Friday, July 27, 2007

Dr. Gaboose iyo Engineer Moxamed Xaashi oo Waaran Xidhitaan ah loo Gooyey Maanta

(Waridaad) - Warar maanta duhurukii ku soo kordhay magaalada Hargeisa ayaa waxay sheegayaan in Xukuumadda Somaliland ay soo saartay amar la rabo in lagu xidho masuuliyiinta Ururuka Siyaasiga ee Qaran.

Wararkan oo soo shaac baxay duhurkii maanta markii xafiisyada la xidhay waaheen.com weli looma xaqiijin xagga xukuumadda, hase yeeshee dad ku dhow dhow masuuliyanta Qaran way rumaynayaan.
Ilaa saacaddan oo ah 6 galabnimo ee Khamiistii ma jiraan cid ka mid ah ciidamadda amniga JSL oo u timid masuuliyiinta Qaran ee la yidhi waaran baa loo jaray.

Xigasho: Waaheen.com

No comments: