Thursday, July 12, 2007

Shirguddoonka Wakiillada Oo Ku Dhawaaqay In Aan Goluhu Sii Wadi Karin Hawlihii Loo Soo Doortay

(Waridaad) - Shirguddoonka Golaha wakiilada, ayaa markii u horreysay ku dhawaaqay in aannu golahoodu sii wadi karayn hawlihiisii shaqo ee loo doortay, kadib markii ay caqabado iyo farogelin kaga yimaaddeen dhinaca xukuumadda Somaliland, sidaa darteedna ay waajib ku noqotay inay ummaddii soo dooratay u caddeeyaan in aanay sii wadi Karin gudashada waajibaadkoodii shaqo.

Guddoomiye-ku- xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada, Md. Baashe Maxamed Faarax, oo shalay u warramayey idaacadda madaxbannaan ee Radio Horyaal, ayaa markii u horreysay daboolka ka qaaday in aannu golahoodu sii wadi karayn hawlihiisii shaqo ee loo doortay, kadib markii ay caqabado iyo farogelin kaga yimaaddeen dhinaca xukuumadda Somaliland, sidaa darteedna ay waajib ku noqotay inay ummaddii soo dooratay u caddeeyaan in aanay sii wadi Karin gudashada waajibaadkoodii shaqo.

Md. Baashe waxa uu tilmaamay in xilligan Golaha Wakiillada ay xukuumaddu ku hayso farogelin ay ku carqaladaynayso habsami-u-socodkii hawl-maalmeedkii golaha, sidaa awgeedna ay lama huraan noqotay ay shacbiga u soo bandhigaan in aannu goluhu sii wadi Karin xilkii loo doortay. Waraysigaas oo Guddoomiye-ku- xigeenka wax lagaga weydiiyey dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin; arrimaha cusub ee ku soo kordhay golahaa, khilaafaadka sharci ee u dhexeeya Wakiillada iyo xukuumadda, hawlaha golahooda u yaal iyo xidhiidhka wadashaqayneed uu dhexeeya xukuumadda, waxa uu u dhacay sidan:

Su'aal: Guddoomiye; golaha saaka (shalay) waxaa ka dhacay buuq, kaas oo sida niman xildhibaan ahi noo sheegeen ka dhashay mudanayaal codsanayey in la kordhiyo kalfadhiga si uu goluhu u shaqeeyo, taana aad adigu aad joogisay arrintaasi ma jirtaa?

Jawaab: Anigu ma joogin, waxay keeneen mooshin ah in la kordhiyo kalfadhigii golaha, waanad ogtihiin oo wakhtiga caadiga ah ee goluhu furan yahay kama soo xaadiraan, markaa sabab hadda lagu kordhiyo oo noo taalaa ma jirto, haddii la kordhinayna marka maalinta Sabtida la gaadho ee kalfadhigii hore dhammaanayo, ayaa mudanayaasha la waydiin lahaa in la kordhiyo iyo in la xidho. Ee arrintani waa buuq loogu talo galay in aanu golahani shayn.

Sii akhri maqaalka

No comments: