Tuesday, July 24, 2007

Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Oo Shir Dib U Heshiisiinta Somalia Lagaga Hadlayo Kaga Qayb Galaya Sweden

(Waridaad) - “Waa shir caalami ah, waana laga qayb geli karaa, ma koontaynar baan ku jirnaa”



Hargeysa, July 23, 2007 (Haatuf) – Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Saleebaan Axmed Guuleed ayaa la filayaa inuu dabayaaqada bisha August, 2007, u baqoolo dalka Sweden, gaar ahaan magaalada la yidhaahdo Lund, si uu halkaasi ugaga qayb galo shir lagaga hadlayo dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska Somalia oo ay soo qaban qaabisay hay’ad la yidhaahdo Somalia International Rehabilitation Centre.

Marka laga yimaado Saleebaan Axmed Guuleed, waxa kale oo shirkan lagu casuumay Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ah wasiirka Arrimaha Debada dawladda Imbagathi, Cabdi Ismaaciil Samater iyo dad kale oo taageera dawladda Imbagathi, waxaana lagaga doodi doonaa dhismaha nabada ee dagaal ka soo dooga.

Marka laga yimaado shakhsiyaad sare ku xusan ma jirto cid lagu casuumay shirkan oo reer Somaliland ahi, isla markaana lama garanayo sababta loogu casuumay Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud, maadaama oo aanay xubnaha kale isku mawqif ahayn, ee isaga maanta ka hor loo haystay inuu ka mid yahay dadka taageersan qadiyada madax banaanida Somaliland, haatanse Professor-ka oo aanu xalay fiidkii wax ka weydiinay ayaa isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi. “Waan maqlayay, qolo shir baanu kugu casuunay leh, laakiin ilaa hadda wax I soo gaadhay ma jiraan, ta kale Shirkani waa shir caalami ah, ma Koontaynar baan ku jirnaa, waxa laga qayb geli karaa, sow meel walba aragtidaada lagama dhiiban karo, laakiin waxani waa mabaadiida, balse ka qayb galka waa laga qayb geli karaa. Ee Koontaynar kuma jiro, haddii aad waraysi intaa dhaafsan doonayso beri adeer ii kaalay”.

Sidaana waxa uu Professor-ku yidhi mar uu xalay 10:22 weriye ka tirsan Haatuf khadka telefoonka ugu waramayay, balse markii uu intaasi yidhi, waxa uu si deg deg ah u gooyaya telefoonkii.

Sida ay Haatuf u sheegeen ilo lagu kalsoon yahay, Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud waxa uu shalay gelinkii hore iyo kii dambeba kulamo la yeeshay madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, halkaasi oo loogu sameeyey casuumad.

Lama ogga inay madaxweynaha iyo Professor-ku ka wada hadleen arrinta shirka lagu casuumay Professor-ka iyo inkale.



No comments: