Sunday, July 29, 2007

Reer Laaascaanood Oo Siweyn Usoo Dhoweeyay Wafti Ka Socda Dhanka Somaliland...

(Waridaad) - Wafti balaadhan oo ay horkacayaan Wasiirka Caddaaladda Somaliland, Axmed Xasan Cali (Casoowe) iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamuud Faarax (Baashe Cadde) ayaa dad weynaha reer laascaanood ay siweyn ugu soo dhoweeyeen magaalada....

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamuud Faarax Baashe Cadde iyo wasiirka cadaalada somaliland Axmed Xasan Cali iyo waliba xubno xildhibaano ah oo uu kamid yahay xildhibaan dhakool odoyaal iyo siyaasiin aad u farabadan oo dhanka somaliland kasocda ayaa ay caleemo qoyan kusoo dhoweeyeen bulshda reer laascaanood.

Imaanshaha xubanaha waftiga ee maamulka labaxay somaliland ee Magaalada Laascaanood ayaa ka dambeysay, ka dib markii maalmihii ugu dambeeyay Xidhiidho dhinaca isgaadhsiinta ah ay yeelanayeen mas'uuliyiinta iyo xubnaha maamulka gobolka sool iyo waliba qaar kamid ah siyaasiyiin xilal kasoo qabtay Puntland.

Ujeedada socdaalkooda ayuu Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamuud Faarax (Baashe Cadde) ku sheegay sidii ay mashaariic horumarineed uga fulin lahaayeen magaalada laascaanood oo ay mudo dheer ka maqnaayeen haatana aaney jirin cid ka hor istaagi karta barnaamijka ay wadaan.

xubnahan ka socda dhanka somaliland ayaa sheegay in wixii haatan ka danbeeya ay shaqadooda toos uga fulinayaan laascaanood maadama laga hor qaaaday caqabadii ugu weynayd oo ay ku sheegeen inay tahay ciidamda daraawiishta oo afka hore ee magaalada ka celin jiray balse haatan ay wadadu furan tahay oo ciidamadii puntland ee fadhiyay jiida loo soo daabulay dhankaa iyo muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamuud Faarax (Baashe Cadde) ayaa intaasi ku daray in uu dhamaaday xiligii is qabqabsiga iyo khilaafaadka u dhaxeeyay mas'uuliyiinta maamulada Puntland iyo somaliland isla markaana sababaha haatan ay u yimaadeen ay tahay sidii ay u muujin lahaayeen in uusan jirin khilaaf u dhaxeeya mas'uuliyiinta Labada Maamul, isagoo ku baaqay in laga shaqeeyo nabadda.

Liibaan Jordan,

Xigasho: www.widhwidh.com

No comments: