Wednesday, August 08, 2007

HOGGAANKA DALKA MA XUSUUSTAA KA LUNTAY

(Waridaad) - Waxa muuqata talada ka soo baxaysa hoyga looga taliyo Soomaaliland eek ala ah talooyin, baaqyo iyo tilmaamo ay yihiin qaar is-burinaaya, mid macaan yahay, kana ka danbeeyaa qadhaadh yahay, mid wanaag doon yahay, kan xigaa xumaan raadis, distoor tuur, iyo qaran dumis ah. Waxaad is odhan kartaa waxaa Madaxtooyada ka lumay xusuustii. Waana arrin dhacda oo laga soo sheegay madax badan oo dunida ah iyo qaar aan xilba haynin. Shakiga waxa si hawl yar loo arki karaa Isniintii iyo Thalaathadii warsaxafadeedka iska dabo yimid.

Waxa maalintii isniinta 6/08/07 ka soo baxay war madaxtooyadu ugu yeedheyso Golaha Wakiilada shir aan caadi ahayn si xishmad iyo maamuus mudan, iyo inay u yimaadaan sidii xal loogu heli lahaa 1- Khilaafka miisaaniyadda 2- Khilaafka Guddiga Doorashooyinka. Isla maalintii xigtay waxa loo yeedhay Guddigii Doorashooyinka oo ay ku jiraan labadii Wakiiladu diideen inay ansixiyaan, waxaanu Madaxweynahu u sheegay inay hawshooda iyagoo wada dhan bilaabaan.. Waxa is weydiin leh waa maxay ujeedada Wakiilada loogu yeedhay. Sow ma aha xaalad abuur, lagaga cadhaysiiyo Golaha, sharaftoodana la wiiqo, iyo in arrin aan sharci iyo nidaam midna ku dhisnayna la qabad siiyo masiirka ummaddan dawladoodu jaahwareerka iyo qaska ula badheedhay.

Waxa xusid mudan in Madaxweynahu adeegsanaayo qodob distoor oo aad uga fog waxna la wadaagin Guddiga Doorashooyinka iyo Doorashaba. Waxaan in badan maqalay xikmadda tidhaahda cudurka fardaha gala, ee dameeraha laga gubo. Arrin tan kaga habbooni ma jirto. Bal anigoon waxba ku talaxtegin, aan maxkasda muwaadinka u soo bandhigo iyadoo ah nuqul xaraf xaraf ah u soo gudbiyo qodobka 114naad ee Madaxweynahu sida guracan ee badheedhka ah u ageegsanaayo.

DISTOORKA QODOBKA 114NAAD; MAGACAABIDDA IYO XIL-KA-QAADISTA MADAXDA HAY’ADAHA

1- Magacaabista Xeer-ilaaliyaha Guud, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Guddoomiyaha Guddiga Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, iyo Hantidhowrka Guud, waxaa soo jeedinaaya Guddoomiyaha Golaha Xukuumadda, waxaana oggolaanaaya Golaha Wakiilada ka hor intaan la dhaarin.

2- Waxaa xilka ka qaadi kara Madaxda qodobkan ku sheegan Madaxweynaha oo Keliye.

3- Masuuliinta qaranka ee distoorku waajibiyey in la ansixiyo, si ku meel gaadha ah, xilka uma hayn karaan muddo ka badan seddex bilood.
Haddba waxa la yaab leh in qodobkaas sida cad u xadidaaya cidda loo jeedo oo ah ha’ad dawladeed oo madax banana, oo ah kuwa distoorku sheegay. Guddiga Doorashooyinku ma aha hay’ad dawladeed. Waa dar meelo kala duwan laga soo xulay, loona jeedo inay noqdaan dar si durugsan uga madax banana golaha fulinta.

Guddiga Doorashooyinka marna laguma sheegin Distoorka , waxa lagu aasaasay sharci ay dejiyeen Golaha Wakiiladu Sharciga No. 20 ee Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka. Waa maxay sida indho-la’aanta ah ee Madaxweynahu u adeegsanaayo qodobkan ku kooban hay’adaha distoorku sheegay….Mar kale akhri Qodobka 114naad (3). MASUULIINTA QARANKA EE DISTOORKU WAAJIBIYEY IN LA ANSIXIYO…….ogow inaan Guddiga Doorashooyinka distoorku sheegin, meelna ayna kaga jirin. Ogow waxa Guddiga Doorashooyinka lagu aasaasay Sharci Barlamaan number 20/2002.

Maxaad odhan kartaa badheedhkaas. Ma waxuu dabo joogaa qaladkii dhacay markii xilka Madaxweynaha loogu dhiibay geeridii Cigaal Allah ha u naxariistee dabadeed, ee sida cad uu ku sheegay xusuusqorkiisa Mudane Gees. Distoor jabintaas oo ay ku bohoobayn Gees, Cabdiqaadir Jirde, iyo Qaybe. Qof walibana wuu ogyahay in qodobkii sharciga ahaa ee lagu shaqayn lahaa xiliga ayna doorasho xor ihi dhicin, lagu bedeley kii loogu talagelay doorashada ka dib. Ma odhan kartaa Madaxweynahu waxuu aad u ogyahay inuu marar badan tan oo kale u meel martay. Maxaa se ugu wacan iyadoo sharciyadda uu kursiga ku fadhiyaa tahay mid salkeedu yahay qalad iyo gef ay galeen Golaha Guurtida iyo kii Wakiilada ee hore, inuu nabarkaas mar walba dib inoo xusuusiyo. Ma tahay wax dalka anfacaaya in awoodda qaranku qof keliya gacmaha u gasho, iyo inuu marba ninka xilka hayaa sida uu doono distoorka u fasilo, oo fadhiba loo diido, mid guurguura, macno badan oo wejiyo badan, mid qofku isu tolo oo uu isagu is-leykeysiiyo.

Waxa iyana is weydiin leh maxaa u dhexeeya xubnaha la ansexiyey, hadday la hawl galiyeen kuwa aan la ansexin. Sharafta iyo karaamada Guddiga Doorashadu se ma ku habbontay inay aqbalaan amar ka soo horjeeda distoorka iyo hawsha culus ee qaranku ka sugaayo.Waxa la gudboon xubnahu inay mas’uuliyadda ay qaadeen dhowraan, inay diidaan wax kasta oo ka dhan ah distoorka iyo sharciga No20/2002 ee iyaga lagu aasaaasay. Ha noqdaan dar ilaashada madax banaanida sharcigu siiyey, hana ka dheeraadaan inay noqdaan kubad madaxtooyada iyo Golayaashu ku ciyaaraan.

Maxay se labada oday ee sharafta mudani u dhowri waayeen danta qaranka. Hadday u soo badheedheen inay iyaga oo da’da sharcigu sheegay ka weyn u hanqal taagaan shaqadan, ma laga filayaa xaqsoor, ma se ka heli karaan qadarin shacbi weynaha og da’dooda sida saaxiibkood Cabdilaahi Fidaar sheegay. Waxaan odayaasha ugu baaqayaa inay qaranka badbaadiyaan, iyo inay sharaftooda dhowraan. Maanta waxa ay heli karamo, iyo wanaag aynu dhammaan ku xusuusano hadday ka tanaasulaan jagadan sida gardarada ah ugu badhi-taaraayo madaxweynahu. Waxaan maqlay in Mud. Muuse Madoobi doonay inuu iskiis uga hadho bal se uu ku dhaartay Madaxweynahu. Weli se waa mid u furan, magac iyo sharafna uu ku heli doono. Illaahayna khilaafkaas uu shakhsi ahaan u soo afjari karo ha garan siiyo, inaguna aynu dhammaan ugu baaqno, khaasatan saaxiibada labada oday.

Kol kale aan ku noqono qodobka 114 (1). Madaxweynahu waxuu leeyahy oo keliye soo-jeedin, ansixinta iyo ogolaanshaha waxa leh Golaha Wakiilada (In kasta oo qodobkani sina u khusayn Guddiga doorashooyinka). Waxaana ansixinta ku xigta dhaarinta. Haddaba halkuu Madaxweynahu ka keenay in la joojiyo dhaarinta kuwa la ansixiyey, iyo inuu hawl geliyo Guddi aan la dhaarin. Xusuuso in Madaxweyne Xigeenka oo xiligaas ahaa Madaxweyne uu amaray in shanta la ansixiyey la dhaariyo. Raaci taas isla baaqii Guddoomiyaha Guurtida ee taas taageeray. Maxaa hortaagan in Maxkamadda Sare waajibkeeda gudato oo shantan dhaariso, deedna hawsha la sii wado. Halkuu ka keenay Guddoomiyaha Maxka maddu inuu amar ka sugo Madaxtooyada. Kolka la ansixiyo waxa xigaa waa dhaarinta maxkamadda.

Muwaadin, mucaarid iyo muxaafidba, ma u guntanaa dalkeena u baahan dawlad sharcigu dabro, dawladda awoodda kala xadaysan dhaafin, qaran nabadda ku ilaaliya cadaalad. Dar u xor ah fikirkooda, u madax banana xisbiga ay raacayaan, iyagoon ka baqin in shaqada dawladda laga eryo. Ma helnaa Xeer-ilaalin waajibkeeda gudata, ma dhisnaa ciidan booliis oo sida distoorku amraayo dhaqan geliya sharciyadda barlamaanku ansixiyo, ee aan noqon mid ay farta ugu yeedhaan xubnaha ku jira Golaha fulintu.Ma helnaa Hantidhowr ilaaliya cashuurta laga soo uruuriyey dan-yarta inayna gelin jeeb shakhsi. Ma doonaa Banki Dhexe oo ka joojiya Golaha Fulinta ku tagrifalka miisaaniyad aan la ansixin iyo daabacaad lacag aan barlamaanku sharciyeen.

Gobal kasta oo aynu joogno, hawl kasta oo aynu hayno, iyo xisbi kasta oon taageerno, waxa aynu ku dhisi karnaa himmilooyinkeena kor ku xusan marka aynu isu taagno sharciga, marka aynu u gargaarno inta dulman, marka aynu ka naxno inta baahan, marka aynu run isu sheegno, marka kan qaldan reernimo lagu raacin, marka kan fiican reernimo looga tegin. Marka gobal kasta xaqiisa siino, marka dooda fikirka kala duwan soo dhoweyno, marwalbana raacno sharciga iyo inteena badani waxa ay garato. Dimuquraadiyadu ma aha in leys wado raaco. Waxa weeye in si siman qof waliba xaq u yeesho inuu fikirkiisa ka hadlo, in la helo xoriyad xisbiyadu ra’yigooda dadweyha u soo bandhigi karaan. Waana in la qadariyaa fikirka marba inta badani isku raacdo, isla markaas aan inta yar fikirkooda lagu tagoorin.

Maanta waxa cad in dhibaatada dalkeena taala, waajib ka dhegeyso inaynu dhammaan isu taagno xaqa. Balaayo madax la qabtey leedahay ee aan xanuunka bulsho ee bilaabmay dhakhso u daaweeyno. Aan ka foojignaano cawaaqib xumada ka dhalan karta dabar la’aanta masuulinta qaranku ku qardo jeexayaan dawga distoorka iyo sharcigu u baneeyey.Wadajir ayaa lagu badbaadin karaa qaranka Soomaaliland., cidina gaar uma leh, gobal ma leh, qabiil ma leh, qofna maba yeelan karo, waa dalkeenii, waa dadkeenii, waana danteena inaynu distoorka iyo sharciga u kacno. Taas ayaa sal u ah dawlad horumar siyaasi, bulsho, caafimaad iyo cilmiba dhalin karta. Cadaalad ayeynu dhammaan ka dhergi karnaa, wax kale oo ina kaafiyaa ma jirto.

Mahad Allah iyo Rajo Wacan

Ahmed Arwo

Cardiff, U.K

samotalis@gmail.com

No comments: