Friday, July 20, 2007

Wariyehii Jamhuuriya Ee G/Awdal Oo Maanta Jeelka Laga Soo Daayay

(Waridaad) - Boorama- Weriyaha Jamhuuriya ee Gobolka Awdal, Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Habbane, ayaa shalay duhurkii laga sii daayey xabsiga dhexe ee magaalada Boorama oo uu ku xidhnaa muddo toddobaad maalmood ah.

Sii-daynta weriyaha oo ay ka hawlgaleen Guddoomiyaha Jamhuuriya Media Group, Mr. Fasal Cali Sheekh, Guddoomiye-ku-xigeenka Jamhuuriya, Mr. Xasan Siciid, Guddoomiyaha SOLJA, Mr. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka, Mr. Axmed Yuusuf Xuseeen iyo Xoghayaha Fulinta Dalladda ururrada Xuquuqal-insaanka ee SHURO-NET, Mr. Mubaarig Ibraahim Aar, kuwaas oo Arbacadii dorraad u tegay magaalada Boorama sii daynta weriye Habbane.

Xubnaha ka hawlgalay sii daynta weriyaha waxay si weyn ugu mahadnaqeen dadkii kala qaybqaatay siidaynta weriyaha Jamhuuriya, waxaanay si gaar ah ugu mahadceliyeen Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud, Prof. Saaleebaan Axmed Guuleed, Guddoomiyaha Waxbarashadda Gobolka Awdal, Prof. Daahir Maxamuud Xaddi iyo Suldaanka beesha dacwadda ku soo oogtay weriye Cabdiraxmaan Maxamed Habbane.

Weftiga ka hawlgalay sii daynta weriyaha Jamhuuriya, ayaa sheegay markii ay magaalada Boorama inay weji dabacsan kala kulmeen beesha Habar/carfaan ee dacwadda ku oogay weriye Habbe.

Weriye Cabdiraxmaan Maxamed Habbane waxa Boorama lagu xidhay 12-kii July 2007, kadib markii uu qoray dhacday xaqiiq ah oo 5 July 2007 ka dhacday magaaladaas, taas oo ahayd iska-horimaad iyo rabshad ka dhalatay caleemo-saar suldaan cusub. Dhacdadaas oo ay dad ku dhaawacmeen, gaadiidna lagu burburiyey, waxa ka marag-furay madax-dhaqameedyo reer Awdal ah oo goob-joog ahaa.

Jamhuuriya Online

No comments: