Thursday, July 26, 2007

Bukaan lagala baxay Isbitaal Banaadir

(Waridaad) - Saraakiil ka tirsan Nabad Suguda dowladda KMG-ka oo wato sadax gaadiidka dagaalka ah, ayaa maanta waxa ay dhawr qof oo isugu jira bukaano dhaawaca ah iyo shaqaale ay ka kaxaysteen Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdishu.

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay in dadka la xiray lagu tuhunsan yahay in ay la shaqeynayeen ama ka tirsanaayeen Maxkamadihii Shareecada.
Xarigga shaqaalaha iyo bukaanka ayaa waxa BBC u xaqiijiyay agaasimaha Isbitaal Banaadir, Dr Cabdirisaaq Xasan Cali.

Dhakhtarku wuxuu sheegay in argaggax lagu abuuray bukaanada iyo shaqaalaha Isbitaalka iyada oo aan la soo wargelin maamulka iyo Wasaarada Caafimaadka oo ay hoos tagaan toona.

Ma jiro wax war oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha nabad sugidda.
Dhawaan ayay aheyd markii ay ciidan Ethiopian ahi uu kala baxay bukaan dhaawacyo qaba Isbitaalka Shifo oo ku yaal xaafadda Xamar-Jadiid iyaga oo la xiriirinaya in ay gacan saar la lahaayeen Maxkamadaha Shareecada.

Waxana arintaas si kulul u canabaareeyay heyadda Elman ee nabadda iyo xuquuqda Aadanaha oo fadhigeedu yahay Muqdisho.

Ciidammada Ethiopia oo la weeraray

Qaraxyo kala gooni gooni ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhintay dad isugu jir askar iyo rayid.

Rasaas ay fureen ciidamada Ethiopia oo hawlgallo ka waday xaafadda Carafaat ee jidka warshadaha ayaa waxa ku dhintay labol ruux oo rayid ah labo kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Rasaasta la furay ayaa sida ay BBC u sheegeen dad goob joog ahaa waxa ay dhacday ka dib markii qarax lagu weerararay ciidamada Ethiopia.
Goob joogayaashu waxay sheegeen in askarta Ethiopia ay halkaas laba uga dhimatay.

Boolis la weeraray

Dhacdo kale sagaal ruux ayaa ku dhaawacmay oo laba ka mid ah ay ahaayeen boolis markii uu qarax bamabaano ka dhacay waddada koowaad ee suuqa bakaaraha.

Qaraxa ayaa ahaa bam-gacmeed lagu tuuray booliska.
Qofkii tuurayna waa uu baxsaday.

Boolisku ma furin rasaas, sababtana waxaa lagu sheegay in ay waddadu aad ciriiri u ahayd.

Courtesy of: bbc.com

No comments: