Thursday, August 23, 2007

Wasiirkuxigeenkii Xannaanada Xoolaha Somaliland oo iscasiley, kuna biiray Xisbiga KULMIYE

(Waridaad) - Wasiirkuxigeenkii Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, mudane Aadan Jaamac Hoorri, ayaa xilkii iska casiley. Waxana uu si toos ah ugu biiray xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE.

Wasiirkuxigeenkaas, mudane Hoorri, waxa uu iscasilaaddiisa iyo kubiiristiisa xisbigaba kaga dhawaaqay xaflad maanta lagu qabtay Hotel Maansoor oo xisbiga KULMIYE ku soo dhoweynayey madax-dhaqameedyo, aqoonyahan iyo waxgarad kale oo ka tirsan beesha Wasiirkuxigeenkaasi ka soo jeedo oo ka mid ah beelaha Gobolka Awdal (beesha Maxamed Case).

"Waxa halkan i soo joojiyey saaka oo bishu tahay 24/08/2007, waxaan ummadayda reer Somaliland hortooda ka sheegayaa oo u caddaynayaa inaan ka degey (iska casiley) xilkii Wasiirkuxigeennimo ee Xannaanada Xoolaha Somaliland ee aan qaranka Somaliland u hayey, " ayuu yidhi Mudane Hoorri.

Waxana uu ku sababeeyey is casilaaddiisa, isaga oo yidhi, "Markii aan arkay sida khaldan, marin habawsan, aynan ugu jirin naxdin ama u damqasho shacabkaa burburay ee halkii laga soo qaaday Illaahay iyo ummaddiisuba garanayso".

"Markii la hanan kari waayey ee xukuumaddii loo igmaday inay hawlaheedaa fuliso ay hanan kari weydey, talo wanaagsan ku hagi weydey, taladii dadkana ay qaadan weydey, " ayuu raaciyey.

Waxana uu sheegay in, sidaas darteed, uu 6dii bishan August Golaha Wasiirrada u soo bandhigay in aan la eegan karin xaaladda dalku marayo iyo khilaafaadka regaadiyey hawlihii qaranka, isla markaana loo baahan yahay in xukuumaddu tanaasusho, si looga baxo is mari waaga golayaasha. Balse, waxa uu sheegay in laga hoos qaadi waayey, taasina ay niyadjab ku keentay.

"Kownsalkii dhammaa baan idhi waar maanta ninka socdaal uu sameeyey oo Yurub maraya oo ka sheekaynaya maalin walba halkuu degey, dantii ummadda oo ragaadsan, aad iyo aad baan uga xumaaday bi macna kelima, " ayuu yidhi Aadan Jaamac Hoorri.

"Damiirkayguna wuu i siin waayey inaan sii dhawrto oo aan Kownsalkaa isaga ah ee aan dareenka lahayn oo dherigooda oo keliyaato bislaysanaya inaan sii dhex fadhiyo, " ayuu raaciyey.

Waxa uu sheegay in taladaas lagu canaantay, isla markaana lagu oriyey, halkii uu filayey inay tahay talo nasteex ah oo lagu taageero.

Wasiirkuxigeenka Xannaanada Xoolaha ee is casiley, waxa la magacaabay sannadkii 2005, waxana uu hore wasiir ku xigeen uga soo noqday wasaaradda Hawlaha Guud, ka hor intaa aan loo magacaabin xilka uu iminka iska casiley ee Wasiirkuxigeenka xannaanada xoolaha August sannadkii hore.

Wasiirkuxigeenka is casiley, dhowaan waraysi uu siiyey Wargeyska Haatuf ayuu ku muujiyey mawqifkiisa khilaafaadka taagan, isaga oo sheegay in xukuumaddu tanaasul keento.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

No comments: