Friday, May 25, 2007

Maalintii Qaranka JSL 18ka May: Tobanaan xafladood iyo tii Yemen - Waxba!

(Waridaad)-Waxa aan hawada idiin soo marinayaa salaan qaali ah dhammaan shacabka geesiga ah JSL meel kasta oo ay joogaan munaasabadda farxadda iyo dabbaaldegga maalinta barakaysan ee madaxbannanida Qaranka JSL 2007.

Waxa lala socday xafladihii qiimaha badnaa ee la isku arkay meel walba dunida korkeeda iyo shanta qaaradood munaasabadda maalinta sharafta mudan ee qaaliga ah 18ka May 2007. Maalinta Qaranka JSL ee geesiga ah. Xafladahaas oo looga jeeday laba ujeedo:

  1. In la iskugu yimaado xuska iyo xasuusta fantasiyaha iyo farxadaha guulaha la gaadhay JSL dhinacyada Nabadgelyada, Waxbarashada, Caafimaadka, Wershadaha iyo wax soo saarka iyo hor-u-marka kale ee aan la soo koobi karin iyo xoriyadda dimoqraadiyadda nooceeda ah Afrika. Waxaa loo mahad celinayaa Illaaha ina garansiiyay nicmadiisa iyo shacabka wanaagga jecel ee xorta ah JSL..

  2. In loo diro fariin adag beesha caalamka in ay tahay lagama maarmaan in ay aqbalaan madaxbannaanida JSL oo xaq ah oo aan ka noqosho lahayn iyo in la dhacsiiyo maamulada dawladaha aduunka taariikhda sooyaalka iyo jiritaanka Somaliland ka hor midnimadii Somalia 1960kii iyo kala noqoshada gooni-isu-taagga Somaliland oo ah doorashada iyo masiirka ummadda inta badan ( 89% ) oo ah masalo waqti ku xidhan aqoonsigu inta laga baranayo.

Sidaas darteed waxa sharaf mudan Shacbiga, Axsaabta iyo Dawladda JSL ee muujiyay awoodda iyo kartida ay u leeyihiin in ay aduunka u soo bandhigaan wejiga cusub qadiyadda Somaliland iyo rabitaanka ummadda sharafta leh JSL. Weliba waxa markan si gaar ah loogu hambalyaynayaa Jaaliyadaha qurba-joogga JSL ee dalalka Carabta iyo Safaaradahooda ama ( Xafiisyada ) oo si weyn ugu guulaystay in ay daaha ka qaadaan qadiyadda Somaliland ee aan la qarin karin oo ah markii ugu horeysay intooda badan oo ay ka hirgeliyaan xafladaha furan goobaha ay joogaan. Gaar ahaan Jaaliyadaha JSL ee Dalalka Kuwait iyo Sacuudiga ( KSA ) sida xilkasnimada leh ee ay wax u maamuleen. Dalalka Maraykanka Woqooyi sida Kanada ( Canada ), USA ama kuwa Yurub iyo meelaha ku darsaday debed-baxyada taageerada qadiyadda JSL wanaagoodu waa mid ku yaal qalbiga muwaadinka JSL oo aan la illoobi karin waxa ay qabteen iyo halgan dhab ah oo is-dirka qof ahaaned iyo wadarta ku dhisan...

Waxa aan ka xumahay farxaddaas iyo ujeedooyinkaas oo la baal maray meelaha qaarkood oo aan haba yaraatee wax yarna aanu ku darsan Xafiiska ( Safaaradda ) ay JSL ku leedahay Dalka Yemen oo iska daa wax ay qabtaane aan ku dhiiri gelin Jaaliyadda JSL ee halkaas ku nool in ay dadaalkooda gaarka ah ku muujiyaan badheedhahooda xafladahaas sida walaalahood kale sameeyeen qorbajooga JSL shanta qaaradood fariinta iyo dabbaaldegga dhoolatuska rabitaanka ummadda madaxbannanida qarankooda qaaliga ah.

Nasiib darada dhacday waxa u sabab ah wakiilada jooga xafiiska JSL ee Yemen oo aan ahayn dad haba yaraatee wax ka yaqaan hab-dhaqanka maamul dawladeed iyo borotokoolada dawladaha oo ah runtii qaar si gaar ah la isaga soo aruursaday oo loo keenay meesha in ay ku noolaadaan keli ah oo mid walba lagu keenay hayb iyo habar hiblaayo ama oday hebel baa wata. Taas oo ka mid ah dhacdooyinka lugta jiida maamulada oo badanaaba muujiya dhaliilalaha maamulo iyaga ah, kana horkeena bulshada la maamulayo iyo dadkii waxan iska lahaa ee u soo dhintay oo arkaya sida loo silcinayo midhihii lagu soo beeray dhiigga mujaahidka. Kuwaas oo markii loo dhabbo galay aan lahaynba khibrad iyo raadraac maamuul ama aqoon waxbarasho sare ama mid diploomaasiyadeed ama karti qof ahaaneed. Qaarkood waxa la ii sheegay in ay kuuli ka ahaan jireen ama ay bayaaradaha ( bullaacadaha ) ka qodi jireen Sanca/Yemen ka hor halka ay maanta ka yihiin diploomaasiyiin oo sidaas loo wada garanayo. "Marayahaaguna way kula marti tagaan". Ayaa la yidhi.

Waxa naxdin iyo niyad jab ah in la soo diro dad noocan oo kale ah halka ay meel walba dhooban yihiin ama ay bustaha hoosta kaga jiraan kaadar aan la hawlgelin oo heer sare ah oo wax ka tari kara qadiyadda JSL in ay sare joojiyaan heerka ay taagan tahay oo khibrad iyo aqoonba uu Illaahay siiyay oo yaqaan afka lagula hadlo Illaahay iyo Addamahiisa. Waxa ka sii ciil badan miisaaniyadda lagu kharash gareeyo sanadkii xafiis-ku-sheegga isaga ah oo aan ka yarayn sanadkii lacag dhan US $ 200.000. Xattaa ma laha xarun iyo xafiis ay u soo shaqo tagaan oo u qalma diploomaasiyiintaas cadilan marka loo eego xaddiga dhaqaalaha loo qoondeeyay iyo qiimaha jaban ee nolosha Yemen.

Maalmihii xuska qaranka JSL waxa aan la kulmay magac iyo meel madhan oo lacag la iskaga qaato. Halka ay miisaaniyaddaasu wax weyn ka tari lahayd meel kasta oo loo leexiyo baahida ballaadhan ee dalka ka jirta ama la siin lahaa agoomaha. Waana mid ay dawladda JSL ku fashilan tahay sida ay wax u maamushay ama ay u dhaqmayso in ay hawlgeliso dad aan u qalmin maamulka heerka la marayo maanta ee cidiyo-ku-dagaalanka ah in cidla lagu shubo miisaaniyadda intaas leeg ee ay ka baahan yihiin kuwii ag joogay oo ay weli qaarkood la taahayaan gumucyadii rasaastii ku soo dhacday maalmihii halganka qadhaadh lagu jiray iyo dagaaladii xoraynta oo aan laga saarin dhaqaalo la'aan awgeed.. Lama filayn in Wasaaradaha JSL ay ka maarmayaan lacag cidla lagu shubo miisaaniyadda intaas leeg ee maalin walba la isku haysto meel marinteeda madhxin iyo tashiil ahaan oo la iska siin karo dad guryahooda jiifa ama meelo kale ka shaqaysta oo ay halkaasba u gaadhay. Kuwaas oo xataa waxba u quudhi waayay wanaajinta magaca wadankooda siiba maalmaha qaaliga ah iyo munaasabadaha qaranka iyo fariimaha is-wada ee loo tebinayo maqalka dhegahooda ama indhahooda ummadaha aduunka madaxbannaanida Somaliland. Kuwaas ( Reer Sanca/Yemen ) oo kaalintoodii gabay.…..

Waxa intaas ka sii calool xumo badan ashkhaasta meesha ka muuqata oo aan haba yaraatee lahayn arag, aqoon, halgan iyo wax kale oo loogu xisho in ay dalka ku metalaan sifaha ay yihiin.. Abshir Xoodiye waxa uu ka shaqaystaa Dahabshiil Magaalada Tacis/Yemen mushahaarana waxa uu ka qaataa JSL. Muxumed Xersi ( Tamaam ) waxa uu ku mashquulsan yahay diyaarinta qalqaalada qayilaadda mafrashka gurigiisana kama soo baxo. Cali Maxamed Axmed ( Cali-Ilkacase ) oo madax u ahina kama hoos baxo guryaha labada safiir ee Somalia oo ay saaxiib ku ahaan jireen XHKS waqtigii taliskii Siyaad Barre iyo Jabuuti. Kuwaas oo uu iskala sheekaysto maadaama ay moofadiisu maraqa ugu jirto. Qof kale ayaa jira sida la sheegay oo aan cidiba aqoon u lahayn halka uu ku nool yahay iyo waxa uu ku sugan yahay. Mana jiro xidhiidh iyo wada-shaqayn iyaga gudahooda ka dhexeeya iyo waqti shaqo ama meel shaqo ( Xafiis ) ay u soo wada kallahaan ama ay isku arkaan oo ay shaqo ka fuliyaan. Xataa ma ay samayn meel ama xarun ay dadkooda kaga warhayaan mana hadal hayaan in ay waxbaba qabtaan mana jecla in lagala hadlo ama lagala doodo wax qabad iyo in la wediiyo waayaha dalka iyo dadka ay la nool yihiin. Waxa la ii sheegay in ay Yemen la soo deristay nasiib darada noocan ah ee madhnaanta madax xumada leh laga soo bilaabo ballaysinkii xafiiska uu ku bilaabay midkii kuwan ka horeeyay ee lagu magacaabi jiray Mr. Xuble Hoore. Dadkuna waxa ay leeyihiin kii hore ayaaba roonaa oo waa faranji xaaji. Kaas oo isaga laftarkiisa lagu bedelay wax-qaba la'aan iyo daacad darro.

Waxa la is-weydiinayaa cidda musiibadan ka mas'uulka ah – ma shaqaalaha la soo dirayo oo aan xilkas ahayn mise maamulka soo doortay in uu kuwan oo kale dadka iyo dalka u gacan geliyo dad aan dan ka lahayn ama ay bes ka tahay karti iyo garasho la'aan ay wax ku maamulaan oo aan bidix iyo midig midnmaba waxba u qori karin..Haddii ay qoraanna aanay cidi akhrin karin waxa ay qoreen. Waana dembi laga galay, caddaaladda, qiimaynta qofka, kartida, aqoonta, dadnimada, halganka, hanka, hanaanka iyo qaranka JSL in mid liita lagu deysto in uu kula qabiil yahay mid kalena lagu eryado in aanu kula reer ahayn oo taal illaa xattaa illaa heer Wasiir ama Madaxweyne.

Niyad jabka iyo guul darada ku habsatay bulshada qurba joogga JSL ee Dalka Yemen ee axraarta ah ayaa waxa farriin culus loo dirayaa maamulka Madaxtooyada, Wasaaradaha iyo hay'daha kala duwan JSL ee ku shaqada leh in ay ugu yaraan u diraan xafiiska iyo safaaradda JSL ee Yemen kaadar ku haboon oo u dhaama dalka iyo dadka magac ahaan iyo manfac ahaan kuwa hadda jooga oo meel ka soo saara waxa loo magacaabay iyo mas'uuliyadda qaranka ee loo egmaday ama la iskaba xidho xafiis aan faa'iidada lahayn. Waxa caado laga dhigtay lacagta oo la aruursado markaasna Hargaysa laga dhisto guryo Viilooyin ah iyada oo weliba loogu faanayo dadka.

Yemen oo ka mid ah meelaha ugu muhimsan xidhiidhka JSL waxa fiican in loo soo diro diloomaasiyiin mustawe sare leh oo dadka wax la qaybsan kara ama la fahmi karo. Haddii la doono haba ku hayb ahaadaan kuwa loo dirayo kuwii hore haddii ay taasi ka mid tahay hawlaha hortaagan in wax la isku bedelo oo ka mid ah duruufaha iyo dhaqamada xunxun ee laga dhaxlay maamuladii dib-u-socdka ahaa ee faashiga oo aan weli laga xoroobin. Laguma marmarsoon karo Yemen ayaa wax diidan oo aan jirin.

Si kastaba ha ahaatee waxa ay Jaaliyadda JSL ee Yemen kala ciiday indhaha iyo dhegaha muwaadininnta joogta meelaha kala duwan dunida ee uu dadaalkoodu gaadhsiiyay in ay fuliyaan fariimaha qaranka JSL ee qaaliga ah.

Wa nicma Lillaah.

Guuleed Xaaji Faarax

Guleed_Xaji@hotmail.com

No comments: