Sunday, July 29, 2007

Cajalad Muuqaal ah oo Dr. Gaboose iska sii duubay.

(Waridaad) - Gudoomiyaha Ururka Qaran ee xabsiga loo taxaabay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa hadal uu sii duubay wax yar ka hor qabashadiisii oo saxaafada loo soo gudbiyay ku canbaareeyay xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Rayaale.

Hadalka saxaafada loogu tala galay ee Dr, Gaboose nuxurkiisu wuxu u dhignaa sidan:

“Mudanayaal iyo Marwooyin Somaliland waxa maanta ka jira duruufo adag, oo maamulka hada dalka ka taliyaa wuu la dagay haybadii ummada, dhaqaalihii dalka iyo israacsanaantii dhul ahaaneed. Waxaan isha laga qarsan Karin shaqa la'aanta baahsan, dhaqaala xumida iyo diifta ka muuqata shacabka, sidoo kalana ay dayacanyihiin adeegii guud iyo kaabayaashii dhaqaale ee dalka, halka intii maamulka u haysay ay xalaashadeen musuq-maasaqa iyo boobka hantida Qaranka.

Mudanayaal iyo Marwooyin, inkasta oo aynu ku guulaysanay qabashada doorashadii Golaha Wakiilada, oo aynu ku hananay bogaadinta bulsha weynta Caalamka, oo Xubno qiimo iyo qaayo lihiba ay ku soo biireen saaxada siyaasadeed, ayaa hadana nasiib-daro Madaxweyne Rayaale aanu marnaba ku qancin inuu la shaqeeyo Golahaas ku yimid rabitaanka ummada. Xaaladaas cakirani waxay gaadhay, heer gabii ahaanba Madaxweynuhu uu ka furaysto dhagaha go'aanada ka soo baxa Golaha Wakiilada, ama diidaba inuu qabto qoraalada ka yimaada Golaha, kuna eedeeyo inaanay garanayn shaqadooda.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxa ka dhashay arrintaas xaalad murugsan iyo muran sharciyeed oo joogta ah, isaga oo uu madaxweynuhu kalii ahaantii toocsaday maamulkii dalka, si dadbana uga takhalusay Hay'adihii Qaranka ee loogu talagay in ay is dheeli tiraan isna ilaaliyaan, sharcigiina ka yeelay arragtidiisa qof ahaaneed, marag madoontana u yihiin arrimaha soo socdaa:

Guddida nabad-gelyada:- inkasta oo distoorku uu damaanad qaaday sidii uu muwaadinku u heli lahaa garsoor xaq ah, tilmaamayna in qofku dambiile yahay oo kaliya kolka maxakamad horteed lagaga cadeeyo, ayaa hadana waxa ku jira jeelasha dalka dad badan oo xoriyaadkoodii iyo xuquuqdoodii ay ka qaadeen Guddiga nabad-galyadu, kuwaas oo aan ku dhisneyn sife sharciga waafaqsan, aqoona u lahayn nadaamka garsoorka. Guddigan in kasta oo Baarlamaanku daadifeeyay jiritaankeeda, Hay'adaha xuquuqal-iinsaankuna ka muujiyeen walaac, ayaa hadana Madaxweyne Rayaale ka dhaga adaygay in uu joojiyo hawl-galkooda.

1-Miisaaniyada dalka:- iyada oo la raacayo shuruucda maaliyadeed, ayaa waxaa waajib ah in dakhliga dalka dhamaantii uu ku soo xaroodo, marka laga reebo dakhliga dawlaha hoose, Khasnada guud, oo ku talagalka Miisaaniyaduna ku dhisnaado dakhligaas, ayaa hadana waxaa ka muuqaata, Miisaaniyada mad-madaw muujinaya hanti badan oo maqan, taas oo ahayd in Goluhu isla meel dhigo ka hor inta aan la ansixin Miisaaniyada. Waxa intaa dheer in xukuumadu diiday wax ka bedalkii Miisaaniyadii ee ay soo jeediyeen Golaha Wakiiladu, kuwaas oo xaq distooriya kaligood u leh arrintaas. Ilaa hada oo aynu ku jirno Bishii 7-aad-na uu dalku u garaba duuban yahay murankaas miisaaniyadeed, su'aashuna tahay hadiiba sanadkii dhamaad ku socdo yaa isticmaalaya miisaaniyada?

2-Heshiisyada maal-galineed ee shisheeye:- waxa ay si cad shuruuda dalku u qeexaysaa, in wixii heshiis maal-galineed ah ee Xukuumadu la galayso sharkadaha shisheeye ay waajib tahay inay hor-geyso Golayaasha sharci dajinta, si ogolaansho loogu helo ku dhaqanka mashruucaas. Waxa ayaan daro ah in Xukuumada oon xurmeynayn shuruucda dalka, tix-galineyn Golayaasha sharci dajinta, ay welli ka shaqaynayaan dalka heshiisyada xaaraanta ah ee lala galay Total oo ay u xidhanyihiin haamaha shiidaalka, Al-jaabiri oo loo xidhay ganacsiga xoolaha iyo sharkadaha Kaluumaysiga ee faraha badan ee xaalufiyay Badaha.

3-Golaha Guurtida:- ka dib markii ay dhamaatay mudadii xilka ee Golaha Guurtidudu, dadweynuhuna sugayeen dhamaystirkii hanaanka dimuquraadiyada iyo in la qabto doorashooyinkii Aqalka Guurtida, ayaa waxa u qaadan ummada ku noqotay in codsi ka yimid Madaxweynaha ay Maxakamada Dituurigu ugu ansixisay Golaha Guurtida, in Golaha Guurtidu isu kordhin karo mudada xilkooda afar sano oo kale. Arrintan oo ka soo horjeeda xeerarka dalka, dhalisayna buuq farabadan, oo uu Golihii Odayaashu ku lumiyeen kalsoonidii shacabka, ayaa Golaha Wakiiludana ka soo saareen go'aan ay ku diidayaan sharciyada ay ku sii fadhiyi karaan Golaha Guurtidu.

4- Maxakamada Distooriga:- murankaa sharci ee aafeeyay dawlada iyo dhaga adeyga Madaxweynaha, waxaa loo aanaynayaa hab dhaqanka Maxakamada Distooriga ah oo aan ka madax-banaanay madaxtooyada, marka laga eego magacaabida, xilka qaadista iyo dhaqaaleheeda gaarka ah.

5- Xuquuqda as aasiga ah ee siyaassadeed ee muwaadinka:- Distoorka ayaa ugu sareeya xeerarka dalka qodob kasta oo ku qorani waa dhaqan gal ay tahay waajib inuu shaqeeyo, sida kaliya oo uu qodob ku lumi karo awoodiisa sharci waa isaga oo laga dhexsaaro distoorka. Hadii laba qodob oo distoorka ka mid ahi ay u eekaadaan inay is khilaafsan yihiin, waxa lama huraana in Golayaasha sharci dajintu sameeyaan xeer labadaba ka wada shaqaysiinaya, caqligana ma gasho in midkoodna noolyahay ka kalana dhinto, iyagoo labaduba ku wada yaala distoorka. Qodobka 23aad oo fasaxaya in Ururo siyaasadeed la furto iyo ka 9aad oo ku xadidaya tirada Xisbiyada sadex kaliya, labaduba waa dhaqan gal, aan wax khilaafi ka dhexayn. Waayo midna wuxu ka hadlayaa Ururada siyaasadeed kan kalana Xisbiyadan siyaasadeed, sida ay u wada shaqaaynayaana waxaa qeeyxaya xeerka nidaamka Asxaabta, oo ah Xeer No. 14, kaas oo qeexaya in xiliga doorashooyinka dawladaha hoose ay ku wada tartamayaan Xisbiyada jira iyo Ururada siyaasadeed, tartankaas ayay ka soo dhex baxayaan sadexda Xisbi ee dalka ka sharci ahaanaya, sadexda Xisbi oo ku meelgaadh ahaanaya ilaa doorasha xigta,. Waxa xaaraana in doorashada madaxtooyada laga soo hor mariyo ama isku mar la qabto tan dawladaha Hoose, maadaama oo shardiga xeerkuba yahay inay horta soo baxaan sadexdii xisbi ee dalka ka sharci noqon lahaa markasta oo dawladaha Hoose la gaadho.

Hada oo ay ku beegantahay xiligii la diiwaan-gelin lahaa Ururada siyaasadeed, ayaa waxa wax laga xishooda ah inuu Madaxweyne Rayaale uu is hortaago xuquuqda aas aasiga ah ee siyaasadeed ee muwaadinka, isaga oon wax tix-gelina siinayn shuruucda dalka, taas oo ka muuqata sifaha foosha xun uu ula dhaqmayaan isaga iyo xukuumadiisu Ururka Qaran. Waana talaabo ka soo horjeeda distoorka iyo Xeerka doorashooyinka, Xeerka 14aad iyo ka 20aad, waxayna ka hor imanaysaa mabaadiida dimuquraadiyada iyo hanaanka xisbiyada badan, waxayn saaxada siyaasadeed ee dalka ka hor joogsanaysaa haldoorkii u soo bixi lahaa dalkan iyo ummadan u baahan.

Hadaba iyadoo Waxaas oo dhibaata ahi dalka ka taaganyihiin ayaa maamulkii masuulka ka ahaa dalku usoo tafo-xaytay, mar kale sidii shan sano xilka uu u sii hayn lahaa.

Gabagabii baaqa Ururka Qaran ee ku wajahan in la furo diiwaan-gelinta Ururada siyaasadeed waxa uu ka turjumayaa inay dalka Somaliland ka hana qaado dimuquraadiyad dhamastiran, oo aynu mahadino inaga iyo Ubadkeenu. Waxa kaloo Ururka Qaran isagoo u maraya wadiiqa kasta oo nabadeed uu ka gil-gilanayaa duruufaha qalafsan ee inagu gadaaman, baadi goobna ugu jiraa sidii umadu u hanan lahayd himiladeda ah Aqoonsi, horumar, midnimo iyo dawlad wanaag, taas oo ah hawl wadareed ina wada sugaysa.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Ururka Qaran waxa uu dhiiri-gelinayaa dhamaan muwaadiniinta reer Somaliland meel kata oo ay joogaan in ay ilaashadaan xuquuqdooda aas aasiga ah, ee uu sharcigu u damaanad qaaday, halganka Ururka Qaran ku jirana u arkaan inuu yahay mid u taagan inuu dalkeenu noqdo mid sharcigu ka sareeyo qofka xilka uu doonaba ha hayee.”

Xigasho - Wargeyska Ogaal

No comments: