Friday, June 15, 2007

XISBIGA UDUB OO AFAR GARAB U KALA JABAY

(Waridaad)-Waxaan Shacbiga Somaliland la socodsiinaya in Xisbiga UDUB ee talada dalka haya uu yahay magac u yaal ama uu yahay qolof fool xun oo ka soo hadhay Xisbigii UDUB ee rasmiga ahaa ee uu aasaasay Marxuun M.I. Cigaal (Alle ha u naxariiste) kaasoo, ay Cadowga Gudahu ee midabada badan lehi ee uu hormoodka yahay Ina Riyaale iyo Kooxdiisa NSS-ta iyo Hangashta u badan, ay waa hore minjoxaabiyeen.
Xisbiga UDUB ee maanta, waa mid aan ummada iyo dalka lexeheclo ka qabin kaasoo shirqoolo kala duwan iyo hagardaamo joogto ah ku haya shacbiga samirka badan ee tabaaleysan una muuqda inuu ku wacad furaay qadyada iyo jiritaanka Somaliland maadaama sida uu u dhaqmaayo iyo ficiladiisa gaar ahaan xumaha ay mas’uuliintiisu danaha gaar ahaaneed wata ee inoo soo shaqo tegay, ay faraha kula jiraan taasooo, ay cid kasta maanta ka dheregsan tahay uguna muuqato inaaney ummadan iyo dalkan curdinka ahi ee cadowga badan lehi, ay u saboolinayaan una jilcinayaan cadowga shisheeye ee aad moodo inay gacan saar la leeyihiin.

Waxa iska cad, shirqoolo; hagardaamooyin, khilaafyo, khalkhalid siyaasadeed, khalkhalid nabadgelyeed, iwm oo ay inaga dhex abuuraaan kuna shaqeeystaan mooyaane, aaney wax horumar ah oo la taaban karo ka fulin dalka siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, bulsho ahaan inkastoo ay mar walba ku andacoodaan inay doorashooyin xor ah dalka ka hirgeliyeen kuwaasoo, ay ummadu si nabad iyo sharafba ahi u qabsadeen kagana midho dhaliyeen inkastoo Xisbiga UDUB uu mar walba muran aan kala go’ aan lahayn iyo hagardaamooyin ku hayey qabsoomida doorashooyinka dalka ka dhacay mar kastana si xaaran ah ugu adeegsanayey hantidii qaranka, idaacadii qaranka, gaadiidkii qaranka, shaqaalihii qaranka, iwm oo footkana ku shuban jiray sidaas xaaranta ahina uu ku soo baxay.

Bal, u fiirso muranka, yooyootanka, iyo khilaafka uu wado hada Xisbigan iyo mas’uuliintiisu ay caadeysteen ee ay ku carqaladeynayaan doorashooyinka soo socda sida mida Golaha Degaanka ee fooda inaugu soo haysa iyo mida Madaweynaha ee mudada yari ka hadhsan tahay. Tollow, maxaa ugu wacan inuu mar walba sidan u dhaqmo?
AFARTA GARAB EE XISBIGA UDUB:

Afarta garab ee Xisbiga UDUB ee talada haya uu u kala jaban yahay, waa sida hoos ku xusan:

UDUB-tii MARXUUN CIGAAL ama UDUBtii orijinaalka ahayd taasoo uu Ina Riyaale gebi ahaanteed minjoxaabiyey xubnahii ku jirayna uu aad u liciifiyey qaar badana uu saaxada siyaasadeed si dadban uga wada saaray kuwaasoo uu badankooda bahdilay buulkana dhigay sharaf iyo codna aan ku lahayn xitaa UDUB-yada kale ee jira.

UDUB-ta INA RIYAALE ama UDUB-ta cusub ee qarsoon ee Basaaska miidhan ahi ee Dhabarjebinta ahi ee faqasheysan taasoo ka mida Cadowga Gudaha ee midabada badan lehi, waana ta talisa ee ay wax walba ka soo go’aan ee shirqoolada iyo hagardaamooyinka isdaba jooga ahi ku haysa ummada, nabadgelyada, midnimada, wadanoolaanshaha, qadyada, difaaca iyo xasiloonida dalka, iyo jiritaanka Somaliland; lamana garanayo cida ay kala yihiin in yar oo faro ku tiris mooyaane; waxaana gebi ahaan la qariyey cida ka mid ah sida Xubinta, Guddiga Dhexe, iyo Guddiga Fulinta ee xisbigan qarsoon taasoo u sabab ah in Xisbiga UDUB garabkuu doonaba ha ahaadee, in laga hor istagay inuu qabsado Shirweyne Qaran maadaama la qarinayo canaasiirta iyo cadowga ku huursan garabkan.khaayimiinta ahi; Canaasiirta garabkan ku jira, waxaa ka mid ah Qurbajooga UDUB oo u badan UDUBTA INA RIYAALE ee cusub kuwaasoo sida faqashnimada ah u taageera gar iyo gardaroba.

UDUB-ta SALEEBAAN GAAL ama xubnihii doorka ahaa ee ka mid ahaa Xisbiga ASAD ee doorashadii Golaha Degaanka sida mugdiga ahi loogu reebay ee ka bacdi, labada garab u kala jabay ee garabna Xisbiga KULMIYE ku biiray garabna ku biiray Xisbiga UDUB kuwaasoo waxyaabihii loo balanqaaday badankoodii uu Ina Riyaale ku wacad furay oo uu xitaa isku dayey inuu manjaxaabiyo Saleebaan Gaal markii uu u cararayey jagadii Guddoomiyenimo ee Golaha Guurtida. Kooxdani, waa madluun, waxaaney isu haystaan in lagu daneystay ka dibna, jar looga degay ama gidaar madhan lagu jeediyey; buulkaaney ku wada jiraan iyagoo aad u bahdilan.

UDUB-ta Dr. GABOOSE ama xubnihii doorka ahaa ee iyana ka tirsanaa Xisbiga SAHAN ee doorashooyinkii Golaha Degaanka sida mugdiga ahi lagu reebay ee ka bacdi badankoodu ku biiray Xisbiga UDUB ee iyagana waxyaabo qurux badan oo dhalanteed ah loogu balan qaaday ee misna markii lagu adeegsaday jarka looga degay kuwaasoo haatan buulka la wada dhigay aadna u bahdilan taasoo keentay inuu Dr. Gaboose, waxa uu is naboba uu aakhirkii si cad uga soo horjeestay Ina Riyaale haatana uu aasaasay Ururka Qaran kaasoo uu ku doonayo inuu ku karbaasho Ina Riyaale iyo Xisbiga UDUB.

Hadaba, Xisbiga UDUB ee la sheegaa, waa kaas daciifka ah ee danaha mugdiga ee gaarka ah u taagan ee cadhadu iyo calool xumadu ka dhex jirto ee dagaalka sokeeye uu ka dhex aloosan yahay ee sida cad loogu hungoobay ee siyaasada iyo talada dalka ku faashilmay ee ummada iyo dalka la hadhay ee misna laga fadhiyi la’ yahay bakhbakhdiisa, qori ismarisnimadiisa, iyo ilmadiisa yaxaaska ahi ee hadh iyo habeen ku andacoonayo qaar baa Xanar y socda; qaar baa doonaya inay nabadgelyada dhaawacaan; qaar baa Qaran dumis wada; qaar baa cadowga ummada ah; qaar baa ka soo horjeeda qadyada, iyo jiritaanka Somaliland iyagoo waxaasoo dhami, ay iyaga yihiin lana wada og yahay.
Run ahaantii, iyadoo Shacbiga Somaliland uu awelba la yaabana magaca rasmiga ah ee Xisbiga UDUB kaasoo ah, “URURKA DIMOQRAADIGA UMMADAHA BAHOOBAY” kana shakisanaa macnaha, ay u taagan tahay “UMMADAHA BAHOOBAY” taasoo dhadhan SOMALIWEYN oo qadhaadh leh maadaama Reer Somaliland, ay yihiin HAL UMMAD, ayaa markii isweyndiinta micnaha magacaasi uu batay, loo badelay “URURKA DIMOQRAADIGA UMMADA BAHOOBAY” halkaasoo ku cad in “UMMADAHA BAHOOBAY” lagu bedelay “UMMADA BAHOOBAY”.
Sidaas daraadeed, magacii hore ee Xisbiga UDUB ee ay ku jirtay kelmadaha “UMMADAHA BAHOOBAY”, laguma sheegi karo khalad yar oo aan micno ku fadhiyin ee waa magac markii xisbiga la aasaasayey laga baaran degay in loo bixiyo dano gaar ahna laga lahaa oo sidaas isu hoos geliska ahi lagu socodsiiyey taasoo la ismoodsiiyey inaan la fahmi doonin, run ahaantina, ay mudo dheer ku qaadatay inay shacbiga Somaliland u fiirsadaan isna weydiiyaan macnaha shakiga lehi ee uu magacani xaambaarsan aakhirkiina keentay in si fudud oo bilaa tafaasir ah loo bedelo, hase yeeshee, aan la hubin in ujeedadii hore ee laga lahaa laga tanaasulay iyo in kale.

Dhinaca kale, haddii aadan feejignayn, waa la isu hoos geliyaa qoraalada dhaadheer sida warbixinada; dookumeentiyada, heshiishyada, axdi qarameedyada, iwm taasoo mar walba u baahan in la adeegsado garyaqaano iyo qubaro ku takhasuusay hawlahaas si looga taxadiro inaad gashid ama lagu marsiiyo waxyaabo aadan aqoon ama inaad saxiixana ku dhufato waxyaabo hoos isu gelis ah khatarteedana lehi.

Tusaale # 1: Qodobka 2-aad ee AXDI QARAMEED ku sheega KOOXDA MBAGATHI, wuxuu qeexayaa xuduudaha dalka Somalia inkatoo uu khuraad yahay maadaama, aaney ku cadeyn xuduuda dalka Somaliland ee caalamka ka diiwaan gashan ee ay dhinaca KOONFUR kala leeday dalka Somalia, waana sidatan:

A: Waqooyi: Gacanka Cadmeed.
B: Waqooyi Galbeed: Jabuuti.
C: Koonfur, Koonfur Galbeed: Kenya.
D: Bari: Badweynta Hindiya.

Taasi, waxay cadeynaysa in dalka Somalia aanu dhinaca GALBEED xuduud la lahayn dalka Ethiopia oo labada dal, ay isu furan yihiin taasoo ah hoos isu gelis baaxad weyn oo la jiidhsiiyey ama laga gaadh gaadhsiiyey laguna wada heshiiyey lana dhaqan geliyey haatana ay ku dhaqmaan Reer Somalia taasoo laga gashtay Mujrimiintii siyaasi isku sheega ahaa, Dagaal Oogeyaashii gacan ku dhiiglayaasha ahaa, Madax Dhaqaameedyadii jaahiliinta ahaa, Cullima U Diinkii kitaab gaabka ahaa, Aqoonyahan isku sheegi maangaabyada ahaa ee indhaha iyo qalbiga la’aa ee huguriga dheeraa, iyo wufuudii kale ee ka qaybgashay shir ku sheegaas labada sanno socday.

Tusaale # 2: Qodobka 3aad Faraqiisa 3aad ee AXDI QARAMEED ku sheegii KOOXDA CARTA, wuxuu qeexaya xuduudaha dalka Somalia inkatoo uu isna khuraad yahay maadaama, aaney ku cadeyn xuduuda dalka Somaliland ee caalamka ka diiwaan gashan ee ay dhinaca KOONFUR kala leeday dalka Somalia, waana sidatan:
Xuduudda Jamhuuriyadu ay dalalka kale la leedahay waa:

Dhanka Galbeed: Itoobiya;
Dhanka Waqooyi-Galbeed Jamhuuriyada Jabuuti;
Dhanka Waqooyi, Gacanka Cadan;
Dhanka Bari, Badweynta Hindiya;
Dhanka Koonfurna, Kenya.

Hadaba, marka la is barbar dhigo labadan AXDI QARAN ku sheeg, waxaa kuu soo baxaya in Axdi Qarameed ku sheegii KOOXDA CARTA uu si cad u qeexayo xuduudka, ay Somalia dhinaca GALBEED kala leedahay dalka Ethiopia, ka KOOXDA MBAGATHI-na uu muujinayo in Somalia iyo Ethiopia, ay isu furan yihiin ama ay isku hal dal yihiin!!
Toloow, Ina Caydiid, markii wixii uurkiisa ku jiray uu afku ka xaday ee uu lahaa Itoobiya, waa walaalaheen oo hal baasaboor baa labada dal laga isticmaalaya, ma hoos isu geliskan buu ogaa oo dhaameel baa hore loo tuuray? Mise Eebe, baa ka yeedhsiiyey si loogu baraarugo Khiyaamada Qaran iyo Qaran Dumiska laga galay ummada iyo dalka Somalia ee burburay?

Sideedaba, magac bixinta hore isu hoos geliska ahi ama magac bedelashada dambe ee qiiq isku qariska ahi ama aan xalaasha ahayni ee Xisbiga UDUB iyo Guddoomiyaheeda ahna Madaxweynaha Somaliland adeegsadeen, ma’aha wax inagu cusub oo waatii uu INA RIYAALE uu xitaa isku magacaabay INA RAYAALE ama uu bedelay magacii rasmiga ahaa ee Abihii ee intaanu Madaxweynaha noqon loo yiqiin weligiina loogu yeedhi jiray isagoo malahaa cuqdad ka qaaday in loo maleeyo inuu abihii Riyaale ahaa oo uu sabool ahaa oo uu riyo yar dhaqan jiray!!
Bal, qaarna INA LAX WAS, bay cuqdad ka qaadi waayeen isna INA RIYAALE ama RIYO ayuu cuqdad ka qaaday. Cajiib!!

Hase yeeshee, waxa uu Cadowga Gudahu u kala jebiyey Xisbiga UDUB, afar garab oo kala siyaasad, dano, iyo aragti ah oo ummada iyo dalka ku dul rafanaya khatarteedana lehi loona baahan yahay in si deg deg ah loogu qasbo in Xisbigani uu qabsado Shirweynihii Xisbiga ee la caadeystay in mar walba dib loo dhigo bilaa sabab si loo badbaadiyo loogana badbaado.

Run ahaantii, maanta, Xisbiga UDUB; laguma tilmaami karo Xisbi Qaran ee waa Xisbi Heer Gobol inkastoo uu sidaas ku diwaangashan yahay maadaama taageradiisu ay si weyn ugu liciiftay dhamaan 6 (lixda) Gobol ee Dalka quusna uu ka taagan yahay inuu mar kale xukunka dib ugu soo laabto maadaama uu si cad ugu fashilmay siyaasada iyo talada dalka ee Gudaha iyo Dibedaba lana wada karaahiyeystay doorashada soo socotana lala sugaayo in isaga iyo canasiirta ku gadaaman ee yooyootanka, shaqsi weerarka, iyo aflagaadada mooyaane aan wax kale aqoon, bada laga wada cabsiiyo.

XAALADA DHABTA AH EE XISBIGA UDUB:

Xaalada dhabta ah ee Xisbiga UDUB ee muunada ahi ee danaha mugdiga iyo mida gaar ahaaneed u taagan, waa sidatan:
In Xisbiga UDUB, aanu maanta lahayn siyaasiin miisan leh oo daacad ah oo ruug caadaa ah oo aragti dheer lehi oo heer qaran iyo heer caalamiba ah ka dib, markii intii yarayd ee ugu cuslayd ama ugu wanaagsaneyd ee ku jirtay xisbigan, ay qaarkood ka gaabsadeen dhinacna iska taageen markii, ay arkeen sida wax loo wado; qaarkoodna, waa la garbo tiray oo buulka ayaa la dhigay; qaarkoodna way kaba rajo beeleen Xisbiga oo way iskagana baxeen si ay u badbaadiyaan mustaqbalkooda siyaasadeed kuna biireen Xisbiyada Mucaaridka sida Xisbiga KULMIYE iyo Xisbiga UCID..

In Xisbiga UDUB ee maanta uu la jaanqaadi la’ yahay qadyada, geedi socodka dimoqraadiyeed, iyo jiritaanka Somaliland.

In Xisbiga UDUB aanu ku shaqeyn ama lahayn siyaasad cad, barnaamij cad, iyo qorshe muuqda oo loogu soo hagaago ama lagu tilmaamo oo siyaasadeed, dhaqaaleed, iyo bulsheed ama anu lahayn araagti dheer iyo mabda’ fiican oo uu ka duulo oo uu ku hantiyo siyaasada dhinac ka raran ee Gudaha iyo mida Dibeda dalka ahi oo guud ahaan ka turjumeysa danta ummada iyo mida dalka Somaliland.

In Xisbiga UDUB uu haatan bilaa raadhaar iyo bilaa jahoba yahay oo uu gudcur gudaayo iskana daba wareego oo uu badanaa marba isku qaado gidaar adag oo sii fashilisa caadeystayna inuu iska gabgableeyo sidii odey geeli ba’ay ama sidii danlaawe indho la’ oo jahawareersan.

In Xisbiga UDUB uu ku habsaamay ku tumashada Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaal, abuurida nidaam kelitalisnimo, minjoxaabinta geedi socodka iyo dimoqraadiyada, isku dayga curdan dhadhida xisbiyada mucaarid, iska horkeenida iyo minjoxaabinta Golayaasha Dalka, musuq baaxad weyn, iyo cadaalad daro dhinac walba saameysay, iwm.

In Xisbiga UDUB uu ku asqoobay xaasidnimada, xinka, goboleysiga, beeleysiga, ficiltanka hoose ee foodleysa, ku jiq siinta macangegnimada ahi, la dagaalanka xuquuqsl indsaanka muwaadiniinta, iska caabiinta dhaleeceynta iyo tusaaleynta xaqa ahi ee xisbiyada mucaaridka, iyo aflagaadada shaqsi ahaaneed iyo xisbi ahaaneedba gaar ahan mida Xisbiga KULMIYE ee xoogan ee ugu taageerada badan dalka ee u bisil hanashada xukunka haatana u heelan inu doorashooyinka soo socda uu si weyn ugaga guuleysto Xisbiga UDUB ee bahdilan ee magac u yaalka ahi ee fashilmay oo uu xukunka Uummada iyo Dalka qabto.

Ugu dambeyn, xalaada dhabta ah ee uu maanta ku sugan yahay Xisbiga UDUB ee afarta garab u kala jabay, waa mid bilaa sharaf iyo rajo ah; waxaaney taageerayaashiisu u badan yihiin kuwo maanta farta iska qaniinaya oo u ciil qaba footkoodii kaga khasaaray soo saarida xisbigan indhaha iyo dhegaha la’ iyo kuwo ka tashaday oo u diyaar ah inay u footeeyaan Xisbiyada Mucaaridka gaar ahaan Xisbiga KULMIYE ee xoogan.

Haddii aanan la is xaqireyna, waxaa maanta Xisbigan xitaa ka sumcad iyo taagero badan Xisbiga UCID ee saddexda xisbi qaran ugu yaraa kaasoo maanta ah xisbiga labaad ee dalka ugu weyn; yididilo weynina ka muuqato rajeynayana inuu noqdo xisbiga ugu weyn ee mucaaridka ahi ka dib marka uu si weyn oo aan mad madow lahayn uu ugaga guuleysto xisbigan la manjoxaabiyey ee baaba’a qarka u saaran , haddii doorasho xalaali dhacdo.

Guul iyo Gobanimo,
Farah Ali Jama,
Ottawa, Canada.
(farah.jama@alumni.uottawa.ca).

No comments: