Thursday, July 12, 2007

Xagaee bay ku dambeeyeen qarxiyayaashi ay Ethiopia kala baxday Madaafiicda Somaliland

(Waridaad) - Ugu horayn dhammaan shacbiweynaha Somaliland waxaan u sheegayaa in loo guntado sidii doorashooyinka soo socotaa ay u suurto geli lahaayeen, iyadoo weliba si nabadgelyo ah oo xarago leh aytahay inaynu u foodno, una feejignaano.

Aan soo dego, hore waynu u ogayn xaalka dalku marayo wakhtigan xaadir-ka ah iyo horumar la'aanta 17 sano aynu ku jirnay oo ay sabab u yihiin masuuliyiinta dalka hogaanka u haya.

Dad badani waxay farta ku fiiqaan oo ay yidhaahdaan shicib weynaha Somaliland ayaa eedda leh oo hadii ay damiir leeyihiin way ka dhiidhiyi lahaayeen hoga madow ee dalka lagu sii wado.

Aan u soo noqdo dulucda maqaalkaygan gaaban, wakhti aan fogeyn ayaan sheegay in dawladda Ethiopia oo aynu saaxiibka koowaad ka dhiganay ay farta inagu walaaqayso, ku darsoo anoo horena u sheegay in saraakiil yar yar oo Tikree ahi iyagoo xeryaha ciidamada Somaliland dhex gaaf wareegaya oo xog ururis ku jira ayaa xero ka mid ah xeryaha Burco mid ka mid ah wiil aanu saaxiib nahay waydiiyey nin masuul ah sababta loogu ogolaaday in inamo yar yar oo tigree ahi ay u qoranayaan hubka xeryaha yaala, wuxuu ku jawaabay masuulkii, waa amar xagga sare ee dawladeena ka yimid oo ma diidi karno.

Hadaba su'aal baan waydiinayaa dawladda iyo inta ka mushahar qaadate – waar ogaanay sababta madfac qudha loogu fiiqi waayey diyaaradihii ku soo xadgudbay hawada Somaliland ee xagee bay ku dambeeyeen qarxiye yaashii madaafiicda ee dalka Somaliland, sidii Ethiopia ay dawladu ugu wareejisay ee loo yidhi waa la soo nadiifinayaa lama soo celin, cidna looma sheegin ee sheega meesha ay ku dambeeyeen.

Taasi waxay ku tusaysaa cidda dalka maamusha ee gacanta loo geliyey maamulkii iyo masayrkii dalka ee aynu dhiigeenna u soo daadinay.

Mid kale aan ku daro qolyahan isku sheegaya inay meteleyaan Hawiye ee gaafwareegaya Hargeysa, soo ogaaday oo cali mahdi iyo Gabre ayaa soo diray si ay Somaliland uga dhaadhiciyaan inay ka soo qayb gasho shirka lagu sheegayo dib u heshiisiinta – taana ha laga feejignaado. Nimankani niman metela Hawiye ma ah ee maqaar baa la huwan yahay.

Hadal iyo gun waxaan leeyahay, waa inoo iyo insha allah vote-ka soo socda iyo Rayaale iyo budhcaddiisa oo badda lagu daro si nabadgelyo ah, aduunkuna ishuu inagu hayaa, ee colaado aan hubo oo ay hurinayaan rag aan ogahay halaga feejignaado.

Qarxiyeyaasha madaafiicda ee Ethiopia u gacan galay iyo umuuro badan oo taariikhda ku cadbana waxaa lagala xisaabtami doonaa cidda gacanta u gelisay, oo wakhtigeeda ayaa lala sugayaa, waxdambe oo la iska saamaxayaana ma jirto, dulqaad soo dhamaa, arimahan raga ku kacayna waa khaayinul wadaniin.


Mahadsanidin

Mohamed Hussein Roble
roble4@gmail.com

No comments: