Thursday, May 03, 2007

re-Why Ethiopia is welcome in Hargeisa, not in Mogadishu? ma waxaa la helay abgaalkii Somaliland?

Waxa fajac igu keentey markaan akhriyay maqaal dad badan oo reer Somaliland ahi aaney wada akhrin oo lagu daabacay mid ka mid ah websitesyda qaarkood. Maqaalkan lama sheeegin cida qortey, balse waxa ku dheehnaa dacaayad in dhawaalaba ay isticmaalayeen qawleysatada Majeerteeniya oo lagu dhaliilayay madaxda iyo shacabka reer Somaliland, tasoo gunta ku heysa sida ay caalamka ugula siman yihiin dhacdooyinkii ka dhacay Muqdisho ee loogu yeedhay la dagalanka argagixisada.

Qoraagu waxa uu ku fashilmay in uu kala saaro la dagaalanka qol yahaas iyo ujeedooyinka dahsoon ee ashkhaasta qaar wateen, tasoo reer Somlailand iyo caalamkuba ay ku sheegeen lama qaataan.

Somaliland hadaan xusiisiyo qoraaga waa dalka qudha ee bilaa ictiraaf, bilaa qandraas, bilaa kharash uga hortagey falal noocan oo kale ah oo la damacsanaa in laga fuliyo gudaha Somaliland iyo qaar lala damacsanaa dalka aanu jaarka nahay ee Itoobia. Qoraagu ma waxa uu modaa in aney taa Itoobia ogeyn, mise waxa uu moodaa in Itoobia aaney la socon in, INA YEEY, uu isagu argagixisada ka hawl-geliyo laascaanood, oo aheyd halkii lagu weerarey Daahir Rayaale oo ka soo jeeda gobolka ku magaca ah websiteka, isaga oo qiil ka dhiganaya waxa aan ku duulaya Somalilandta idinka hortaagan in aad dhulkooda ka weerartaan dalka itoobiya.

Argagixisadas ONLF oo caalmku wada ogsoon yahay sida ay ula macaamileen dadkii rayidka ahaa ee isugu jirey itoobiyaanka iyo shiniiska ee mashaariicda horumarineed ka waday dalka itoobiaa-qoraagu waxa uu ku fashilmay kala saarka cilaaqaadka ku saleysan wada shaqeynta, is-aaminka iyo ka soo bixida waajibaadka wadankaaga iyo wadamada kula jaarka ah, iyo talo xumo ku raaca saxaabida qaaliga ah ee aadan u quudhin in ay caadaqaatayaal dano aan aheyn kuwa cidna meel gaardhsiinaya lagu jahawareeriyo, dal sumcad iyo abaalba ku dhex leh ummaddaha ku wada nool mandaqada.

Itoobia waxa marag ma doonto ah abaalka ay u gashey soomaliland iyo ta somaliland u gasheyba, balse taa micnaheedu ma aha in aanu ka gaabino dalka aanu siyaasada saaxiibka ku nahay, in aanu marka ay marxaladi soo wejahdo in aanu la garab istaagno talooyin macquul ah oo aan inaga wax faa'iido gaar ah oo aanu ka heleyno aaney jirin. Taa waxa an uga gol-leeyahay yaa ka macaashaya dal fac-weyn sida Itoobia in dagaal ooge sida YEEY uu u til maamo cida cadow ku ah.

Hadabba qoraha waxa aan xusuusinayaa inta uu iska iloobo canaanta saaxiibada wax is tusaaleynaya, in aanu maraba ku taamin isaga iyo kuwa la midka waxa kuu suurta geleysa in aad noqotaan abgaalkii Somaliland, taa waxa aan uga gol leeyahay maxaad gooni ugu saartey Mujaahid Siilaanyo iyo Inj - Faysal ma iloobin hadale iminkana la iskuma soo dhawaane waxa jira uunbaa laga hadlay, waxa xaqiiqo ah in dadka ku wax yeeloobay dagaaladii Muqdisho in ay ta kaliya ay ka sinaayeen ay aheyd in ay ahaayeen dad rayid ah.
Waxa aanse adiga ku weydiinayaa ma iloowdey hadaladii INA YEEY ee ku wejehnaa Riyaale. Hadiise aad moodo fikrado lagu curiyay boosasa-dii aan tobanka Km - u jirsadey ee aan uga soo noqdey talada saaxiibadayada Itoobia ayaa saamaxeysa in cadaawada aad reer Somalliand u qabto ayaa kuu suurtoobeysa, sida cadaawaii INA YEY uu weligiiba Hawiye u qabey ugu suurtoowdey, weli waad hurudaaye toos.

Jawaabta su'aasha ku dheehan ciwaankaagana ,Itoobia jawaabteeda wey garaneysaa, nacabna loo sheegi maayo.

Ilaahayna ha ku garansiiyo - Aamiin.

Gaadh-haye,

Ottawa- Canada

No comments: