Sunday, May 20, 2007

Jawaab rasmi ah oo Guddida Xisbiga Kulmiye (UK) Ka bixisay cabashadii Maxamed Aar.

(Waridaad)- Waxa aan filayaa in dadka badidiisu akhriday maqaal lagu soo qoray shebekadaha warbaahinta ee Somaliland. Sida cad maqaalkaa qorihiisu waa Maxamed Aar oo ahaan jiray Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Kulmiye (UK).

Waxa aan filayaa aniga oo ah Axmed Yuussuf ahna Guddooimye ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye (UK) kuna hadlaya magaca Guddida Kulmiye UK in aanay jirin cid iiga xog ogaalsani arrimaha u soo qaaday Maxamed Aar iyo waxa ku kallifay. Waxa aan haddaba doonayaa ina aan wax ka idhaahdo cabashada uu soo jeediyay. Waana tan:

Waa marka u horreysa e Maxamed aar Guddoomiye uma ahayn Xisbiga Kulmiye (UK) laga soo bilaabo badhtamihii bishii February 2007. Sidaa darteedna aanu sheegan karin kuna hadli karin magac guddoomiye. Waxa mansab la iska casilaa marka aad xilkiisa haysid markaa sidee buu isu casili karaa qof aan xilba saarnayni?

Ta labaad Aar waxa uu ku cawday in Xisbiga ay aafaysay qabyaaladi. Taa waxa aan
ka odhanayaa: Soomaalida ayaa tidhaa baroortu ceesaanta ka wayn. Aniga cidi iigama war roona waxa Maxamed Aar ku kallifay ina uu caynkaa yidhaahdo. Dhawr
goor ayaan anigu Aar ku idhi haddii aad doonayso dib ayaa laguu dooranayaa ee hadhkaaga ha ka didin. Qabyaalad Maxamed lagu sameeyo ma jirto ee waxa weeye
ciiro uu doonayo ina uu isku qariyo. Runtuna wax weeye ‘cadkaa haddaan anigu cuni wayo waan ciidaynayaa’.
Waxa uu dhawr goor ku celceshay in Kulmiye baal maray xeerkiisii iyo hab dhaqankii u yaallay. Runtu waxa ay tahay in Kulmiye gaar aniga iyo xubnihii kale ee nagu la jiray Guddida ina aannu ka diidnay Aar markii uu yidhi xeerka ha la ii jebiyo oo yaan doorasho la gelin. Waxa uu in badan isku dayay in si aan waafqsanayn xeerka xisbiga oo aan ahayn dimuqraadiyad na loogu kordhiyo sii haynta xilka. Taa Guddida inteeda kale way ka diiday. Halka ‘sartu ka qudhutayna’ waa halkaa.

Waxa ayaan darro ah in ninkii xisbigu ku aaminay jagadii ugu sarraysay xisbiga qurbajooggiisa uu yidhaahdo Xisbiga waxaa ku jira dad duminaya qarannimada Somaliland. Waxay Soomaalidu ku maahmaahda meel la salaaxo oo madax ka sarraysaa ma jirto . Bal isaga ayaa guddoomiye u ahaa ee yaa kale oo uu uga fadhiyay ina ay wax ka qabtaan kuwa uu leeyahay waa qaran dumis?
Midda kale, dadka reer Somaliland way ogyihiin ciddii dalka u soo halgantay iyo kaalinta ay kaga jiraan Kulmiye maanta. Kulmiye waxaa ku jira oo hiil iyo bhoba la ag taagan kuwii naftooda u huray Somaliland. Hadal nin cadhaysani yidhina waxba ma yeelayo.

Su’aasha ictiraafka ee uu leeyahay god walba waan u galay waxa aan ka leeyahay inta aniga iyo xubnaha kale ee Guddida kaga baxday Aar meelna kaga may bixin. Runtii waxaan odhanyaa, faanna ha nagu ahaatee, annaga ayaa ka badsannay dadaalkii ku baxay guushaa uu sheeganayo. Laakiinsee koox isku duuban ayaannu ahayn dhibaatada iyo dheefta ka timaadda dadaalkayaga waannu u siman nahay.

Waxa kale oo uu ka hadlay xisaabxumo xagga dhaqaalaha iyo lacagyow lagu shubtay jeeb. Waxaan taageerayaasha iyo dadweynaha ree Somaliland-ba u sheegaynaa ina aanay jirin lacag loo diray Xisbiga intii aannu annagu haynay xilka Guddida Kulmiye UK. Waxa kale oo aynnu ognahay in aan Xisbiga dukaammo u furnayn oo aanay jirin meel kale oo wax ka soo galaan. Markaa lacagta uu sheegayo ee uu leeyahay jeebab ayaa lagu shubtay xagguu ka keenay?

Ugu dambayn waxa uu Aar sheegay mudahaaradyo lagu dhigo madaxda qaranka marka ay dibadaha u marayaan hawlo qaran. Gaar ahaan in hadda lagu muadahaaridi doono Madaxweyne Ku Xigeenka oo hadda ku sugan dalkan United Kingdom.
Annagu sida aannu ka war qabno ma ogin cid abaabulaysa muddaharaadyo lagu dhigayo Madaxweyne Ku Xigeenka. Runtii sheekadaasu waxay u eg tahay mid ka timi xagga Soomaaliweynta.

Waxaan ku soo gunaanadayaa hadalka haddii Maxamed Aar mansab jacayl ka saaray Kulmiye dalkiisa iyo dadkiisana wuu ka saari ee ha la ogaado. Maxamed Aar miyuu iloobay ammaantii iyo ku faankii uu khudbadkasta marka uu furayo uu ku muraaqoon jiraay? Ma niyadbaa aanay markaas ka ahayn mise marka uu kursigii waayay ayuu cay iyo wuxuu doono ku hadlayaa?


Axmed Yuusuf
Guddooimye ku Xigeen- Kulmiye (UK)

No comments: