Thursday, July 26, 2007

MADAXWEYNAHA RAYAALE OO MAGACAABAY GARSOOREYAAL CUSUB

(Waridaad) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa magacaabay garsooreyaal Cusub oo ka kooban afar Garsoore.

Sidaa waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu ku sexeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland Siciid Cadaani Mooge.

War-saxaafadeedkaasi isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:

“Madaxwaynaha JSL Mudane Daahir Riyaale Kaahin Isagoo tix galinaaya baahida loo qabo tirada xubaha garsoorayaasha maxkamada sare oo la kordhiyo madaama kisaska dilka ahi inta badan gobolada dalka ka dhacaan markaasna looga baahdo shan garsoore in ay kiskii kaliyaba galaan. Isla markaana ay daruuri noqotay in ay joogto ku noqdaan mar kasta shan garsoore ama ka badan maxkamada sare ee Hargeysa.

Madaxwaynuhu markuu garwaaqsaday in maxkamada sare dhowr gobol mar kaliya looga baahan karo dhowr gobolna in ay ka soo fuliso kisaskaas.

Madaxwaynuhu isagoo isla markaana tixgaliyay soo jeedinta gudoomiyaha maxkamada sare iyo Wasaarada Cadaalada kuna qancay in ay hanan karaan xilka garsoornimo, waxa uu go’aan saday in uu u magacaabo garsoorayaasha maxkamada sare ee JSL danayaasha ay ka mid yihiin.

1. Axmed Diiriye Qaalib
2. Maxamed Yusuuf Caynaan
3. Showqi Cilmi Cali
4. Cismaan Xuseen Khayre”

Mohamoud Mohamed Hashi

Somaliland Future Online

mxaashi@somalilandfuture.com

No comments: