Friday, June 08, 2007

HAWIYOOW TOOS—IRIR SAMAALOOW TOOS OO MIDOOBA OO CADOW ISKA CAABIYA

(Waridaad)-HAWIYOOW, TOOSOO ISKU TIIRSADA; YAAN DOWLAD LAGUGU KHALDIN, MEESHA DOWLADI MAJIRTEE CADOWGA ISKA CAABI OO SOO CESHO SHARAFTII IYO KARAAMADII BEESHA, AY BAHDILAYAAN KUWO KAA TIRO IYO TAMAR YAR OO XUMAHA KU TALAX TEGAY OO AAN SINABA U DAWOOBAYN.

Asalkaba, Bin Aadamku, wuxu ka kooban yahay rag iyo dumar oo qaar ilbaxeen qaarna weli cawaan yihiin—heerkay doontoba ha ahaate. Waxa kale oo uu ka kooban yahay kuwo Muslim ah iyo kuwo Gaalo ah; waxana u dhaxeeya oo ka dhex shaqeysta Ibliis iyo Munaafaq.

Marka la sii kala qaad qaadona, Bin Aadamku, waxuu leeyahay gob iyo gun, waxgarad iyo jaahil, maangaab iyo mid aragti dheer leh, geesi iyo fuley, hiiliye iyo loo hiiliye, xulufeyste iyo laga xulufeyste, gashaabuureyste iyo laga gaashaabuurte, colaad huriye iyo colaad demiye, daalin iyo laga nabad gale, waranle iyo maato, shiikh iyo shariif, taajir iyo faqiir, deeqsi iyo dhabcaal, iwm.
Waxa kale oo uu Aadmigu leeyahay hogaamiye iyo la hogaamiye, mideeye iyo la mideeye, difaace iyo la difaace, guumeyste iyo la guumeyste, adoonsade iyo la adoonsade, xoreeye iyo la xoreeye, dile iyo la dile, dhace iyo la dhace, nabadeeye iyo la nabadeeye, baraarujiye iyo la baraarujiye, kiciye iyo la kiciye, wax bare iyo wax la bare, wacdiye iyo loo wacdiye, tujiye iyo la tujiye, qudbadeeye iyo qudbadeeye, horumariye iyo la horumariye, dhise iyo wax dumiye, iwm.
Waxa kale oo uu Aadmigu leeyahay kuwo hanuunsan oo aakhiradooda u shaqeysanaya oo wanaag farida iyo xumaan reebida ku hawlan iyo kuwo halawsan oo xayatal duniya israacshay oo fasahaadka iyo xumaha ku talax tagay;

Waxaanu leeyahay, kuwo kale oo aan hanuunsanaan iyo halawsanaan midna lagu sheegi karin oo meel dhexaad ah oo dhegweyn iska ah oo aan dhinacna ahayn oo marba dhinaca loo badan yahay raaca oo iska hiin raac uun ah;
Iyo kuwo asalkooduba aan dhinacna ahayn oo bilaa ficil ah oo iska duli ah oo aan xume kasta ka dhiidhiyin cidii soo gaadhaana ay ku guurto ama cagta mariso oo markay wax dhacaana dhinac walba u gabgableeya oo wixi hore soo marayna aan weligood waxba ku qaadan mar walbana kadeed, jab, iyo hoog la bado oo aan xaabo cidii soo gaadhaaba shidato aan waxba ka duwaneyn intaasna niicdaas uun hayaa oo ka cabanaya dulmiga lagu hayo.

Hadaba, arrimahan waxaan uga golleeyahay, marxalada adag ee guud ahaan Somalia ka aloosan gaar ahaan mida soo food saartay Beesha Hawiye ee dalka ugu tiro iyo tayo badan taasoo aan u jeedinayo inay bal, caqliga kashadaan oo ay u fiirsadaan arrimahan aan kor ku sheegay iyagoo is barbar dhigaya, arrimahan hoos ku xusan si looga gaashaanto gunnimada lala maagan yahay:

Haddii hada laga joogo hungo weyn riyadii Somaliweyn iyo Shanta Soomaaliyeed oo calan wada wadaga wacnaydii, caalamkuna ka horyimi lana waayey oo Djiboutina ku wacad furtay taladii rahmanayd teedina la jeesteysay, Somalilandna iyaduna teedi la soo noqotay, labadii kalena, ay weli guumeysi ku jiraan oo iyaga iyo Allahooda looga hadhay;

Haddi labaddii dal ee Soomaaliyeed ee mustacmarka ka xorowday ee sida walaaltinimadu ku jirto iyo shuruucd la’aanta u midoobay ee qolo ku wacad furtay taladii rahmanayd ee Somaliweyn dabeetana wixii inaga dhexeeyey, ay si keli cunnimo ah ay dhinac ula carartay qolo oo dulmina weyn oo dhinac kasta saameyey isku rogtay, aakhiirkiina dhalisay Isir Gumaad maato oo baaxad weyn, ka dhiidhiyiin iyo halgan xornimodoon oo dheer oo qadhaadh, is xoreyn iyo gooni isu taaga Somaliland, iyo guud ahaan qaran jabkii iyo burbur Somalia ee ila maanta socda;

Haddi isla qabiilkii Daroodkii ee waagaas muruqii iyo karaaamadii dowlada u adeegsaday Reer Somaliland ee u geystay burburka iyo Isir Gumaadka baaxada weyn gaar ahaan maatada aan waxba galabsana caalamkuna markaas taageersanaa, ay maantana isla qabiilkaasi oo adeegsanayo muruqa iyo karaamada dowlada, ay burbur iyo Isir Gumaad baaxad weyn gaar ahaan maatada, ay u geysteen Reer Muqdisho;

Haddii walaaltinimadii, midnimadii, iyo Somalinimadiiba, ay dhimatay lana kala aaminka baxay;

Haddii mujtamac ahaan, ay suuroobi weyday in lagu dhaqmo Diinta iyo Shareecada Islaamka ama in si mideysan loogu halgamo laguna badbaado ka dib, markii ay qaar maangaabyo ahi, ay dhinac ula carareen soona dedejisay in laga aaminka baxo aakhiirkiina keentay burburkeedii, dib u dhiskeeduna uu mudo dheer qaadan doono maadaama aanu xanuunku wada gaadhin Soomaali ee uu si xawli ah ugu socdo Beesha Hawiye oo keliya;

Haddi colaadu, ay maanta marayso in ciidan shisheeye gaar ahaan mida cadowgeeni soo jireenka ahaa ee Ethiopia iyo Mareekan, ummada iyo dalka lagu soo hogaamiyey oo si gaar ahna loogu adeegsanayo Isir gumaadka Besha Hawiye caalamkuna sidaas ku taageersan yahay;

Haddii sharaftii iyo karaamadii ummada la bahdilay oo dalka Somalia oo dhana uu cadow shisheeye haysto guumeysi xun oo cidhib tirid ahn uu ku hayo gaar ahaana mujtamaca iyo dhulka sida gaarka loo haysto ee hada la gumeysanayo ee la isir gumaadayo uu yahay mujtamaca iyo dhulka Besha Hawiye;

Haddii Besha Hawiye ee isir gumaadka joogtada ah lagu hayo uu laftigiisu kala daadsan yahay oo muruqoodii mideysnaa ee ay wax iskaga cabin jireen maanta la kala dhantaalay oo uu wiiqmay;

MAXAA TALO AH? MAXAA LAGU BADBAADI KARAA? XAGEE WAX LAGA QABTAA?

Hadaba, anigu waxaan ku talin lahaa maadaama ay walaaltinimadii, midnimadii, iyo Soomaalinimadiiba, ay maanta dhimatay oo ay colaadu gaadhay heer cadow shisheeye ah la isu adeegsaday lana isku gumaadaay welina waxaashnimadii, ay si xawli ah meesha laga sii wado lana kala aaminka baxay dib dambe oo Soomaali loo mideyana, ay wakhti dheer qaadan doono taasoo aaney u saamaxayn dhibka hada Hawiye ku socdaa ee aan eegashada dambe lahayn, in saddexdan arrimood ee xaasaasiga ah ee dhibkeeda lehi si deg deg ah loogu dhaqaaqo loona fuliyo, waana sida hoos ku xusan:

TALO:

In Dowlad ku sheega laga aaminka baxo oo godobta, ay wado laga jawaaba Dagaalka Sokeeye oo dalka laga rido taasoo burburkeeda soo dedejin doonta gaaladuna meesha ka bixi doonto

In Dagaalka Sokeeye, laga bilaabaa Gobolka Mudug gaar ahaan Waqoyiga Galkacyo iyo wixii ka shisheeya oo ah halka qabyaalada sumeysani ka soo aroorayso iyo kuwa gaalo raaca cadeystay ee magaca dowlada adeegsanaya ummada iyo dalkana ku soo hogaamiyey cadowga shisheeye ee aargoosiga wada sida waxashnimada ah u Isir Gumaadaya Reer Muqdisho ama Besha Hawiye.

In gusha ka bacdi uu Hawiye dalka Somalia qabsadaa, dowladna loo wada dhan yahayna uu ku dhawaaqaa, Somalilandna uu si deg deg ah u aqoonsada ama uu dhulkiisa goostaa oo uu gooni isu taagaa sida Somaliland.
Guulo iyo Gobanimo,

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada.
farah.jama@alumni.uottawa.ca

No comments: