Thursday, May 17, 2007

KOMISHANKA DOORASHOOYINKA IYO ANSAXINTA WAKIILADA

(Waridaad)- Waxa beryahan bulshoweynta Somaliland debed iyo gudaba la gaalaadhacaysay arrimaha la xidhiidha sida loo helaayo Guddi Doorasho oo dhexdhexaad ah una cuntanta inta jecel gar-qaad ka madhan eex iyo garbin. Haddaba iyadoo aan la gees marin distoorka oo u baahan wax ka bedel, ma la heli karaa wadiiqo yar oo dheeliga ka biisa habka magacaabista. Tan labaad hadda oo mar kale la horkeenay Golaha Wakiilada, sidee Golahu ku qiimeyn karaa kartida, aqoonta, hab-maamul-wanaaga, dhaqan iyo hufnaanta xubnaha Komishanka.

Tan dambe aan hormariyee, waxa Golaha la horkeenay CV yada xubnaha, amba taariikh-nolaloodkooda. Taas oo ah ereyo qalin ku qoran amba la soo daabacay. Waxaa Golaha la gudboon arrimaha soo socda:

Waa inay xaqiijiyaan waxyaabaha CVyada ku qoran, iyagoo meesha ay la noqoto qoraal amba xidhiidh telephoon kula xidhiidhaaya.

Waa inay qoraal sexeexan ka qaadaan oo xubin kastaa ku xaqiijinayso in wax kasta oo CVga ku qoran yahay wax run ah, been CVga laga helaana tahay dembi, isla markaasna xubintu ku waayi doonto jagada mar kasta oo taasi soo baxdo.

Sidoo kale waa in xubintu saxeexdaa bayaan ay ku muujinayso inayna marna hawl xisbi, mid doorasho, mid guddi, iyo olaleen ayna marna samayn muddo shan sano ah.

Waxa sidoo kale la gudboon inay qoraal u qoraan maxkamadaha dalka oo ay ka baadhiyaan inayna jirin fal dambiyeed xubintu gashay muddo shan sano ah, amba cashuur bixin la,aan tan dawladda dhexe iyo tan hooseba.

Intaas ka dib, waa in CVga lagu qiimeeyaa aqoonta, khibradda, hab-maaul-wanaaga, sugnaanta akhlaaqda iyo rumeysnaanta dimuquraadiyada iyo awoodda garsoornimo.Waa in Guddiga Arrimaha Guduhu nin nin ugu yeedhaan oo ay su’aalo ay ku qiimeynayaan arrimahaas weydiiyaan. Su,aalahu waa inay noqdaan qaar toos ah oo iftiiminaaya taariikhda xubinta, akhlaaqdiisa, kalsoonidiisa uu ku qabo dimuquraadiyada, cadaaladda iyo dhexdhexaadnimada.

Haddaba, bal aan eegnee sidee habboon ee loo soo xuli karaa xubnaha komisahanka iyo cid kasta oo loo diraayo hawl qarannimo una baahan inay noqdaan guddi dhexdhexaadnimo oo xaqa ku ingijinsata. Sida distoorku qoraayo ilaa la beddelo, waxa lagu laxaami karaa hab xaqiijiya in la helo xul komishan ah oo xaq-soor ah. Rayi ahaan, anigoo dhowr dawladood oo Itoobiya iyo UK ka mid yihiin raadraacay, waxa aan soo jeedin lahaa:

Waa in la helaa Guddi Qaran oo u Xil Saaran soo magacaabidda Guddiyada sida Komishanka looga baahan yahay inay noqdaan qaar hawl qaran ka garsoora. Rayi ahaan waxaan odhan lahaa ha la dhiso guddi madax bannaan matalana bulsho weynta Somaliland sida soo socota:

Guudigu waxuu ka koobnaan doonaa 9 xubnood oo kala ah a) 3 xubnood oo xisbiyad ah b)3 xubnood oo ay soo xulaan Ururka Qareenada c) 3 xubnood oo matala madaxda Jaamacadah Camuud, Hargeysa iyo Burco.

Guddigaas kor ku xusan ayaa soo dooraaya 15 xubnood oo la horgeeyo cidda distoorku u xilsaaray xulista komishanka oo noqonaaya:

Madaxweynaha oo 3 xubnood kala soo baxaaya 15 xubnood ee Guddigu soo xulay.

Guurtiduna waxay la soo baxayaan 2 xubnood

Xisbiyada Mucaaridkuna 2 Xubnood.

Intaas waxaa xigaaya baadhista iyo qiimeynta Golaha Wakiilada oo sida distoorka ku cad leh ansixintooda. Sideedba waxa waajib ah in la helo nidaam u saamaxaaya in cidda magacaabista leh u marto si ay ugu fududaato xulistu, isla markaasna loo helo xul mas’uuliyadda culuskeeda qaadi kara aqoon ahaan iyo daacadnimaba.

Habkan oo waafaqsan distoorku, waxa uu xoojinayaa sida loo heli lahaa Komishan hela kalsoonida looga baahan si ay garta ay naqaan noqoto mid loo arko dhexdhexaad ku dhisan sharci iyo nidaamka doorashu ee dalka loo jideeyo. Waxa aan si fudud u soo bandhigay hab dunida noocyo kala duwan loogaga dhaqmo. Habkan oo dhammaan ujeedada laga leeyahay tahay sida loo heli lahaa Komishan Dhecdhexaad ah oo doorasho xalaal ah lagu aamini karo. Haddii loo baahdo faafaahin iyo raadraac cilmiyeysan waxa leygala soo xidhiidhi karaa emailkeyga.

Guul iyo Mahad Allah

Ahmed Arwo

Cardiff, U.K
samotalis@gmail.com

No comments: