Sunday, August 19, 2007

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo Xukun isugu jira xadhig iyo xayiraad ku riddey siyaasiyiinta ururka Qaran

(Waridaad) - Mandheera - Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa midkiiba 3 sannadood iyo 9 bilood oo xadhig ah ku xukuntay Saddexda siyaasi ee hoggaanka ururka Qaran.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, guddoomiyaha ururka Qaran, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee ururka iyo Jamaal Caydiid Ibraahim, waxa kale oo ay maxkamaddu ku xukuntay in aanay 5 sannadood ka qaybgeli karin tartanka doorashooyinka, waxayna xayirtay ururka Qaran.

Maxkamadda oo maalintii labaad u fadhiistay dhegeysiga dacwadda, ka hor intii aanu Garsooruhu ku dhawaaqin Qaraarka, waxay dhegeysatey cajalad Fiidiyow oo Xeer Ilaaliyuhu caddayn ahaan u horkeenay Maxkamadda, taas oo ahayd mid laga duubay fagaarihii xaafadda Axmed Dhagax ee siyaasiyiintaasi kala hadleen dadweynaha xaafaddaas iyo joornaallo ay wax ku qoreen.

Waxana uu Xeer Ilaaliyuhu u soo daliishadey caddaymahaas in dembiga loo haysto siyaasiyiintaasi uu yahay dembi ciqaabeed. Waxa kale oo uu ku eedeeyey in ay sameeyeen amar diiddo, kadib markay sii wateen ololahooda iyo dhaqdhaqaaqyadooda siyaasadeed, iyaga oo iska dhegatiray amarkii iyo digniintii Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Siyaasiyiinta la xukumay ayaa ku gacan-saydhay maxkamadda iyo go'aankeeda, iyaga oo dalbaday in arrintooda loo gudbiyo Maxkamadda Sare.

Xukunkan Maxkamadda oo lagu dhawaaqay 12:10 daqiiqadood wakhtiga Hargeysa, waxa uu ku soo beegmay, iyada oo Ergada dhexdhexaadinta Khilaafaadku ay markii u horreysey kulan isugu keeneen hoggaamiyayaasha xisbiyada Mucaaridka ah, Madaxweynaha iyo Shirguddoonada labada Gole, isla markaana arrimaha dalka ka taagan ee laga wadahadlayo ay ugu horreeyaan xadhiga siyaasiyiinta Qaran iyo xadgudubyada xukuumadda ee sharciga.

C/risaaq M. Dubbad,

Hargeysa, Somaliland

E-mail: dubad@Somaliland.com

No comments: