Sunday, July 29, 2007

DOORASHO INAY DHACDO HA FILANINA

(Waridaad) - Waxaan saaka ku waa bariistay war aad u xun oo murugo igu abuuray, waana xadhiga la xidhay maamulka ururka Qaran oo saaka CID – du ay qab qabatay loona dhaadhiciyey Mandheera.

Muddo ka hor ayaan ogaa inaanu Madaxweyne Riyaale iyo Wasiiradiisu aanay raali ka ahayn dhaqdhaqaaqa ururada soo if baxay ay ka wadaan gudaha iyo dibeda Somaliland, taasoo u muujisay inay cududii dadka ay ka filayaan inay u foodaan ay wiiqayaan ururadani siiba Qaran.

Hadaba ka dib kulankii u dambeeyey ee uu la yeeshay Madaxweynuhu wasiirkii hore ee arimaha gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan iyo waraysiyo uu bixiyey Ismaciil oo uu siiyay shabakadaha Somaliland siiba Hadhwanaag ayaan ka dareemay xadhiga ku soo socda mudanayaasha sare erayadii aan ka dhadhansaday hadaladii Ismaciil Aadanna waxaa ka mid ahaa.

"ee waxa weeyaan ururkaas meelkasta oo u furan waa in albaabada loo xidhaa sharcigana la horgeeyaa, ileyn sharciga kama-weyna'e, saddexda Xisbi ee dalkan ka jiraa ayuunbaa doorashooyinka soo socdana ka qeyb-galaaya. Shacbiga reer Somaliland-na waa inay ogaadaan dadka noocaas oo kale ah, oo ay iska qabtaan, oo ay Dawladda gacan ka siiyaan marka talaabada laga qaadayo oo yaanay odhan waa hebel iyo hebel."

Waxa hadaba is weydiin leh sababta wakhtigan aynu u diyaar garoobayno doorashooyinka soo socda ay dawladu ugu dhaqaaqday xadhiga Dr Gaboose, Maxamed Xaashi iyo Jamaal miyaanay khalad ahayn oo aanay fawdo ka dhici Karin.

Maxkamadan baas ee la sheegaana miyaanay marnaba ka baxayn jeebka Rayaale.

Dalka dadka ku nooli miyaanay damiir iyo damqasho lahayn oo ka dhiidhiyi Karin waxa socda.

Looma baahna hadal dambe iyo is jiid jiidad ee waxa loo baahanyahay in dhegta la soo qabto Riyaale iyo wasiiradiisaba oo lagu karbaasho madaxtooyada horteeda.

Waayo, xishood garan maayaan, sharcina garanmaayaan aan ka ahayn in faraha la saaro.

Dulqaad dambe waa soo dhammaaday, rajadii doorashada soo socotaana aniga koleyba xagayga waa ka dhimatay oo waxa ii muuqatay in keligii taliye uu dalkii aynu dhiiga u soo qubnay uu hantiyey.

Dagaal dambena waa lam huraan kii diidan iyo kii dhegaha ka furaysanayowna waa yeelkaa.

Mahadsanidin

Mohamed Hussein Roble
London - UK

No comments: