Friday, September 14, 2007

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo Ayaa, Xilkii Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Ka Qaaday Cismaan Hindi

(Waridaad) - Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sheegay in xilkii Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa laga qaaday Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi), Axmed Siilaanyo wuxuu sidaa ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa, isagoo intaa ku daray in Cismaan Hindi ku kacay qaban qaabo Shir aan laga, ogayn oo ku gaara, isla markaana aanay tani ahayn markii ugu horaysay ee uu ku kaco Arrimahaas.

Sidoo kale wuxuu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku Eedeeyay Shirka uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa maanta qabtay mid uu ka danbeeyo Xisbiga UDUB ee talada dalka haya waxaanu, isaga oo faahfaahinaya Arrintaa yidhi “Waa baro-bogaando iyo waxaan jirin, waxaanan aamin sanahay in Xisbiga UDUB iyo Xukuumaddu ka danbayso waxaana markaati ka ah meesha lagu qabtay ooh ore lanoogu diiday maantana markii xubinihii Fulintu tageen laga soo ceshay oo Boolisku ka hor joogsandeen in ay galaan” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

Waxaanu intaa raaciyay in Xisbigu xilkii Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa uu ka qaaday Cismaan Hindi loona Magacaabay Qof kale, isaga oo sababaynayaana wuxuu yidhi “Waxaa Masuuliyada Cismaan Hindi loogu dhiibay go’aan Xisbigu gaadhay. Laakiin markii uu ku kacay arrimo aan lala ogayn iyo canbaarayn Xisbiga uu kula kacay oo tan maantu u danbaysay dhawr jeer oo horena looga digay. Laakiin Xisbiggu dhexdiisa xaliyay, kana reebtoomi waayay Cismaan Hindi ayuu Xisbigu ka qaaday Xilkii uu uga Masuulka ahaa Gobolka Hargeysa” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

Wuxuun Gudoomiyaha KULMIYE ka waramay Shirweynaha oo uu sheegay in qaban qabadiisu sidii loogu tala galay u socoto, dadka reer Somaliland raali ka wada yihiin ayuu hadalkiisi ku gabagabeeyay Md. Siilaanyo.

Faysal Maxamed Xasan

Reporter Harowo.com

No comments: