Saturday, July 28, 2007

Xukuumadda oo xabsiga u taxaabtay Dr. Gaboose, Inj. Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid

(Waridaad) - Hargeysa (Somaliland.org) – Ciidamada Booliska ayaa saaka subaxnimadii hore qabqabtay siyaasiyiinta ugu sarraysa hoggaanka ururka QARAN, isla markaana u taxaabay xabsiga.

Ciidamada Boolisku waxay guryahooda oo ku yaalla meelo kala duwan oo magaalada Hargeysa ah ka soo qabqabteen, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah Guddoomiyaha ururka Qaran, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo ah Guddoomiyekuxigeenka ururkaas iyo Jamaal Caydiid, waxaana isla saaka loo qaaday Xabsiga Mandheera.

Xadhiga siyaasiyiintaas oo la filayey ilaa Khamiistii Dorraad, waxa la fuliyey saaka subaxnimadii hore, abbaaro 6:00 aroornimo.

Laba ka mid ah, siyaasiyiintaas, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Inj. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa iyaga waaranka ama amarka qabashadooda ay xukuumaddu gacanta ku haysey ilaa Khamiistii, halka Jamaal Caydiid isla saaka Maxkamadda la geeyey, si looga xalaaleeyo xadhigiisa.

Wax dhibaato ahi kama dhicin qabashada siyaasiyiintaas oo lama filaan ku noqotay dadweynaha Hargeysa, laguna baraarugey barqadii saaka markii loo dhaadhiciyey xabsiga Mandheera.

Ururka Qareennada Somaliland, Xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE iyo dad kale oo badan ayaa hadda abaabulaya shirar jaraa'id oo ay kaga hadlayaan xadhiga siyaasiyiintaas.

No comments: