Friday, July 20, 2007

MAAMUL XUMADA SOMALILAND MAXKAMADAHA KA KOW AH (DHAMMAAD).

(Waridaad) - Waxa aan seddex maqaal oo hore isku dayey inaan iftiimiyo dhibaatooyin la xidhiidha maamulka maxkamadaha iyo hay’adaha soo raaca sida Xeer-ilaalinta, boliiska, iyo Guddiga Cadaaladda. Waxa aan idiin balanqaaday inaan maqaaladan ku soo xidho dhacdooyin ka faa’idaysi mudan oo dunida dhownahan ka dhacay.

  • Waxa ina soo maray Madaxweynahii hore ee Nayjeyriya oo isku dayey inuu sharciga bedelo si uu ugu ogolaado inuu mar seddexaad isa soo taago. Waxa uu isticmaalay awood kasta mid sharci iyo mid kaleba, waxaa se is hortaagay Golaha Guurtida ( Senate ) oo arrintaas ku diiday.

  • Waxuu isla Madaxweyne Obasanjo isku dayey inuu nin ka tirsan murashaxiinta iska hortaago doorashada, ninkaas oo ah Madxweyne Xigeenkiisii oo ay isku dhaceen, waxuuna la kaashaday Guddiga Doorashooyinka. Taasna waxa ka diiday Maxkamadda Sare oo doorashada oo dhowr berri oo keliye ka hadhay ku kaliftay in dhammaan waraaqaha codbixinta dib loo daabaco oo ninkaas lagu daro.

Aan sii wadno tilmaamo caddaynaaya sida hawlaha qaranka ee Nayjeyriya u kala soocan yihiin. Waxa dhacday in wafti uu wato Madaxweyne Qadaafi oo wata hurin ciidan ilaala ah oo hubaysani ka soo degeen caasimadda Obuja. Waxa taliyihii Boliska ee gegeda diyaaraduhu ku amray inaan cid hubaysani diyaaradda ka soo degi karin. Qadaafi taas aad ayuu uga xanaaqay, waxuuna la hadlay Madaxweyne Obsanjo inuu arrintan wax ka qabto. Obasanjo waxuu amray in Ciidanka ilaalada iyo hubkoodaba loo daayo Qadaafi. Waxa taas si adag u diiday Taliyahii, oo weliba isna qaylo dhaan u dirtay Taliska Guud ee Boliska. Waxa Taliyihii Bolisku sheegay inaanu Madaxweynahu xaq u lahayn inuu hawsha boliska soo faro gasho. Arrintina waxay ku dhammaatay sida Taliyahu ku adkaystay oo ah sida sharcigu qabo. Qadaafi iyo Obasanjana waxa u suurtoobi weyday inay Taliyaha Garoonka ee xaqa ku taagan u awood sheegtaan. Waxa shaqeeyey sharciga, oo cid walba u xadeeyey masuuliyadiisa iyo hawsha uu qaranka u hayo. Waxaana cad sida awoodaha hay’adaha distooriga ihi u kala xaddaysan yihiin, iyadoon qofna xadkiisa dhaafin.

  • Aan u kacno Qaaradda Aasiya. Dalka Taywaan waxa dacwad lagu ogay afada Madaxweynaha oo musuqmaasuq iyo ku shaqaysi awoodda qoyska Madaxweynaha lagu dacweeyey. Waxa u suurto geli weyday in Madaxweynahu is hortaago, waxaana si caadi ah loo geeyey maxkamad iyadoo lagu qaaday gaadhiga dambiilayaasha qaada . Iyadoo xanuun wadnaha ah qabta, ayey Maxkamaddii dhexdeeda ku dhacday, deedna loola cararay dhakhtarka oo ay weli ku jirto, damaanadna laga qaaday.

Dalkan Ingiriiska inta aanu hawsha ka fadhiisan RW Tony Blair, waxa waaran lagu baadhay la-taliyaashiisa kuwii ugu dhawaa, arrimo la xidhiidha inuu xilal u magacaabay taageerayaal maalgaliyey xisbigiisa. Waxayna dacwadii oo weli soctaa gaadhay heer isagoo Raiisal Wasaare ah oon meelna loo sii marin, ay boliis caadi ah ay baadhis waraysi ay toos isaga laftiisa la yeesheen. Waxa la mariyey habka loola dhaqmo muwaadin kasta oo dalkan u dhashay, looma baahan maamus xayuubin iyo meel kale oo loo sii maro. Waayo falka dambi ciqaabeedka sida musuqa, uma baahna cid aan booliska ahayn. Dacwadda oo weli soctaa, waxa mar labaad loo yeedhay Mr. Blair intii uu xilka ka tegay.

  • Waxa xusid mudan in dacwadani ka bilaabantay wergeyska Daily Mail oo qoray eedaynta inuu Blair u magacaabay Golaha Guurtida (Lords) taageerayaal xisbigiisa maal geliyey. Bolisku intuu akhriyey wargeyskii ayuu baadhis ku dhaqaaqay. Mey xidhin weriyihii, ee waxay ka dabo tegayn warka oo ay xaqiijiyeen, deedna ay dacwadoodu ku saleeyeen. Waa sharci loo siman yahay, waana mid lagu faano. Waxa sharaf iyo maamuus mudan wariyahii warkan soo tebiyey, waxaana dambigii loo raacay cidda awoodda ku tagri fashay. Waa dhacdo wax lagu qaato. Waana midda aynu u baahanay, in warka ay wageysyado qoraan la baadho oo gunta laga gaadho, ciddii dambi loo helana sharciga la mariyo, oo leyska dhaafo afka la qabanaayo wariyaha.

Arrimahani waxay tilmaan cad ka bixinayaan dalalka sharcigu hago, ee dhammaan muwaadiniintu u siman tahay. Waxa marag ma doonto ah inay yihiin talaabooyin ku dayasho mudan. Waa dhacdooyin taaban kara dareenka Maxkamadaheena, Golaheena Guurtida, iyo Taliyaha Boliska iyo guud ahaan Boliska Qaranka. Sidaan maqaaladii hore ku iftiimiyey, distoorku si cad ayuu u sheegayaa madaxbanaanida Maxkamadaha iyo Boliska, cidda se maamulkooda haysaa uma dhaqmaan sidaas. Waxaa hortaagan laba midkood aqoon yari, amba duruufo kale oo madaxbanaanidooda laciifinaaya, sida shaqo-qoridda, shaqo ka eriga iyo mushaharka iwm, oo dhammaan si toos ah gacanta Madaxtooyada ku jirta. Waana arrimahaas kuwa u baahan in la hagaajiyo, oo meesha laga saaro.

Waxaan filayaa anigoon si qotodheer u gelin , inaan iftiimiyey hawlo u baahan inaynu qaran ahaan u eegno, si aynu dhaxanta uga duulino maamulka hay’adaha cadaaladda, oo ah furaha nabadgelyada iyo horumarka. Waa meesha ugu culus ee bukaankeedu nolasha qaranka oo dhan taabanaayo. Waa halka wada-shaqayn la’aantu Golayaasha, iyo kalsooni la’aanta dadweynaha ka bilaabanto. Waa maamulka hadduu fayo qabo, labada Gole ee kale daaweyn karo. Waxaan maqaalkan ku soo gebagabeeyey, aynu dhammaan isu taagno inaynu daaweyno Hay’adaha Cadaaladda, si ay iyaguna u dabiibaan inta kale ee qaranka ka qaldan.


Tan iyo aragti kale.


Mahad Alle iyo Guul.


Ahmed Arwo


Cardiff, U.K
samotalis@gmail.com

No comments: