Saturday, June 09, 2007

Dawladda hoose iyo ta sare oo dad rayid ah dhulkooddii ina Buubaa looga qaaday.

(Waridaad)-Is rasaasayn xoogan ayaa shalay ka dhacday goob ku taala bariga caasimada Somaliland ee magaalada Hargaysa, taasi oo ka dhalatay dhul aad u balaadhan oo ay lahaayeen dad shicib ahi oo ay madaxda gobolka Hargaysi ay siiyeen wasiirka waxbarashada ee Somalia Ismaciil Hure Buubaa, dhulkan oo dhaca dhanka bari ee magaalada ayaa ku sii jeeda sii foorarka buuraha caanka ah ee naaso hablood.

Wariye goobtaasi boqday ayaa waxa uu soo arkay dadkii dhulka lahaa oo halkaasi la taagnaa waraaqihii sharciyaynta dhulkooda oo ah kuwii ay dawlada hoose iyo maamulka gobolkuba ku saxeexanyihiin isla markaasna ay ku shanbadaysanyihiin, waxa uu wariyuhu soo arkay dhisme laga bilaabay xagaasi oo ay bilaabeen wakiilada Ismaciil Hure Buubaa iyaga oo kaashanaaya ciidamo Boolis ah oo xoogan, kadibana markii ay ka dareereen habayn hore goobtaasi lagu baabiiyay oo dhulka lagu simay.

Xiligani ayaa ciidamada boolisku waxa ay goobtaasi ku daadgureeyeen ciidamo aad u hubaysan oo xoogan xaga dadka shicibka ah ee dhulkani laga qaaday ay iyana isi soo abaabuleen isla markaasna ay haystaan qoryo farobadan, taasi oo xiligani dusha la iska eeganaayo oo ay dhici karto in xabdu bilaabanto hadii dhismaha goobtaasi dib loo bilaabo.

Ismaciil Buubaa walaalkii oo ka masuul ah dhismahani socda ayaa waxa uu ka gaabsaday in uu arintani ka hadlo,hase ahaatee waxa uu sheegay in uu dhismahani isagu leeyahay dhulkana uu sharci u haysto, ilo kale ayaa noo sheegay in dhulkani oo laga dhisi rabo Hotel weyn oo ka balaadhan Hote-lada Ambasadoor, Mansuur iyo Xamdi ay dhulkaasi siiyeen qoyskan dhisanaaya Maayarka iyo Badhisaabka gobolka Hargaysa, isla xiligana ay ugu deeqeen ciidamo xoogan oo ay amar ku siiyeen in ay goobtaasi dufaacaan hadii la soo weeraro.

Dhanaka kalena sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ahi dadweynihii kala gadisnaa ee lahaa dhulkani muranku ka taagnyahay ayaa waxa ay maanta kulan la lahaayeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo isagu arintaasi aad moodo in uu soo kala dhexgalay labadan garab ee isku haya goobtaasi, lamana garankaro wax ka soo bixi doona kulankaasi.

Sida ay doontaba ha ahaatee hadii aan arintaasi si deg deg ah wax looga qaban waxa ay keeni kartaa khasaarebalaadhan oo aan laga soo waaqsan oo hadhow la isku canaanto.

Sideedaba arimaha dhulka ayaa wali dhaliya murano iyo iska hor imaadyo sababa dhaawac iyo dhimasho farobadan sanadkastaba dhamaanba gobolada dalka, arintaasi oo ay ahayd in Barlamaanku uu u sameeyo shuruuc xoogan oo lagu soo afjaro khilaafyada ka dhasha muranka dhulka, hase ahaatee way ku guuldaraysteen in ay wax sharci ah u sameeyaan iyaga oo had iyo goor ku foogan samaynta shuruucda ku jiqsiida ah.

No comments: