Thursday, August 16, 2007

Danbiile, doorasho ma isu-taagi karaa?

(Waridaad) - Xukuumadda Riyaale, waxay la soo baxday hab-cusub oon mandaqadda hore loogu arkin. Waxay "saaxadda siyaasadda" ku soo biirisay xirfaddo iyo shirqoolo ay ku cabudhiso ciddii damac siyaasadeed is tidhaahda yeelo.

Xukuumadda Riyaale waxay caadaysatay inay dastuurka inta ay jeceshay kala baxdo, inta kalena ay indhaha ka rogato. Waxay ka soo qaaday ummaddii dooratay, waxaan jirin, qayla dhaankooduna aanu ku salaysnayn wax micno ku fadhiya.

Baaqyadda isdaba jooga ah ee gude iyo debadba ka soo qulqulaya, waxay ka doorbiday inay dhagaha ka daboolato, kuna canbaarayso inay yahiin kuwo khal-khal & bur-bur doon ah, ciddii ka hadasha.

Iyadoo aynu oganahay danbiga lagu soo oogay masuuliyiinta Qaran inuu yahay mid sharciga baal marsan, haddana waxaa is waydiin leh maxaa ku kalifay xukuumadda xabsigan deg-dega lay-sugo taxaabaayo.

Sidda aynu ka dharegsanahay, xukuumadda Riyaale, marka ay xadhig ku soo oogto ciddii ay u aragto inay danahoodda gaarka ka hor imanayaan, xabsi bay la tiigsataa, ka dibna waxaynu maqalaa cafis baa madaxweynahu u fidiyey dambiilayaashii oo waa la saamaxay.

Tana kuwii hore saansaantooddii bay leedahay. Haddaba, maxay kaga duwanaan-kartaa tani kuwii hore?. Sidda la filayo xukuumaddu waxay ku dhex xukumaysaa masuuliyiinta Qaran, xabsiga dhexdiisa, ka dibna siddii looga bartay xukuumadda Dahir Riyaale, cafis baa loo fidinayaa.

Dadka qaar baa u qaadanaya, mar haddii ooda laga rogay mawaadiniintii danbi la'aanta lagu xidhay, ummadduna ka ahayd daawadayaasha, so tolow halkooddii kama sii wadanayaan hawshoodii?

Maya, ma sii waddanayaan, ee waa danbiilayaal, ayey xukuumaddu isla soo taagaysaa.

Dastuurka waddanka u yaalaa waxuu qeexayaa, haddii qof danbi ka galo waddanka inaanu isu-taagi karin doorasho, xil dawladeedna qaban karin. Halkaana waxaa ku dhamaanaya wixii damac siyaasadeed ee ay lahaayeen oo idil. Kuwa daba socdana tusaale looga dhigayo.

Haddaba, su’aasha meesha taalaa waxa weeyey, sidan danbiile ma lagu noqon karaa? Kol haddii la baal maray sharcigii waddanka u yaalay. Yaase garsoore ka noqonaya? Ma golayaasha, qaar-iibka yahiin, ma asxaabta mucaaridka ah ee ilkihii laga guray intii kalena sii daadanayso, ma maxkamadda shandada lagu sito ee jeebadda Riyaale ku jirta, mise ummaddaa, iska qaban.

Waa su'aal furan, ciddii u haysata inaanay khusayna ha sugaan doorkooda.

Waridaad Media Centre

No comments: