Tuesday, July 24, 2007

Wasiir cawil iyo ismaaciil-yare xagay iska shabahaan?

(Waridaad) - Waxaan halkan ku cabirayaa fikirkayga gaar ah oo aan filayo inay dad badan oo reer Somaliland ahna ila qabaan, sida ciwaanka sare ku qoran bal waxaan isku deyayaa inaan jawaab buuxda u helo suaashaas waxaan odhan karaa ismaaciil iyo cawil waa laba nin oo ka siman aflagaadada cid kasta oo madaxwaynaha wax ka sheegta ama mucaarid ku noqota.
Waa laba nin oo mansabyo ku helay cay iyo eedayn ay u soo jeediyeen dad ka tirsan hogaanka dalka Somaliland , aan u kala qaado labadooda.

Cawil

Cawil sida ay dad badani la socdaan waa ninka bilaabay Somaliland in si qaawan loo wada hadlo, intii uu Maxamed Ibrahim Cigaal “Alle ha unaxariistee” wadanka xukumayey waxa la isu adeegsan jiray ereyo sarbeeb ah oo marka nin ninkale wax ka sheegayo lama carrabaabi jirin tusaalena waxa kuugu filan marka uu madaxwaynuhu mucaaridkiisa wax ka sheegayo wuxuu adeegsan jiray ereyo badan oo aan ka xusuusan karo, “ragbaa suuqa ka bu’aya”, " raga suuqa ka dho’dho’ leh", iwm. Mucaaridkuna si la mid ah waxay adeegsan jireen sarbeebtaas mid la mida. Tusaale aan usoo qaato xaflad loo qabtay 17- Octobar, SNM ayaa waxaan kaga qayb galay khayriyadda waxa ka hadlayey rag wasiiro ah markaas waxa soo galay oo mikirifoonka loo dhiibay xasan ciise jaamac isaga oo la hadlaya dawladii xiligaas ee cigaal madaxda ka ahaa wuxuu yidhi, “Africa waxa ragaadisay rag ilaa lixdankii ku soo jiray talada oo aan aqoon kale u lahayn inay kursiga ku fadhiyaan mooyee”. Waqtiga oo fogaa dartii iyo innaga oo aan qoran hadalkan inaan wax ku daray ayaa dhici karta laakiin tusaale kaliya ayaan uga jeedaa.

Hadaba iyadoo sidaasi fiican la isu dhaliilo ayaa waxa wadanka ku soo noqday nin reer Kenya ah oo asalkiisu ka soo jeedo Somaliland wuxuuna noqday ninkii u horeeyey ee hadalka iyo dhaliilaha maryihii saaraa ka rogay, waxyaabaha ugu badan ee uu ninkaasi ku bilaabay caydiisa aan la qarsana waxa uu ku soo qaaday Axmed Maxamud Siilaanyo oo aynu wada ogayn sidii uu badheedhka ugu caayi jiray, hadaba aniga oo aan ku noqonayn taariikhdaasi waxaan odhan karaa aflagaadadaasi waa ta uu ku helay mansabka wasiirka aan dhicin, madaama uu cay ku soo fuulay kursiga wasiirnimo waata sababta u ah inuu cay ku difaaco riyaale si uu u sii joogo tusaale usoo qaad laba nin oo ay isku beel ka soo wada jeedaan oo uu ku qaaday weerar aan geedna loogu soo gaban, midi waa tii uu ku qaaday Cabdi Aw Daahir ee uu ku tilmaamay nin geel jire ah laakiin uu iska indho tiray aqoontiisa iyo heerka ay gaadhsiisantahay. Ta labaadna waa tan maanta ee uu Dr Maxamed Cabdi Gaboose ku yidhi wadan umaad dhalan, waxaanay ahayd haddii inuun wadanka cadaaladi ka jirto in maxakamad lagu soo taago oo uu helo ciqaabteeda, laakiin waa meel nin ka sii jeeda aanay sharci qaban ka soo jeeda mooyee! “sii jeede=xukuumada soo jeedana waa mucaaridka”. Waxaanan odhan karaa wuxuu sameeyey sune xun wixii ku camal falana danbigiisa ayuu badhleeyahay.Waxaanan odhan karaa waa Salad Cali Jeelaha Somaliland.

Ismaaciil-yare

Ismaaciil, isaguna wuxuu kala mid yahay Cawil cayda qaawan ee ka baxsan anshaxa isdhaliilka waana ka sii hooseeya xaga darajada sababtoo ah wuxuu gaadhay meel somalilad ka ah lama taabtaan oo ah dumarka in wax laga sheego, taas oo taariikhda somalida ku yar marka ay dhacdana ninkaasi laga xukumi jiray magteedii oo ah 50 halaad laakiin isagu konton uu bixiyo daayoo wuu ka garaabi waayey waana ta dhaxalka uga dhigtay inuu noqdo wasiiradii Somaliland soo maray inuu ka galo halka ugu hoosaysa, taariikhdiisuna ay ka tahay intii uu wasiirka ahaa in madow oo aan ka hadhi doonin noloshiisa, hadaba isagu markii hore cay kuma iman sida saaxiib laakiin markii uu kursiga fuulay ayuu ku difaacay mudo badan oo uu ku sii ahaa wasiir aan la taaban laakiin malaa wax kale ayaa usoo galaye kursi wuu ka tuuray madaxwaynuhu wuxuuna noqday nin aan meelna tixgalin looga hayn meelaha lagu kaftamana ka fogaada waana ta sababta u ah inuu yidhaahdo waligay waxaan ahaanayaa UDUB.

Hadaba iyadoo uu kursiga intii uu ka maqnaa laga raystay oo dadka reer Somaliland waxoogaa nasasho ah qaateen ayuu markale suuqa soo galay isagoo raba inuu sidii saaxiibkii kursi wasiir ku helo cayda mucaaridka, waana ta maanta uu gaboose ku leeyahay xoog ayuu rabaa inuu ku qabsado wadanka, hadaba waxaynu ognahay in Dr Gaboose aanu soo marin ciidan military iyo police midna qorrina inaanu qaadan isaga ayaa afkiisa ka sheegay xataa bastoolada ismaaciil-yare dhinaca ugu xidhan.

Hadaba bal aynu ku celinee waxaynu leenahay ismaaciilow ka jawaab suaalahan:

1- Miyaad aragtay Dr Gaboose oo ciidanka qaranka ku dhex jira oo kala hadlaya arintaas?

2- Miyaad aragtay Dr Gaboose oo ku hanjabaya awood ayaan leeyahay?3- Miyaad aragtay Dr Gaboose oo aan sifo sharci ah wax ku doonayn? Jawaabahaas ismaaciil ayaa laga sugayaa.

Gebogebo iyo midh yar aan iftiimiyo

Dr Gaboose iyo maxamed xaashi cidi uma tilmaamayso sharci waxaana u markhaati furaya inay xaq ku taagan yihiin golaha xeer dejinta Somaliland oo ka markhaati furay inay furan karaan ururo loona baahan yahay in loo furo gudidii diiwaan galinta waxaana afkiisa laga hayaa xildhibaanka ugu da’da wayn golaha wakiilada kana soo jeeda UDUB.
Isku soo wada duuboo waxa fiican qodobada la isku hayo waa in xeer dejinta loo bandhigaa si ay u tafsiiraan oo ay go’aan dadka qanciya uga soo saaraan, halka garsooraha maxakamada ay ku doodayaan qoladad diidan ururadu in loo geeyo laguma qancayo sababtoo ah wixii madaxda wadanku doonayso ayuunbuu xukumaa.

Cumar Maxamed Haybe

Hargaysa, Somaliland

No comments: