Tuesday, August 21, 2007

Guddida Dhexdhexaadinta oo Caawa ku dhawaaqay Go'aamo ay ka gaadheen khilaafaadka taagan

(Waridaad) - Ergadii dhexdhexaadinta khilaafaadka Golayaasha iyo kuwa siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa caawa goor dhoweyd ku dhawaaqday go'aamo ay ka gaadheen arrimihii khilaafku ka taagnaa.
Guddidu waxay soo saareen go'aamo saddex qodob ah iyo soo jeedimo ay caawa kaga dhawaaqeen kulan lagu qabtay Madaxtooyada.

Go'aamadaasi, waxay kala yihiin:

  1. In Golaha Wakiillada mar labaad la horgeeyo labadii xubnood ee Guurtidu Komishanka u soo magacawday oo loo codeeyo.

  2. In Miisaaniyadda loogu dhaqmo sidii Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen.


3. iyo In saddexdii siyaasi ee la xidhay la sii daayo, xorriyadoodii siyaasadeedna la siiyo, arrinka ay ku doodayaanna lala eego, iyagoo debedda jooga. Waxaa iyagana laga rabaa in aanay gelin abaabul nabadgelyada wax yeela.

Guddidu waxa kale oo ay soo jeediyeen arrimahan:

  • Waa in xukuumaddu horgeeyo Golaha Wakiillada heshiisyada ay waddamada iyo sharkadaha caalamiga ah la gasho.
  • Xukuumaddu waa inay xisaab-xidhka wakhtigiisa u soo gudbiso Golaha Wakiillada.
  • Xukuumaddu waa inay Golaha Wakiillada u soo gudbiso barnaamujkeeda siyaasadeed wakhtiga ku haboon.
  • Madaxweynuhu waa in uu Golaha ka akhriyo qudbadda Distooriga ah ee sannadka.
  • Qofkii la xidhayo waa in loo maro sifo sharci ah.

Guud ahaanba waa in cid walba lagu ixtiraamo awoodda Dastuurku siiyey.

Magacyada xubnaha Guddida:

1 -Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

2- Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
3- Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
4- Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre
5- Sheekh Yuusuf Aadan Maxamed
6- Maxamed Siciid Gees
7- Prof. Saleebaan Axmed Guuleed
8- Dr. Aadan Yuusuf Abokor
9- Siciid Axmed Maxamuud

Go'aanadan waxa uu guddidu soo saaray kadib markii ay dhegeysteen dood fool-ka-fool ah oo maanta ay arrimahaas ka yeesheen Guddoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah, Shirguddoonada labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada iyo Madaxweyne Riyaale, kulankaas oo ka dambeeyey kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen dhinacyada oo dhan.

Sidee loo aqbalay Go'aamadaas:

Guddida dhexdhexaadinta oo hawshooda bilowday horraantii bishan, waxay dhinacyada oo dhami siiyeen kalsooni buuxda inay aqbalayaan wixii ay soo saaraan.


Isla markaana, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo xafladdii caawa lagaga dhawaaqay go'aamada ka hadlay ayaa sheegay in dhinacyada oo dhami ay aqbaleen go'aanka, laguna guuleystey dhexdhexaadintii. Waxana uu sheegay in go'aamadaas intii aan la shaacin ka hor caawa la soo dhexdhigay dhinacyada oo dhan, si buuxdana ay isula qaateen.


"Dhinacyadii kale ee aanu dhexdhexaadinayney inay si raganimo leh, isku kalsooni ku jirto, daacadnimo ku jirto inay go'aamadii nooga aqbaleen, " ayuu yidhi Hadraawi.


"In la is wada salaamay oo si kal iyo laab ah oo loo wada aqbalay, turxaan badan oo jirtey ay baxday laga bilaabo caawa oo is afgarad, wada shaqayn iyo wada ilaalin danta guud ee dalka iyo dadka in sidaa lagu heshiiyey uun baan doonaynaa inaan caawa idiin sheegno, " ayuu raaciyey Hadraawi.


C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.


E-mail: dubad@Somaliland.com

No comments: