Wednesday, August 22, 2007

Warbixin: Mudo ka dib, Halkuu Marayaa Shir Beeleedkii ka Socday Tuulada Weeraar ee Degaanka Boorama

(Waridaad) - Boorama, (Harowo.com) AuG 20, 2007 - Shir beeleedkii ka socday tuulada Weeraar oo hoos timaadda maamulka Magaalada Boorama ayaa maraya toddobaadkii saddexaad, Shirbeeleedkan oo ay isugu yimaaddeen madax dhaqameedyo, aqoonyahan iyo waxgarad kale oo ka tirsan ardaayada beesha Axamad Yoonis (Jibriil Yoonis, Samaroon) ayaa la filayaa in lagu gorfeeyo arimo badan oo qaarna gaar u yihiin beesha qaar kalena ay ku saabsan yihiin xaalada guud ee degaanka beesha, gobolka iyo dabaylaha siyaasadeed ee la xidhiidha doorashooyinka soo socda.

Qaabka iyo hanaanka uu u socdo shirka ka dhacaya tuulada Weerar ayaa waxa muuqata inay si weyn u xiisaynayaan ardaayada kale ee beesha Jibriil Yoonis iyo dadka kale ee xiiseeya arimaha gobolka Awdal, kuwaas oo dhawraya inay ogaadaan dhinaca ay beeshu u dhacdo iyo wixii go'aano ah ee ka soo baxa marka uu shirka dhammaado. Waxa lagu sharfay oo shirka furay Suldaanka Beesha Axamad Yoonis oo la yidhaa Suldaan Baade Xaddi, balse markaad eegto nidaamka, kala dambaynta, jawiga uu ku socdo shirku iyo tuhunka ay ka qabaan dadka daneeya arimaha siyaasada iyo wixii ajende u dhahsoon beesha, ayaa dad badan oo ka tirsan beesha kana cudurdaartay in la magacaabo ii sheegeen inay tahay kaaf iyo kalal dheeri.

Sii akhri baaqa

No comments: