Friday, August 17, 2007

Wasiir Fu'aad Adan Cade oo ka hadlay colaada ka aloosan goobo ka mid ah gobolka Sool

(Waridaad) - Hargaysa - Wasiirka Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Md. Fu’aad Aadan-cadde, ayaa ka warbixiyey xaaladda dagaal culus oo shalay laba beelood ka kala tirsan beelaha Dhulbahante iyo Majeerteen ku dhexmaray degaanka Taleex oo ka tirsan Gobolka Sool.

Md. Fu’aad oo Jamhuuriya shalay uga xog-warramayey xaaladda shaqaaqadaas, ayaa sheegay in dagaalkii ugu cuslaa uu shalay ka bilaabmay afar aag oo ka mid ah degaanka Taleex, isaga oo arrimahaa faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Markii hore waxa dilay nin xaggeena ah reer Somaliland oo reer Taleex ah, nin-na waa la dhaawacay, ninka la dilayna beertiisii baa lagu dilay, ninka la dhaawacayna isagoo Garoowe dhexmaraya baa la toogtay, sababta ninka dambe loo toogtayna waxay ahayd nin caaqil ah ayaa laga qabtay, dabadeedna Chief Caaqilka oo la yidhaa Ismaaciil Waddaad oo reer Taleex ah baa halkaa ka cararay oo ninkii waa la sii daayey.

Hadal iyo dhammaantii; nimanku biyihiina dadka way ka fadhiisteen taknikana way wataan, xataa gaadiid dhawaan UNDP siisay bilayska oo qoryihii saaran yihiin oo Puntland leedahay baa dagaalka ku jira, kabacdi markii biyihii fadhiisteen oo dhulkii dhan isku gadaameen, dagaalkii saakuu [shalay] si fiican u bilaabmay, weerarkiina afar meelood ayuu ka socdaa. Waxaanna la doonaya in dadka dhulka degan laga qaado, iyana maanta niman u diyaar ah in dhulkoodii xoog lagaga qaato maaha.”

Waxaannu Wasiirku intaa ku daray; “Somaliland intii hore dhan waad ogtihiin dawladdu waxay jeceshahay dhulka dagaallada intii la baajin karo in la baajiyo, laakiin haddii dagaalkii la innagu khasbay oo Majeerteen iyo Puntland-ba u dhan yihiin waxay taladu noqnaysaa bal dadka wixii macaawino loo gaysan karo in la isku dayo.”

Wasiirka oo sifaynayey cidda ilaa hadda dagaalku u dhexeeyo, waxa uu yidhi; “Runtii ilaa hadda dhinaceena waa beel, waa beesha Dhulbahante oo niman Nuur Axmed la yidhaa oo Taleex dega ayey u khaastahay, dabcan Dhulbahantihii kalena gurmadka wuu galay, laakiin dawladda Somaliland wali ma galin. Xaggaa waxay iyaguna leeyihiin beel baannu nahay, laakiin waxa haddana hubaal ah in tiknikadii dawladda Puntland ay ku jirto oo ay dagaalkii wado, markaa sida jaraa’idka qaarkii u qoreen waa beel iyo maamul isku jira.”

Md. Fu’aad Aadan Cadde, waxa uu talo ahaan dhiniciisa hawlgalkan dagaal kaga arrimin lahaa, waxa uu ku jawaabay; “Horta waxaa la yidhaahdaa khayr waxba kuma yeelee shar u toogo hay, iminka quruf-qurufta iyo dhulka la qabsaday iyo waxaasi muddo door ah ayey hadda socotay, tallada dawladda Somaliland-na waxa weeye in marka hore nabad la daariyo, waayo cid dhimata iyo dhiig la daadiyo wax khayr ah oo ku jiraa ma jiraan, laakiin mar haddii dagaalkii bilaamay dee sidii dadka wax looga celin lahaa waa loo baahan yahay, haddaan labada xoog sinayna oo qolana dawladdi la joogto, qolana ay tabayaan, dee markaa nabadi ma imanayso, laakiin mar haddii labadii dhinac simanyihiin nabadi way imanaysaa, waayo waxaa la yidhaa, ‘Qaniinyo qaniinyaa kaa reebta,’ markaa maadaama uu afar meelood oo ballaadhan uu dagaalkaasi ka socdo, dee dadkaa in shicib iyo dawladdba in wixii loogu hiilin karaba loogu hiiliyo ayaan anigu ku talin lahaa.”
Wasiirka oo ka jawaabayey mar la waydiiyey bal deegaan ahaan dhulkan la isku dilayo halka ay dhacaan, waxa uu yidhi; “Afartan gooboodba waa gudaha Somaliland inta badan waliba.”

Sida oo kale, Guddoomiyaha Gobolka Sool, Mr. Cali Maxamuud Axmed (Sandule) oo Jamhuuriya xalay cawayskii khadka telefoonka kula xidhiidhay isaga oo ku sugan caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay in malleeshiyada Majeerteen ee duullaan ahaa dib loogu celiyey goobahooda, balse waxa uu ka gaabsaday in uu sheego khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, taas oo uu sabab uga dhigay degaanka oo fog awgeed oo aannu ilaa hadda war rasmi ah ka hayn.

“Nimankaa soo duulay gobolka ayaa ku filan oo dib baannu u durkinay, mooralkayaguna wuu wanaagsan yahay, waxaanay ujeeddadoodu tahay dhul-ballaadhsi ku doonayaan inay ku qabsadaan dhulka shidaalka leh, annaguna yeeli mayno ilaa ay ka gudbayaan xuduudka Somaliland,” ayuu yidhi Cali Sandule, waxaannu ugu digay malleeshiyooyinka Majeerteen inay iyagu dusha ku qaadan doonaan wixii khasaare ah ee ka yimaadda dagaalka, isla markaana ay xukuumadda Somaliland ka aqbashay maamulka Gobolka Sool talooyinkii ay u gudbiyeen, una ballanqaaday inay hiil iyo hooba la garab taagan tahay.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: