Thursday, July 05, 2007

OOHINTA DHULKAY & AQOONTA DADKAYGA

(Waridaad) - Ka hor intii aynaan calanka qadanin 26 June 1960kii ayey bulshadu somalilanders ka leexatay hoggangii gaadh siin laha xornimo tam ah, barwaqo, horumar dalkooda iyo dalkooda, tass oo ay sabab u hayd gumaysiga oo helay dariiq ama farsamo xeelad dheer oo uu adeegsanaayey waqtigaas. Waxa ka xoog batay wax garadkii iyo aqoontahanadii waq tigaasé, cadiifad, waayo argnim laan, baxada howshu, xornimodoontu ladahay, tabaabushaha, dhaqaalelaan iyo xidhiidhaka caalimiga oo aan jirin. Kuwass iyo arimo kale aya u howl yaraysay in uu gumaysigu u dhiibo talladii dalka dad uu isagu urgaayey in uu ka fulsan karo wax uu doonayo guud ahaanba. Taas baa keentay in axsabtii waqtigaas ay gacanta ugashay dad aan aragti dheer, waayo aragnim, aqqoon iyo awood toona u lahayn.

Horaa loo yidhi (wadaanta isha ka qalocata xumaata feelka ayey latagta) Manta oo ay tahay 26 June 2007, oo ka soo wareegtay 47 sano, waxaynu aaminsan nahay dhamaanteen in wax qaldanyihiin, dooneyno in aynu wax saxno unataglanahay. Tasi waxay inaga dhigaysa ninkii waalnaa ee foosta gunta ka daloosha dhaaminayey, dadow miyaynu walanahay?. Jawabtu waa maya, hasa yeeshe dariiqadii khaldanayd ee uu gumaysigy ugu dhiibay talada dalka dad aan aqoon iyo awood toona u lahayn ayeynu wli isticmalaynaa. Hab dhaqanka siyaasadeed ee axsaabta aynu dhisno ayaa khaldan, axsaabtu dowladay dhasha, madaama hab- dhaqan guud axsaabtu aynu dhisno ay khaldantahay, dowlad khaldan ayaa inoo dhalata. Wax khaldanina inkastaba ha gaadhaane way burburaan.

Kahor intii aynaan calanka qadan, waqtigii clanka qadaney, waqtigii SNM, waqtigii Madxwaynihii uhoreeyey Alla hawna-xaristee Abdirahman Ahmed Ali, waqtikii Madaxwaynihii 2aad Alla hownaxariista Mohamed Irahim Egal, manta oo Madax wayne Dahir riyaal Kahin xukumaayo waxaynu dooneynaa oo daydayeynaa dowlad ina gaadhsiisa daryeel guud. Waxa inaga muqata, dayacaad badan, damqasho badan, dulinimo wayn dadow maxaa dahan. dhamaanteen marka laga soo bilaabo waqtigii xornimadooka ilaa manta dadku waxy daydayaan dowlad wacan, dadaalkuna mayara dadow maxa dahan.

Aqoon-yahanada iyo abwanada ugu waawayn Afrika ayaaa udhashay dalka Somaliland dadal badan ugallay in ay dareenkood aragtidooda gaadhsiiyan bulshada qaybahayda kala duwan tusaale yaal wacan muujiyey. Waxa mudan xasuusihii farxadihii tusaleyaashii dareenkii ay usoo gubiyeyn aqoonyahada ay ka miyihiin:
Marhum Abdilahi Suldan timacadi (dugsi malaha qabyaalid waxay dumise mooyane.)

MarhumAhmedIsmail(qasim)NimankiiAlmadar aan lahaa odayaday dhaami..ujeedoonyinkoodii ban artka ayatiin maleh 1957
Marhum yusuf X. Adan (Somalil tosaa tosaa kolba kina takdaera tageera waligiin )

Ali sugule (Afqalad Aqoontu miya ma ma mahe….)
Marxum Abdi xasan Umul baa ilawda eddaadka somaray) lama soo koobi karo, kamay aamusin, kamey daalin in ay utilmaamaan bushada wax u-sheegida abwanadii waqtgass iyo kuwa maantuba.

In kastoo si hufan oo aqooni ku dheehantay u dhalalata xornimadii, hadana axsaabtii hogaaminaysay siyaasada dalka, aqoonyahanada iyo dadwaynuhu iskumay xidhnayn; taas-bana geentay qa-xoontiga aynu manta kunoolnahay iyo oohinta ciidii ee weli ooyeesa.

Axsaabtii hogaminaysa dalka Somaliland iyo intii ka dambaysaba umay-dhisnayn habdhaqanka cilmiyeysan ee bulshadu calamku wax udhistan, sido kalena waxay ka soo horjeeday dhamaan tiirarkii asaaska horomarinta bulshada dalka Somaliland; tass bana-kentay hirdan aan qoon iyo wax qabad ku dhisnay, balse ku dhisan waxqabso oo qarso,wax qalooci oo qari.

Waxa u dub dhaxaad u ahaa siyaasiyiinta waqti gass qorshe ka soo horjeeda dhaqankii soo jireenka ahaa ee somalilanderska oo ahaa go’aanka u saareeya waxa leh wax-garadka oo lagu soo xulaayo qodobka Xerbeegtida, goob-kasta oo ay bulshadu degantihay. Oo macnaheedu yahay maamulka meelkasta oo ay bulshadu degantahy waxa laga xulanayaa oo tartan gelaaye cidii ugu mudan aqoon, xishood iyo imaan, si gar ah iyo si gudban toona aan cid dambi uga-gelin dalka iyo dadkatoona. Madama ay axsaabtu ku dhisnayd wax kaqabso oo qarso inta aad mesha joogtid, waxay keentay in ay Axsaatu ka caraarto ninkii aqoonta, xishoodka, imaanka lahaa, isla markaana si gar ah iyo si guudban toona aan cid dambi uga-gelin dalka iyo dadkatoona. Wakii abwaakii wayna laha Marxum Qasim(idin edany inamada nokacow. Isma doorin galkan eryey iyo kii darta galay)

Walaalayaa waxan idinka codsanayaa in aad dereentaan, argtaan kadamqataan ducufka, dawarskga dadkeen, danaysaan daryeelka guud, daydaydaan oo dawaysaan doonta degaysa waa dalkeenii oo dadkii saranyahay.

Axsabta manta ee somaliland, ayeynu bar-bardhigidoonaa tii lixdankii 1960, 1964kii, 1969kii, waqtigii Afwayne, maqaalada danbe.


By Xasan Jamac-bacad

Telme84@hotmail.com

No comments: