Friday, May 18, 2007

Madaxweyne Riyaale Oo Qirtay In Xukuumaddiisu Fulin Kari Waydey Wixii Uu Ballanqaaday, Kuna Baaqay Wadashaqayn Iyo Midnimo

(Waridaad)-Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa markii u horreysey qiray in xukuumaddiisu ay ku guuldarraysatay fulinta ballanqaadyo hore uu dadka ugu sheegay. Waxana uu ku baaqay in aan wakhti dambe ku lumin khilaaf, wadajirna loo wada shaqeeyo.
Madaxweyne Riyaale oo maanta dadka kala hadlay fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa, khudbad dheer oo uu ugu talagalay munaasibadda xuska sannadguurada 16aad ee maalinta Qaranimada iyo Goonni isu-taagga Somaliland, waxa uu dadka xasuusiyey khudbad uu ka jeediyey fadhigii ugu horreeyey ee Golaha Wakiillada ee la soo doortay, 29 November 2005, taas oo uu sheegay in waxyaabo badan oo uu tilmaamay ama uu ballanqaaday in xukuumaddiisu fulinayso aanay intooda badani hirgelin.


Madaxweyne Riyaale ma sheegin sababta ay u fuli weydey iyo cidda masuuliyaddeeda leh, balse, waxa uu carrabka ku dhuftay khilaafaad tan iyo markii Golaha Wakiillada la soo doortay ka dhextaagnaa Madaxweynaha iyo Golaha, kaas oo la filayo inuu wax ka saarayo fulis la'aanta ballanqaadkiisa.


No comments: