Thursday, September 13, 2007

Dahir Riyaale oo ku sheegay dadkii mudaharaadaayey, xaasaskii Kulmiye


Waraysi ay BBCdu la yeelatey Xalay fiidkii markuu uu dhamaadey warsaxaafadeedkii Madaxweynuhu [Play]
(Waridaad) - Madaxweynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku canbaareeyey Xisbiga Mucaarid ah KULMIYE iyo Xaasaskoodu-ba inay mudaharaadkii maanta ka dhacay Magaalada Hargeysa ee salka ku hayey siideynta hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran ee ku xidhan Xabsiga Mandheera ay iyagu soo abaabuleen oo ay ka danbeeyeen, isla markaana waxa uu tilmaamay Ururka Qaran ee la garan la’aa inuu Xisbiga Kulmiye ka danbeeyey, maadama ay u doodayeen, iyaga oon wax sharci ah u haysan. “Waxaan aad uga xumay Inuu KULMIYE iyo Xaasaskoodii Maanta Mudaharaad halkan ka sameeyey, waxaan odhan karaa waa ayaan daro, waxa kale oo aan odhan karaa Ururka Qaran ee la garan la’aa KULMIYE ayaa ka danbeeyey wax beenin karaa ma jiro waayo isaga ayey u hadlayeen oo ay u doodayeen” sida waxa uu Madaxweynuhu ku sheegay Shirjaraa’id oo uu Caawa ku qabtay Xafiiskiisa Madaxtooyada.

Maqaalkii oo dhamaystiran

No comments: