Saturday, June 16, 2007

Baarlamanka Jarmalka (Germany) oo Maanta Go'aamiyey Taageerista Jarmalka ee Somaliland

(Waridaad)-Baarlamanka Federaalka ee Jarmalka ayaa maanta la mariyey go'aan lagu taageerayo Somaliland. Mooshinka maray (resolution) Baarlamanka Jarmalka waxa lagu codsaday in xukuumadda Jarmalku ay isku daydo ka badbaadinta Somaliland dhibaatooyinka iyo colaadda ka jirta Somaliya.

Go'aanku wuxuu farayaa xukuumadda Jarmalka inay taageerto nabadda iyo xasiloonada ka jirta Somaliland.Go'aankani wuxuu si gaar ah uga codsaday Col. Cabdillahi Yusuf, Madaxa dawladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya inaanay faragalin Somaliland. Mooshinkan oo maray Baarlamanka waxa si toos ah looga hadlay Somaliland iyada oo aan marna la odhan, dalka la magac baxay, ama "self declared" ee waxa ku qoran uun Somaliland. Waa markii ugu horaysay ee baarlamanka Jarmalka taasi ka dhacdo.

Source: Waaheen

No comments: