Tuesday, August 14, 2007

Madaxweyne Riyaale oo shaqada ka joojiyey labadii xubnood ee Komishanka iyo Garnaqsiga Shirguddoonka wakiillada

(Waridaad) - Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa la sheegay inuu shaqada ka joojiyey labadii xubnood ee Guurtidu u soo magacawday Komishanka, balse, Golaha Wakiillada ka waayey codkii ansixinta.

Labadan xubnood oo uu Madaxweyne Riyaale Dikreeto ku hawlgeliyey si ku-meel-gaadh ah, markii Komishanku xilka la wareegayey, si rasmi ah daboolka loogama qaadin shaqo ka joojintooda, balse, waxa la ogaadey in aanay xarunta Komishanka u shaqa-tegin dhawrkii maalmood ee u dambeeyey.

Warar laga helay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in tallaabadan Madaxweyne Riyaale shaqada kaga joojiyey labada xubnood ee aan la ansixin ay ka dambeysey dhexdhexaadinta ay bilaabeen Ergo ay horkacayaan labada Abwaan ee caanka ah, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), ergadaas oo wadahadallo ay la yeesheen labada dhinac ee khilaafka adagi ka dhextaagan yahay – Madaxweynaha iyo Shirguddoonka Wakiillada – ay sababeen in dib loo dhigo muddo toddobaad ah kalfadhigii aan caadiga ahayn ee maanta u furmi lahaa Golaha Wakiillada.

Wararku waxay intaas ku dareen in Shirguddoonka Wakiilladu, wadahadalkii ay la yeesheen Ergada dhexdhexaadinta ay shardi ka dhigeen waanwaan ay la galaan Madaxweyne Riyaale in marka hore uu shaqada ka joojiyo labada xubnood ee Komishanka ee Dikreetada ku hawlgeliyey iyadoo aan golaha Wakiilladu ansixin iyo in Madaxweynuhu ogolaado in la dhaariyo Shanta xubnood ee Goluhu ansixiyey, si ay rasmi ahaan ugu hawlgalaan.

Xubno ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Somaliland.org u sheegay in labadaa xubnood aanay u soo shaqa tegin xafiiska intii ka dambeysey maalintii Komishanka cusub oo isu dhan, (7da xubnood – 5 Golaha wakiilladu ansixiyey iyo 2 aan la ansixin) ay la wareegeen xafiiska toddobaadkii hore. Waxayna sheegeen in aanay soo gaadhin warqad rasmi ah oo shaqada lagaga joojiyey xubnahaas, isla markaana burinaysa Dikreetadii Madaxweynuhu ku hawlgeliyey xubnahaas oo qoraal lagu siiyey xubnaha la ansixiyey ee Komishanka.
Hase yeeshee, warar u dhuundaloola Komishanka ayaa sheegay in Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Komishanka ay Madaxtooyadu ku wargelisey keliya, in labadaas xubnood ay dibadda ka joogayaan hawsha komishanka, inta la horgeynayo Golaha Wakiillada, si mar kale cod loogu qaado, farrintaas oo la sheegay in aanay qoraal ahaan ku soo gaadhin xarunta Komishanka, balse, telefoon looga soo sheegay.
Ergada iyo Garnaqsiga Shirguddoonka:

Ergada dhexdhexaadinta ee ay hoggaaminayaan labada Abwaan ayna ka mid yihiin qaar ka mid ah culimada waaweyn iyo xubno ka socda ururrada Bulshada Rayidka ah, sida Dr. Aadan oo madax ka ah hay'adda ICD iyo Maxamed Siciid Gees oo isna madax ka ah, Akadeemiyada Nabadda, waxa la sheegay in ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen shirguddoonka Wakiillada iyo Madaxweyne Riyaale, labada dhinacbana ay aqbaleen dhexdhexaadinta.

Shirguddoonka Golaha Wakiilada ayaa la sheegay inay u qaddimeen ergada garnaqsi ballaadhan oo ku saabsan turxaanta kala dhexjiifta xukuumadda iyo Golaha tan iyo markii golaha la soo doortay.
Shirguddoonka Wakiillada ayaa la sheegay in ay ergada u sheegeen in aanay arrintu ku koobnayn uun labada arrimood ee hadda khilaafku ka taagan yahay ee Miisaaniyadda 2007 iyo labada xubnood ee Komishanka, balse, ay weli yaallaan khilaafkii mudda kordhinta Guurtida, heshiisyada caalamiga ah ee xukuumaddu gasho oo aan mid keliya la horkeenin golaha si uu u ansixiyo, barnaamujka xukuumadda oo ay tahay in golaha laga ansixiyo, talada iyo dalka oo aan Shirguddoonka Wakiilladu waxba ka ogeyn iyo arrimo badan oo ku saabsan awoodaha dastuuriga ah ee Golaha.

Dhinaca kale, lama oga waxa Madaxweyne Riyaale uu doonayo inuu ku garnaqsado, balse, waxa la sheegay inuu Ergada siiyey kalsooni qoraal ah.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.
E-mail: dubad@Somaliland.com

No comments: