Saturday, May 05, 2007

Qarannews iyo Mingiste ma waxay laaluush ka qaataan Udub?

(Waridaad) - Waxaan indhoweydba la yaabanaa sida ba’an ee uu maalmahan dambe ninka lagumagacaabo Abdi M.Saleiman(Mingiste) uu u weerarayo Axsaabta Kulmiye iyo Qaran oo aan markii dambe is weydiiyey inuu lacag ka helo Xisbiga Udub ee maamulka haya.

Ma aha Mingiste oo qudha cidda aan uga shakiyey in ay ka hesha ama loo tuuro woxoogaa lacag ah oo uu ku fuliyo propagandada Udub ee waxa iyana xafiiska madaxweynaha ka hela lacag aan lala gaban oo joogto ah website-ka qarannews oo hadii aad u fiirsato website-kooda laga bilaabo dacalka u sareeya ee website-ka ilaa ka u dambeeya aad ku arkayso astaamaha taageerada Udub amamaqaal amaanaya Udub iyo waxqabadkeeda, waxa aan daliil uga dhigayaa arimahan waa arintan hoose oo mucjiso igu noqotay aniga iyo rag badan oo kale.

Arinta mucjisada nagu noqotay waa anagoo isku daynay inaanu ku soo daabacno qarannews maqaalo aanu ku cambaaraynayno ama aanu ku diidanahay falalkaq aran dumisnimo ee ay Udub waddo oo aanu u wada dirnay website-yada Somaliland oo dhan laakiin aanay noo suurto gelin marnaba in qarannews aysoo daabacdo wax lid ku ah Udub ama lagu saxayo khaladaadka ka muuqda maamulka dalka haya ayse soo daabacdo ama ku dheerayso daabacaadda maqaaladaka dhanka ah xisbiyada mucaaradka ah gaar ahaan Kulmiye iyo Qaran oo badi uusoo qoro ninka aan kor ku soo sheegay.

Si hadaba wax la iila hubsado oo aan loo arag in aanu dhinac qudha wax u wadno bal nala eega oo mar qudha ha lagu arko website-ka qarannews oo sooq oraysa maqaal ama war ka dhan ah xukuumadda Udub Rayaale oo bayaaminaya gol dalooladooda.

Waxa hadaba xaqiiqo ah in Mingistena qoraalada had iyo jeer uu qoro aanay ku salaysnayn aragtiyo iyo fikrado aqoonyahan oo ka duulaaya fikradaha ayaxsaabtu kala qabto, mana aha qof fikrad xisbi ku hadla markaad eegto habkauu wax u qorayo, hadaba udub yuu ku raad gadan ee waxaa mar walba ka muuqataqoraaladiisa nacayb qabiil iyo qofaf uu u qabo.

Gunaanadkii anigoo aan hadalka ku galgalanayn sida Mingiste oo kale waxaan idiin sheegayaa in laga il baxo in la dheegto mareegta qarannews oo maqaamkii ay lahayd uu noqday inay noqoto dhuuni raac iyo inay laaluush ugu adeegto Udub oo gabal u dumay.

Mujtamaca Somaliland waxaan leeyahay laabta gashada sadexdan weedhood ee kala ah.

YAAN LA DHEEGAN QARANNEWS
YAAN LA DHEGAYSAN MINGISTE
YAAN LOO FOODIN UDUB

Khaleel Mohamed
London

No comments: