Tuesday, August 14, 2007

Booqashadii Xabsiga Madheera

(Waridaad) - Ref/SHURO-Net/ 0306 /07 Date: 13/08/07

UJEEDO: Xukuumada Somaliland & Tacadiyadda Xuquuqda Masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran oo u baahan in la joojiyo.

Isku-xidhka heer qaran ee ururada xuquuqda aadamiga Somaliland (SHURO-Net) waxa ay u heegan yihiin ilaalinta iyo kor u qaadidda xuquuqda aasaasiga ah ee aadamiga,iyagoo ka amba qaadaaya Shareecada Islaamka,Destoorka dalka iyo Baaqyada Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga.

Isku xidhka ururada xuquuqul aadamaha heer qaran ee kulmisa dhamaan ururada xuquuqda aadamiga Somaliand oo si feejigan oo taxadar badan isha ugu haysa guud ahaan waayaha xuquuqda aadamaha dalka, gaar ahaanna xadhiga sharci darrada ah ee lagula kacay masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran ,ayaa waxay aad iyo aad uga walaacsan yihiin xukuumadda Somaliland oo beryahan dambe si joogto ah u caadaysatay ku tacadiga xuquuqda iyo xoriyadaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta Somaliland.

Madax ka socota isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga Somaliland (SHURO-Net) ayaa booqasho xaqiiqo raadin ah ku tagtay xabsiga Madhaara maalintii Arbacada,booqashadan oo uu suurto galiyay komshinka qaranka ee xuquuqda aadamiga Somaliland, ayaa waxay kulan laba saacadood qaatay la yeesheen sadexda gar-sugayaal ee kala ah ,Maxamed Abdi Gaboose,Maxamed Hashi Elmi iyo Jamaal Caydiid Ibrahim.

Masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran ee ku sugan xabsiga Madheeraa ayaa walaac aad uwayn ka muujiyay xaalada siyaasadeed ee uu maraayo dalku iyo xadhiga sharci darrada ah ee ay xukuumaddu kula kacday, iyagoo habayaraatee aanay jirin wax dambi ah oo ay galeen.
Garsugayaashan oo nafsiyaadkoodu aad sareeyeen ayaa ku tilmaamay xadhigooda mid baalmarsan destoorka dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.

Isku-xidhka ururada xuquuda aadamiga Somaliland (SHURO-Net)waxay xogagaal u yihiin inay xukuumaddu kula kacday garsugayaasha ficilo lafjab ku ah xuquuqda aasaasiga ah ay dammanad qaadeen destoorrka dalka iyo baaqyda caalamiga ah ee xuquqda aadamiga, sidaa waxaa noo xaqiijiyay masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran oo tilmaamay inay xukuumaddu ilaa hadda aanay usheegin dambiga lagu soo eedeeyay ,islamarkaana ay xukuumaddu adkaysay booqashadii ay garyaqaanadu iyo eheladoodku ku soo booqan lahaayeen xabsiga, sidoo kale maxaabiista ku xidhan xabsiga Madheera ayaa dhib weyn kala kulmay booqashadii ay soo booqan jireen eheladoodu kadib markii ay xukuumaddu adkaysay booqashada masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran, taasoo saamayn ku yeelatay maxaabiistii kale ee ku xidhnayd xabsiga.

Isku-xidhka heer qaran ee xuquuqda aadamigu waxay aad uuga walaacsanyihiin sida ay xukuumadu uula dhaqantay garsugayaasha urur siyaasadeedka qaran,iyadoo ka soo qaaday inay dambiilayaal yihiin, iyadoo aanay jirin ilaa hada wax dambi ah oo maxkamad horteed kaga cadaaday, taasina waxay si cad uuga soo horjeedaa qodobka 26 faqrasiisa sadexaad ee destoorka dalka ,kaa soo odhonaaya,eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi.
Masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran,waxay u xaqiijiyeen difaacayaasha xuquuqda aadamiga inay iyagu markasta diyaar u yihiin wixii dan u ah shacbiweynaha reer Somaliland, islamarkaana ay ka soo horjeedaan abaabulka sumcad ka dilista ah iyo aflagaadada ay wado xukuumadda Somaliland,taasoo ah mid baalmarsan qodobka 24(3) ee destoorka ,kaa soo odhonaaya .Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in Ia xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed
Koormeerayaasha xuquuqda aadamiga SHURO-Net oo baadhitaan qotodheer ku sameeyay kiiska lagu xidhay masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran, ayaa waxay ogaadeen in xukuumaddu kordhisay haytnta garsugayaasha, iyadoo habayaratee aan horkeenin maxkamed,sharci ah, islamarkaana aan la ogaysiin garsugayaasha,sidoo kale waxay xukuumaddu si cad u jabisay qodobka 9(2) ee heshiiska caalaqmiga ah ee ICCPR kaa soo odhonaaya, qof kasta oo la xidhay waxa uu xaq u leeyahay in loo sheego isla wakhtiga xadhigiisa sababta loo xidhay, sidoo kale waxa uu xaq u leeyahay in lagu wergeliyo sida ugu dhakhsaha badan eedaha dembi ee loo haysto.

Masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran ayaa walaac wayn ka muujiyay guud ahaan nidaamka garsoor ee Somaliland gaar ahaanna garsooraha ka garnaqaaya kiiska lagu soo eedeeyay garsugayaasha,waxayna si adag u dureen garsooraha kiiskan gacanta ku haya, iyagoo ku tilmaamay inaanu ahayn dhexdhexaad.

Waxa kale oo uu xaqiijinayaa Isku-xidhka Xuquuqda Aadamiga Somaliland iyagoo taageeraaya warbixinta ay dhacdadan ka soo saartay hay’ádda caalamiga ah ee Amnesty International in aanay galin garsugayaashu fal dambiyeed ay ku mutaysan karaan xadhig, aanu ka dhalanna olalaha ay wadeen rabshado iyo qalalaase toona,waxa ay wadeenna uu ahaa uun abaabulka siyaasadeed ee uu damaanad qaaday destoorka Somaliland ,waxayna tixraaceen xisbiyada qaranka ee hada jira ,kuwaa soo iyagu laftoodu abaabulkan oo kale waday intii aan loo diiwaan galin urur siyaasadeed.

isku-xidhka urura xuquuqda aadamiga Somaliland (SHURO-Net)waxa uu si adag u cambaraynayaan xadhigii sharci darrada ah ee lagula kacay Maxamed Cabdi Jibril iyo Caaqil Abdirahman Cawaale Ogle, ku waasoo loo taxaabay xabsiga mandheera oo ku yaal jidka u dhexeeya Hargeisa/Berbera, xabsigaasi oo 93 Km dhinaca waqooyi bari ka xiga caasimada Hargeisa.

Gudida nabadgalyada oo ah guddi aanu sharcigu ogolayn, ayaa xabsiga u dirtay labadan oday ,30 July kadib markii ay ka hadleen xadhiga masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran,labadan maxmuus ayaa ilaa hadda aan la horkeenin wax maxkamad ah,islamarkaana aan loo ogolaanin inay arkaan eheladooda sida ay noo xaqiijiyeen kormeerayaal katirsan isku-xidhka urura xuquuqda aadamiga Somaliland.
Isku-xidhka Heer Qaran ee Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland (SHURO-Net), waxa uu aad uga warwarsanyihiin xadgudubyada xuquuqda aadamiga ee sida joogtada ah ay u gaysanayso xukuumada Somaliland iyo wada shaqayn la’aanta goloyaasha qaranka taasi oo marka lagu daro khilaafka adage ee kadhashay miisaaniyadda qaranka, dhismaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo xadhiga masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran waji gabax ku ah geedi socodka nidaamka curdinka ah ee dimuquraadiyada jamhuuriyadda Somaliland.
Isku-xidhka urura xuquuqda aadamiga Somaliland (SHURO-Net) waxay xukuumadda ugu baaqaysaa.

In si dhakhso ah xorriyadoodii loogu soo celiyo garsugayaasha urur siyaasadeedka qaran iyo labada oday ee ay gudida nabadgalyadu haysato, hadii ay dambi galeenna la horkeeno maxakamad sharci ah oo madaxbanaan.

In ay xukuumaddu ka fogaato siyaasadda ku jiqsii taa soo ay baryahan dambe caadaysatay,kuna dhaqanto siyaasadii ay ku caanamaashay jamhuuriyada Somaliland tan iyo markii ay gooni isutaagtay,taa soo ah isutanaasul,isafgarad,wadatashi iyo waxwadaqabsi.

In ay xukuumaddu ixtiraamto dhawaaqyada ka soo yaadhaya shacbiwaynaha reer Somaliland kuwaa soo xukuumadda ugu baaqaya in lasiidaayo madaxda sare ee urur siyaasadeedka qaran iyo labada maxbuus ee kale.

In ay xukuumaddu ilaaliso xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadininta ,ayna ka fogaato sifo kasta oon sharci ahayn ooy masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran ku waayi karaan inay ka qayb galaan doorashooyinka loo qoondeeyay inay ka dhacaan dalka Somaliland.

In lasameeyo guddi dhexdhaxaad ah oo ka madax bannaan sadexda gole ee qaran iyo xisbiyada, ku waa soo u hawlgala isusoo dhawaynta galayaasha qaranka.

In sida uugu dhakhsaha badan loo dardar galiyo xeerkii garsoorka iyo maxkamdaha,ladhisana garsoor madaxbanaan oo caadil ah.
Ugu dambaytii waxaanu uugu baaqaynaa muwaadiniinta reer Somaliland in xukuumadda lagu taageero wixii wanaaga iyo horumar ah ee ay wado ,wixii xadgudub ah ee ay ku kacdana la saxo,iyadoo aan ladhaafayn sharciga iyo habdhaqanka suuban ay ku hanaqaaday jamhuuiyada Somaliland.

Zamzam Abdi Adan
Gudoomiyaha SHURO-Net

Agaasimaha Fulinta SHURO-Net
Mubarik Ibrahim Aar

Office Telephone: 252 2 517269/ 252 24112633/252 2 4409125/25224481219

E-mail: http://us.f519.mail.yahoo.com/ym/Compose?To=slhumanrights-net@hotmial.com

No comments: