qiiq weyn isku soo gadaamay, ayuu yidhi: Waxaan shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba ugu baaqaya inay ilaashadaan midnimadooda, walaalnimadooda, iyo wadajirkooda isla markaana meel kasta oo ay joogaan ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii ay u difaaci lahaayeen qarannimada Somaliland oo ah muqadas.”

Mudanoow, shacabkan aad la hadlayso jaahiliin ma’aaha oo cida dantooda iyo mida dalkooda wada wey kala og yihiin; waana shacabka aad ka cayday Xisbigoodii KULMIYE ee ay sida xooga leh u taageeraan rajeynayaana inuu doorashadan soo socota xukunka ku guuleysan doono waxna u qaban doono dalkana horumarin doono.

Mkudanoow, waxaad tahay hungo biirtay waxyaabo badanina kaa dhiman yihiin oo aadan siyaasadana waxba kala socon qaladna, ay ahaydna khalad in markeedi horeba lagaa dhigo Guddoomiye Laan Xisbiyeed.
Mudanuhu, waxa uu ku sii andacooday isagoo isticmaalaya ilmadii yaxaaska oo uu yidhi: “Waxaan ka xumahay in la khalday jihadii iyo maamuuskii iyo xeerarkii u yaalay Xisbiga iyadoo cid gooniya lagu naas nuujinayo isla markaana tallada xisbiga ay ii muuqatay inaan loo wada sinayn.”

Mudanoow, adiga ayey asluubtii iyo jihadii iyo maamuuskii mas’uulnimo kaa khaldantay xeerarka aad sheegtayna adiga, ayaa si cad u jebiyey; haddii uu doonana, waxa uu xisbigu kugu qaadi karaa xeeraarkaas kuguna soo oogi karaa dacwad ceebeyn xibiyeed iyo mas’uulin xibiyeed oo ula kac iyo been abuur ah (defamation law suit) ee waa laguu tudhayaaye bad kale oo aadan ka dabaalan karin kuna seegi karto gebi ahaan mustaqbalkaaga siyaasadeed ha is gelin; ka bixitaanka Xisbigana ugu maad horeyn sida aad Xisbiga u soo aflagaadeysayna ugu maad horeyn oo waxa kaa horeeyey qaar badan sida Md. Buuni, Mr, Cawil Mucjiso, iyo qaar kale oo nooca xumahaagaasi iyo been abuurkaagaasi oo kale Wasiirnimo lagu siiyey ee bal, aanu aragno nasiibkaaga.
Mudanihii oo markan sii jahawareeray oo weli ilmadii yaxaaska, ay ka qubanayso, waxa uu ina leeyahay: “Waxaan rajaynayaa in Xisbigu uu gudahiisa isku noqdo isla markaana uu turxaan saar iyo ka yeesho dhibaatooyinka iyo aafooyinka waaweyn ee saameeyey qaabkii shaqo xisbiga Kulmiye.”

Ileyn, af aadan lahayn lama qabto; Mudane, waxaanu ku leenahay Xisbigii dhamaa iyo mas’uuliintiisii iyo mabaadiidiisii iyo taageerayaashiisii ee dalka gudahiisa iyo debadiisaba, ayaad wada aflagaadeysaye, sidaas daraadeed, waxba ha noo sheeginee ee bada ka cab ama—“HIT THE ROAD JACK” or “GET LOST”.

Guul iyo Gobanimo,
Farah Ali Jama,
Ottawa, Canada.
(farah.jama@alumni.uottawa.ca).

No comments: