Friday, August 10, 2007

Shir Jara'iid oo qabtay Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax

(Waridaad) - Hargeysa (Jam)- Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka tirsan Guddiga Fulinta xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa muddo dheer markii u horreysay shalay ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalka iyo duruufaha qallafsan ee xilligan ku gedaaman Jamhuuriyadda Somaliland.

Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo hore u soo qabtay xilka Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ayaa shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay gurigiisa magaalada Hargeysa waxa uu kaga wararmay arrimo ay ka mid yihiin; xadhigga masuuliyiinta ururka QARAN, xukunka deg-degga ah, qabyotirka dastuurka, hawlgalinta xubnaha Komishanka doorashooyinka, murannada sharci ee ka dhex aloosan golayaasha iyo damaciisa siyaasadeed ee ku wajahan musharaxnimada doorashooyinka soo socda.

Cali waxa uu si kulul u dhaleeceeyey xadhigga masuuliyiinta urur-siyaasadeedka QARAN, kaas oo uu ku sifeeyey mid sharciga baalmarsan oo aan waqtigeedii la joogin, “Hoggaamiyayaasha QARAN oo ah rag siyaasadda ku caan ah, halgankiina qayb libaax ka qaatay oo qadarin dadkan iyo dalkaba ka mudan ayey ahaayeen, balse ta ugu darani waxa weeye arrinku ma taagnaa xadhig, mise ma taagnayn? Waxay ila tahay in arrinku taagnaa muran qodobo distoori ah oo loo baahnaa in laga wada tashado, la iska qanciyo lagana wadahadlo, ummadda horteedana loo codeeyo oo loo fasiro ciddii sax ah ama khalad ah,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.
Isaga oo arrintaa sii faahfaahinayeyna waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin in ay ururro ay samaystaan, xorriyadda dhaqdhaqaaqa, ta kulanka iyo ta dad isku yeedhista intaaba dastuurku wuu u bannaynayaa, waxa weeye xuquuq muwaadiniintu leedahay oo aasaasiya, haddii loo helayo xeer burinaya laga wada hadlo, la iska qanciyo, la isku sheego oo dood laga furo, laakiin may ahayn in xadhig laga bilaabo oo iyaga daaya’e dadka masaakiinta ah ee xukunka dagdag ah sara-joogga loogu xukumo ayaan xaq loogu lahayn, haddii taas la joojin lahaana uu Baarlamaankan iyo kii horeba diideen ee wali socda la joojin lahaa, kani ma dhacdeen, dalalka sidaas la isku xidhaana halkan oo kala maaha ee waa dalalka ma nin digtaari ah haysto ama xoog lagu qabsaday ee uu badheedhayo rajiimka haysta, hoggaamiyeyaashan QARAN qancin ayey lahaayeen ee xadhig marnaba may lahayn, hab-dhaqanka caynkaas ah haddii la isleeyahay ha lagu laabto oo halagu baqo been ayaa la isku sheegayaa, xukuumaddana been ayaa loo sheegay. Madaxweyne Rayaale waa riyo ayaan odhan karaa wixiisu. Xadhig, dil, ciidammo laga baqo, waxay ila tahay waxa innoogu filnayd intii dalkani soo maray dawladdii Siyaad Barre, hoggaamiyeyaashaa QARAN mar labaad waan canbaaraynayaa, waxaanan leeyahay ooda ha laga qaado oo xorriyadoodii si dhakhso ah ha loogu soo celiyo.”


Mar uu ka hadlayey qabyada ka muuqata distoorka waxa uu tilmaamay inay jiraan qodobo badan oo iska horimanaya, waxaannu soo jeediyey in wax-ka-beddel lagu sameeyo si looga baxo murannada iyo khilaafyada siyaasadeed ee dalku ku jiro xilligan, “Dastuurkeenu waa qabyo qodobo badan oo iska hor iyo daba imanaya ayaa jira oo u baahan cid dalka laxejeclo ka qabta oo madax ah oo garata in aanu dastuurkani anfacayn jiilasheena soo socda, haddii aan wax laga beddelin oo aan gacanta la saarin. Nasiib-darro, dadku markay maslaxad ku leeyihiin gaar ah nin waliba waxa uu ka doonayaa inta ugu jirta. Madaxtooyada oo kale waxay ka doonaysaa awooddaadaa ayaa la dhimayaa haddii la taabto, oo mooshin xil-ka-qaadis intii lagugu ridi lahaa, ayaa la tirada xubnaha la yaraynayaaye bahalku sidiisa ha ahaado ayuu odhanayaa,” ayuu yidhi Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali. Waxa kale oo uu tilmaamay in qaranka Somaliland ku soo caano maalay isu-tanaasul iyo wadatashi, sidaa darteedna Madaxweynaha looga baahan yahay dabacsanaan iyo dulqaad badan, maadaama uu isagu yahay midka ugu weyn ee dalka talada gacanta ku haya, isagoo yidhi; “Madaxweynuhu mar walba haddii uu yidhaa tayduunbay noqoysaa, markay noqoto khilaafka ka dhexeeya Golaha Wakiillada, asxaabta qaranka iyo wax alaale iyo wixii soo dhexmara isaga iyo hay’adaha xukuumiga ah, wuu yidhaahdo tayduunbay noqoysaa, wax soconaya maaha, waxaan ka maqlayey qaar ka mida masuuliyiinta qaranka, sharciga ayey ka hor yimaadeen, nabadgalyada iyo xasilloonida ayey ka horyimaaddeen, haddii sharci jiro oo dib loogu noqdo dastoorka imisa qobod ayey jabisay, laga biximaayo tiradooda maanta, waxay ila tahay halka aynu maanta marayno, wax isu sheeg, wada tashi, kala danbayn, dhaqan, milge, ayaa lagu kala joogaa meesha oo Madaxtooyadda Madaxweynuhu ku fadhiyaaye, ee kuma fadhiyo xoog. Madaxweyne doorashadii waanagii wada galnay oo dhawr sanno ayaa ka soo wareegtay oo ku noqan maayo hadda’e, laakiin qaabkay ku dhaqday waad ogtahay, oo siddeetan cod ayaanu ka tanaasulnay, waxaananu uga tanaasulnay maslaxda dalka iyo dadka. Markaa Madaxweyninimo dhan ayaa tanaasul laga sameeyey, adna qodob dastuuriya ama muran idinka iyo Golayaasha idin dhexmara ama muran siyaasiyiinta idin dhexmara ayaad leedahay ‘Ilaa cadkaa la ii gooyo oo ay tayda noqoto mooyaane mid kale noqon mayso.’ Hoggaamiyeyaashu waa waalid oo kale oo waxa uu aabbo u yahay Golayaasha qaranka, waxaannu la mid yahay oday iyo carruurtiisii, markaa aabbo u hanjaba carruurtiisa waa mid subxaanala, waxa looga baahan yahay in uu isku wado waxaas oo dhan.”

Dhinaca kale, Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax waxa uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin dusha u saaray masuuliyadda khilaafyada ka dhex aloosan Golayaasha qaranka, kaas oo uu ku sababeeyey in uu Madaxweynuhu iska idho tiray oo uu ku tixgalin waayey Golayaasha Baarlamaanka xillilkii iyo awooddihii qayaxan ee dastuurka iyo xeerarku gaar u siiyeen, “Madaxweynuhu waa in uu dhawro shuruucda u taala Baarlamaanka sida isaga loogu tixgalinayo ee loogu oggolyahay in uu Madaxweyne yahay, ee waajibaadka, xuquuqda iyo awoodda uu leeyahay ay u qayaxantahay in Baarlamaankana sidaas oo kale u qayaxantahay, Madaxweynuhu wuu oggolyahay in tiisa lagu tixgaliyo oo waaka halkaa ku fadhiya, laakiin Golaha Wakiillada in uu ku tixgaliyo xuquuqdii iyo waajibaadkii dastuurka siiyey ma oggola, waxaad ka soo qaadaan wax alaale iyo wixii shuruuc ahaa ee ay ansixiyeen khaanada Madaxweynaha ayey ku jiraan, oo ma jiro mid qudha oo la faafiyey, Baarlamaanku xuquuq buu leeyahay, markaa dimuqraadiyadda in aynu sideeda ugu dhaqano iyo in aynu iska dayno waxba kama dhaxayso.”

Waxaannu intaa raaciyey “Madaxweynaha dan ma u tahay Baarlamaan khariban, dhaameel cuna, aan soo shaqo tagin oo wuxuu soo saaro haa yidhaa oo u saxeexa. Umalayn maayo in ay dadka, dalka iyo isagaba in ay dan u tahay, laakiin waxa ay qabaan iyagu in ay u tahay [xukuumadda], waxaannu Madaxweyne Rayaale ku soo indho baraaqsaday, Baarlamaankii Cigaal Alla u naxariistee, ee isana Madaxweyne-ku-xigeenka ahaa, ee wada UDUB-ta ahaa, ee wado dhaameelka ahaa, ee wax walba oo ay u soo qoraanba saxeexi jiray, kiibuu oggaa ee nasiib-darro umaba taban in Baarlamaan sidani ku soo baxo, oo waxa ay xaq ku leeyihiin oggol, waxayna xaq u lahayna diidan.”

Waxa kale oo uu sheegay in haybaddii iyo kalsoonidii ummaddu u qabtay Golaha Guurtida ku luntay muddadii afarta sanno loogu kardhiyey xilkooda, sidaasi darteedna ay dhinac yihiin oo aanay noqon karin kuwa dhexdhexaadiya Golayaasha qaranka ee muranadu ka aloosan yihiin, waxaannu ku eedeeyey in aanay daacad ka ahayn hawlaha aqoonsiga loogu doonayo Somaliland, isla markaana ay tallaabo dib u dhaca ku kacaso markasta oo la qabto waxyaabo horumar ah oo soo dhawaynaya ictiraafka, “Hadduu sii go’ay oo Komishankii u dhexeeyey xisbiyada tartamaya ee Madaxweynuhu ka mid yahay ee Baarlamaanka la soo marinayey, ayuu waraaq intuu [Madaxweynuhu] soo qoray yidhi ha shaqo galaan, iyadoo ay ku jiraan labadii xubnood ee aan la ansixin oo ayey u shaqaynayaan oo ay dhex u noqanayaan?

Waan tartamayaa oo tartamayaasha ayaan ku jiraa, Siidhiwalaha iyo calanwada-yaasha aanaa leh oo garoonka ayeynu isugu imanaynaa oo waynu wada ciyaaraynaa waxaasi hadal maaha. Baarlamaanku waxba ka soo qaadi maayo oo waa xeer jajab, oo wax suurtoobaya iyo wax layeelayo oo ay xisbiyadu tartan ku galayaana maaha, xukuumaddu waa in ay sharciga dib isugu dabaashaa. Haddii la isleeyahay sidaasi ayey ku soconayaan, oo Madaxweyne maalin kuu haggaagto, maalinta danbe la yeeli maayo,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.
Waxa uu ka dayriyey sii fidida iyo sii jiidanka khilaafyada ka dhex aloosan Golayaasha qaranka, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay qaranka Somaliland u horseedi karaan burbur iyo dhibaatooyin, sidaasi darteedna waxa uu Golayaasha qaranka ugu baaqay ina la yimaadan wada tashi iyo is afgarad, gaar ahaan xukuumadda maadaama ay iyadu mindida daabkeeda hayso.
“Mid baan u sheegayaa Madaxweynaha waana iga talo, barigii dawladii Siyaad Barre dadku waxay odhan jireen, ‘Odaygu waa oday wanaagsane inta ka hoosaysa ayaa xun’ barigaana cudurdaar wanaagsan may ahayn imika qaar baa sidii yidhaahda, ‘Madaxweynuhu waa nin wanaagsane la talliyeyaal xun-xun buu leeyahay’ Madaxweyne taasi socon mayso, la taliyeyaasha xun-xun adaa meesha keensaday ee hadday kaa dhabtahay maxaa kuu diiday kuwa wanaagsan? Eeddu waa adiga cid xilkaa kaa qaadaysaa ma jirto, waxaanna adiga iyo ummadda u dan ah in aad kuwo wanaagsan u keento,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Waxaannu intaa ku daray, “Maalin walba waxaan ku arkaa jaraa’idka digtaatooriyad ayaa la samaynayaa iyo kalidii talisnimo, waar waxaan leeyahay barada ha ka saarina, waynu ognahay siday Somaliland ku timi iyo sidii Madaxweynuhu ku yimi, carabkaaba dadka kaga duula oo qofku waxaasu, waar kalmadaha caynkaas ah ayaan la maqashiin oo la odhan digtaytar baad tahay, meelna uma soo martee, dalkeediina lama joogo, duruufaheediina lama joogo, nin baa digtaytar ahaayoo halkuu maray waatii la oggaa, mana filayo in ay hadda halkaa gaadhsiisan tahay.”

Mar uu Cabdiraxmaan Aw Cali oo ka jawaabayey su’aal ahayd rajada uu ka qabo inuu ku soo baxo musharaxa Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE, maadaama ay xubno kale oo firfircooni ka ag sharaxan yihiin, waxa uu yidhi; “Waxa aan kuu sheegayaa murashaxu horta darajo maaha ilaa qofka la doorto, Guddoomiyaha KULMIYE iyo aniguba murashaxiintii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ayaan ahayn, doorashadiina way dhammaatay, taytalkaasi annagu sii dhaganaanmaayo ee marka shirweynaha xisbigu yimaado ayey soo bixi doontaa ciddii ay dib ugu celinayaan, Axmed-na u xidhna, ana iima xidhna ee xisbiyagu waa dimuqraadi.
Cabdiraxmaan Aw Cali oo ka jawaabayey mar la waydiiyey bal waxa ka jira kulan isaga iyo Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo ay wadajir u yeesheen oo ay kaga arrinsanayeen saami qaybsiga beelaha ee musharaxnimada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, waxa uu yidhi; “Waxa weeye Somaliland marka shirkii Boorama laga soo bilaabo, waxa dastoorka innoogu qoran, oo sida Suniga iyo Shiicada ee Iraq xukun qaybsaday oo ah Madaxweynuhu waa in uu noqdaa Kiristan, Raysal Wasaaruhuna Suni, Guddoomiyaha Baarlamaankuna Shiico noqdaa, sidaa umaynu qaybsan, laakiin unfi wax la yidhaa baa jira, oo waxay ku quruxbadan tahay in aan Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku beel kaliya ka soo wada jeedin, anigu Cabdiraxmaan ahaan waxaan jecelahay anigoon u doodday naftayda iyo Gobolka Awdal, ee wax la doonaya Somaliland oo dhan in la ilaaliyo unfigaa, siday dhadhammaysaa haddii Daahir Rayaale yidhaa doorashada soo socota nin reer Boorama ayaan Madaxweyne-ku-xigeen ka dhiganayaa, waa sidaas oo kale oo Daahir Rayaale ka yeeli mayno taas oo kale in uu sameeyo, reer Awdalna ku tixgalin maayaan, annaguna [KULMIYE] xisbiyada taas oo kale ka soo baxdo ma oggolin, waxaan leeyahay kursiga oo kaliya aan la doorane, qaranimadoo jirta kurisgana halagu loollamo.”

Ugu dambayn, Muj. Cabdiraxmaan oo la su’aalay waxa ka jira warar sheegaya in haddii Daahir Rayaale jagada Madaxweyninimada doorashada soo socota ay reer Awdal ka hor iman doonaan Somaliland, waxa uu ku jawaabay “Reer Awdal Rayaale hortiina Somaliland bay ahaayeen, dabadiina Somaliland ayey ahaanayaan, ciddii Daahir Rayaale maalintaa ha iska tagto.” Isaga oo ka jawaabayey mar la wadiiyey siduu u arko hadalo ka soo yeedha Rayaale, oo uu ku andacoodo in lagula kacayo cunsuriyad iyo qabyaalad marka ay cid is qabtaan, ayaa waxa uu yidhi; “Waxaa waan maqlaa oo waan la yaabaa, waar bal ka soo qaada Illaahay baan idinku dhaariyee wixii nimankaa soo gaadhay miyey ninkan gaadheen? Fullow guuli kuu dhawaydee, roog cas iyo gogol fidsan ayuu ku yimi Berbera ilaa Hargeysa, Madaxweyne Cigaalba waad arki jirteen Khayriyada, ayey dumarku ka caayi jireen, mucaaradadayadii sidaanu qaaqda ugu haynay ayuu dhakhtarna tagi kari waayey, waar fursadda uu helay Madaxweyne Rayaale iyo tixgalinta uu helay cid heshayba ma jirto, fursaddaana isagaa lumiyee waxba ayaan dadka lagu meeraysan.”

“Horta Madaxweynayaashaa hore doorasho kumay imin, balse Madaxweyne Rayaale doorasho ayuu ku soo baxay, oo yaa u coddeeyey? Ma reer Awdal ayaa u coddeeyey, oo ma reer Boorama ayey ahaayeen? Ummaddii Somaliland ayaa u codaysay oo waliba nin doorkoodii ka doorteen, abaalkoodu afkaa in loogu jawaabo maaha, in la yidhaahdo maaha qabyaalad iyo cunsiriyadi hadday jirto maalintaas ayaan la doorteen, waxgaradka reer Awdalna wuu ogyahay, kii aan waxba garanayeyna isaga ayey jirtaa, iminkana haddii uu si fiican ugu shaqeeyo oo uu ugu abaalgudo, haddana way ugu celin lahaayeene, laakiin waxa la yidhi wastaadka xumi dubihiisa ayuu canaantaa,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo aan muddo dheer ka hadlin arrimaha siyaasadda, iyada oo uu hadalkiisu ku soo beegmay xilli uu xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka socdo loollan adag oo ku saabsan tartanka gudaha xisbiga ee murashaxnimada jagooyinka Madaxweyne-ku-xigeenka oo lagu tartamayo shirweynaha labaad ee KULMIYE oo la qorsheeyey inuu qabsoomo dabayaaqada bishan August ee aynu ku jirno.
Jamhuuriya Online
Dhagayso Cabdiraxmaan Aw Cali & warar kale

No comments: