Wednesday, May 23, 2007

Maamulka Somaliland iyo Golayaasha maxaa ka khaldan?

(Waridaad) - Waxaan ka hadlayaa labo mawduuc oo gaagaaban oo labaduba ay khuseeyaan maamulka Somaliland, Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida oo hadii aan deg deg wax looga qaban sababaya burbur aynaan ka soo laaban iyo talo bixin ku socota bulshoweynta Somaliland (Codbixiyayaasha), iyo labada Gole.

Ta hore waa iyadoo uu maamul inoo dhisnaa 16 sannadood in ka badan ayay maanta inoo suurtoobi weyday inaynu xataa xabad barbar marino diyaarado ku soo xadgudbay carigeenna kuwaasoo saacado ku dul meeraalaysanaya magaalooyinkeenna waaweyn iskadaa dalka oo badh dhani uu inaga maqanyahaye. Nama qabato 16 sanno ka dib garan mayno diyaaradda ku soo xadgudbaysa si ixtiraam laan carigayaga oo aan xabad qudha la dul marin, Wasiirka Duulista Hawada (Waran Cadde) waa inuu cadeeyaa mawqifkiisa iyo cidda uu qarinayo ee diyaaradaha masuulka ka ah.

Taasi waxay ku tusaysaa habacsanaanta ka muuqata maamulka dalka hogaaminaya oo ay isugu tageen shakhsiyaadkii ugu kharibnaa bulshada Somaliland, bal ha loo fiirsado marka qof maamul uu Rayaale u dhiibayo xil inta badan kuma doorto aqoontiisa, daacadnimadiisa, xirfadiisa ee wuxuu ku doortaa qabiilka uu ka soo jeedo (waa arimo la xidhiidha vote-ka), afmiishaarnimo, xishood darro, beensheegid, xisaabtan la’aan iwm.

Ta labaad waxaynu ognahay inaynu dhisanay maamul ku dhisan dimuqraadiyad oo shuruuc leh, waxa iga yaabiyey sababtu maxay tahay maamulku uu sharciga u hogaansami la’ayahay, maxayse tahay sababta golaha wakiiladu ay shuruucda dalka siiba Dastuurka ay dib ugu eegi waayeen oo uga saari waayeen khaladaadka iyo goldaloolooyinka ka muuqda ee laga dhaxlay maamulkii marxuum Maxamed X Ibraahim Cigaal.

Waxa cad in hadii la saxo goldaloolooyinka ka muuqda dastuurka aan waxba la isugu yimaadeen, si fiicanna la isu fahmi lahaa.

(Dastuurka) bal u fiirso arimahan hoose oo qof waloo waxgarad ahi markuu maskaxdiisa la kaashado uu arkayo in khalad ku jiro ama aan loo sinayn maamul iyo mucaarad ahaan.

Maxaa kalifay in xisbiga talada dalka haya iyo madaxweynaha oo isla xisbigaa ka soo jeedaa ay comishanka doorsahada cidda loo soo xulayo ay u yeeshaan ama u soo magacaabaan xubno ka badan xubnaha ay soo magacaabayaan xisbiyada kale ee mucaaradka ahi? – maxayse taasi ku tusaysaa?.
Muxuu madaxweynuhu u soo magacaabaa gudoomiyaha maxkamadda dastuuriga ah ee si kale loogu dhigi waayey?

Maxaa maamulka ciidanka qaranka iyo isu keenay Madaxweynaha.
Hadii aan wado meelaha khaladaadku ay ku jiraan Dastuur iyo maamul ahaanba ma dhammaanayaan khaladaadka ii muuqdaa, waxaanaan leeyahay sadbursi baa meesha ku jira ee wax ha la saxo ama meesha ha lagu kala dareero.

Gunaanad

Talo bixin ku socota Bulshoweynta Somaliland meel ay joogaanba iyo Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada.

Ka dib markii aan eegay khaladaadka sare iyo umuuro badan oo aanan halkan ku iclaamin waxa muuqata in maamulka hadda talada hayaa UDUB aanay u qalmin ama aanay lahayn milgihii maamul lahaan jiray haday noqoto xag maamul, maarayn, aaminaad, iimaan iyo talo keen toona, markaa waa in laga tashadaa sidii loo bedeli lahaa (Waa in doorasho lagu ridaa) waa hadii anay ta rabbi uga soo horeynba.

Golaha guurtidana waxaan leeyahay, guurtiyeey dhammaantiin da’a baad maanta joogtaan waxaad sugtaanna wallow aynu geerida u simanahay waa xisaab alle ee dalka iyo dadka wax san ugu taliya oo u tudha, aakhiradiinana dhowrta.

Golaha wakiiladana waxaan leeyahay is qaad qaad, shandadweyn xambaar, xilqaadis ku xaragood, kabo qaadnimo, ku takrifal hanti dadweyne, qurbe gaaf-wareeg, ku jiq sii intaaba waa la idinku xamanayee wakhtiga idiin hadhay taariikh reeba oo jiilka soo koreya madhax dhaxal gal ah u dhiga.

ALLAHAYOW SIDII ROON

Mohamed Hussein Roble

roble4@gmail.com

London - Uk

No comments: