Wednesday, September 05, 2007

KULMIYE ALLE KA SAKOW ISAGAA GUUSHA ISU HAYA

(Waridaad) - Waxa xaqiiqa ah in dadweynaha Soomaliland iyo Maamulka Madaxweyne Riyaale is barteen oon waxba isagu hadhin. Waxay ku barteen balan aan socon mid yar iyo mid culusba. Bal aan xusuusano inta ugu fudud ee dhawaaq keliyaa ka xigto. Ujeedada maqaalka oon ahayn mid qiimeynaaya waxqabadka dawladda, ayaan ku soo koobo faalo la,aan inaan idiin taabto balamada inta ugu fudud ee hawada raacday: Mee balankii ahaa bishiiba mar in Madaxweynahu shir ja’raaid qabto, Meeday idaacaddii labada Wasiir la kala wareegeen, Mee darajadii ciidamadu, Mee Carabkii Xoolaha loo xidhay, Meeday lacagtii Burco ee la bedelaayey, Meeday darajadii shaqaalaha dawlddu ( Civil Servants), maxaa laga qabtay askartii aan jirin ee musharkuun lagu qaato, sida Madax/Xigeenku ka shaeegay Ceerigaabo iyo…iyo…iyo…..

Haddaba in badan oo dadweynhii UDUB ka tirsani waxay muujiyeen inay kalsoonidooda ula soo guureen Kulmiye, iyagoo khasaar iyo filan waa kala kulmay Madaxtooyada foodkoodu kursiga ku fadhiisiyey. Kulmiye waxa uu joogaa heer ay guushu gacanta ugu jirto. Iyadoon saadasha mustaqbulku tahay mid aan marna si buuxda loo hubin, haddana markaynu eegno saaxadda siyaasadda ee Soomaliland, waxa cad in aqlabiyadda shacbigu sugayaan hoggaanka dalka oo lagu wareejiyo Kulmiye, haddii aanu Kulmiye iska daadin. Dareenkaas waxa dadweynaha ku soo celceliya, iyagoo gocanaaya sidii SNM ay guushii ay sharafta iyo kartida ku gaadheen ay u tureen, kolkay burburtay iskaashigii iyo kala-dambayntii dhexdooda ahaa.

Maanta xisbigu waa mid qaran oo matalaaya gobal kasta oo Soomaaaliland ah, waana in laabta lagu hayaa dhismaha qaran loo dhan yahay, gobal waliba iska dhex arko maamulkiisa, la xoojiyaa awoodaha gobalada. Kulmiye waa inuu la yimaadaa barnaamaj u qalma hiilka dadweynaha. Waxaa u bilow ah inay barnaamajka xisbigu ku salaysnaado rabitaanka bulshada iyo horumarinta dalka. Waxaana laga soo qaadan karaa doonista dadweynaha arrimahan:

Dib u eegidda distoorka, si loo adkeeyo dimuquraadiyada, oo ay ugu horreyso kala xadaynta Golaha Fulinta, Sharci-dejinta iyo Garsoorka. Dib u eegid hay’adaha madax banana, xorriyadda warbaahinta oo dhan nooc kasta ha ahaatee.

Mideynta nidaamka waxbarasho, iyo isku xidhka jaamacadaha.
Dhismaha Xukuumad kooban oo tayayeysan.

Adkaynta dhismaha ciidanka iyo shaqaalaha dawladda, darajo, dhaqaale iyo farsamaba.

Barnaamaj horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid siyaasi oo ay ka duusho miisaaniyadda dawladdu.

La dagaalanka musuqa, dhismaha hantidhowrka heer qaran ilaa degmo
Xalinta iyo sharciyenta arrimaha dhulka, beeraha iyo degaanada.
Yareenta miisaaniyadda Madaxtooyada.
Barnaamaj khaas ah oo khuseeya Gobalada Bari, uguna horeyso lacag bedelku.

Taakulinta Xisbiyada qaranka dhaqaale iyo farsamaba.
Waa iga tilmaan uun ee waxaan hubaa in intaas iyo dar kaleba shirka lagu soo qaadi doono. Waxa se loo baahan yahay in dheg loo yeesho rabitaanka dadweynaha, gobal kastana si siman soo-jeedintooda loo maqlo, loona qiimeeyo. Waa in xubnaha cusub ee ku soo biiray aad loo soo dhoweeya, maamulkana lagu kabaa. Waa dhig cusub oo dardartiisa iyo tabtiisa wata. Isla markaas waa inaan la iloobin raga iyo dumarka u dhabar adeegay dhismaha xisbiga, marwalbana la siiyaa abaal marin iyo qadarin khaas ah. Haddaan wax qabadka xisbiga leysku abaal marin, oon mar walba la xusuusan cidda tiirka u taagtay, weeraha iyo waraabaha ka ilaalisay, cidda maskax iyo maalba u hurtay, la helimaayo cid u darbanaata jiritaanka xisbiga, arrintuna waxay noqonaysaa daneysi, qofba maalinta uu meel kale gacan haadis ka helo u jarmaado. Waxa xisbiga ku haya xubnihiisa waa ixtiraamka iyo qadarinta loo hayo xubnaha hadh iyo habeen ugu hawlan danta guud. Yaan leys garab dhigin colka siigadooda la orko kolka tartan jiro, iyo kuwa aan saacadna ka nasan dhismaha iyo hawlaha xisbiga.

Bal aan hoos u degnee, side Kulmiye guushiisa u tuuri karaa? Waxa arrintan xilkeedu saran yahay xubnaha shirku uga bilaabmaayo 8da bishan Hargeysa. Iyagaan cidi ku labayn mas’uuliyadeeda horeyn iyo dambaynba. Waxay noqon karaan dar himmilada dadweynaha rumeeya oo jeexa dariiqii guusha, amba waxay noqon dar qardo jeexa oo dhabada loo salaxay ka luma, taariikhdana ka gala bog madow oo ku soo noqnoqda taariikhda qaranka Soomaaliland.

Dhabada guusha waxa lagu gaadhi karaa wadajir, is-maqal, is-dhegeysi, wada-shaqayn, is-tixgelin, is-ixtiraam, is-qadarin, kala-dambayn, abaal- marin, qiimeyn, tilmaan, tusaaleyn, is-dhaliil waxtar leh (Constructive criticism), tartan aan shakhsiyeysnayn ee loo tartamaayo sidii guusha loo dhalin lahaa,( Selfless Competition).

Guusha waxa rumeyn kara, shirweynaha oo dood, iyo tartan dabadeed xula Gole Dhexe oo hawsha xisbiga tunka u rita, iyagoo dhammaan aan u kala hadhin, kala leexan oo labadii tartantayba gacmaha is qabsadaan, lagana dhigo muramadii tartanka ka dhashay fikrado ninba si u arkaayey si uu u xoojiyo xisbiga. Waana in fikradaha la soo uruuriyaa oo nin walba la siiyaa fursad uu ku hadlo, ku muujiyo fikirkiisa, isna waa inuu ku qancaa dhinaca loo bato, oo ayna marna raad ku reebin fikirkiisa laga bediyey. Waxa xisbi waliba leeyahay kooxo amba garabo is bahaysta, waa sunaha dimuquraadiyadda ee ma aha mid xisbiga wax yeelaysa, haddii koox kastaa ay ixtiraameyso distoorka, iyo nidaamka aqlabiyadda ( Majority rule). Go’aanka ka soo baxa shirwedynahu waa inuu noqda mid dhammaan reer Kulmiye qaataan, mid wax diidan iyo mid dhammaantiiba ku qanacsan, kol haddii inta badani qaadatay. Go’aanku waa mid loo midaysan yahay, kii soo jeediyey, iyo kii diidanaaba. Ninba mar ayuu fikirkiisu hanan karaa aqlabiyadda xisbiga. Waxayna sharci ahaan dhammaan xubnaha xisbigu ku qasban yihiin go’aanada aqlabiyadda. oo ah habka keliya ee xisbi dimuquraadi ihi ku jiri karo.

Xisbi doorashu u soo dhowdahay oo maamulkiisu kala furmaa, kala dudaa, kala cararaa guul meelna kuma leh. Waxa xisbiyada qadiimka ah sida kuwan U.K ay ka qaadataa tobaneeye sano iyo siyaade inta ay ka soo doogaan burbur ku yimaada maamulkooda. 20taneeye sano ayey ka qaadatay xisbiga talada haya ee Shaqaalahu (Labour Party) inuu ka soo kaco kal-jabkii ku dhacay 1978. Waxa sidoo kale saaxadda ka maqan ilaa 1997 xisbigii mudada badan dalkan ka taliyey ee Qunyarsocodka ah ( Conservative Party), markii is qabsi dhexdooda galay, Raiisul Wasaarihii ugu mudada dheeraa Mrs. Thatcher iyadoo xilka haysa xisbigu tukhaantukhiyey. Waaxayna is bedelay 5 guddoomiye, kan manta jooga ee Mr. Cameron ayaan maalina ka badbaadin eedo uga yimaada xubno ka tirsan maamulka xisbigiisa. Taas oo lala xidhiidhiyo khilaafkii bilaabmay kolkii Mrs. Thacher meesha laga saaray.
Qof kasta oo xilka loo dhiibo, mid dal iyo mid xisbiba, haddaan mas’uuliinta kale la shaqayn,oo daacadnimo iyo hagrasho la,aan leysu barbartaagin, laguma farxo guusha uu keeno. Ma aha inta qofka xilka loo dhiibo, loo durbaan tumo, haddana hawsha keligii lagu daayo. Taasi waliba waxay miisaan gaar ah u leedahay marka xisbigu yahay mucaarid, dal Afrika ah ka jira, aan helin taageero dawladeed, bal se dawladdu awoodeeda iyo hantida qaranka kula dagaalayso. Waxa u hiil ah waa tabaruca maskaxeed iyo tan adduunyo ee xubnahiisa. Itaalka dhaqaale ee dadweynahana weynu ognahay. Waxa halkan laga dareemi karaa xilka gaarka ah ee saran inteena qurbojooga ah.

Ha noqon nin gacmahu u laabnaayeen, oo la taagan dhaliil oon. Adigu is weydii waajibkaagii ma ka soo baxday. Intee wax aad qaban lahayd kaa baaqday, yaad canaananaysaa haddaad ahayd Gudiga Fulinta, haddaad ahyd Golaha Dhexe, haddaad ahyd Guddiga Laamaha. Xisbigu ma qofbaa leh, ma shaqaale ayuu leeyahay. Haddaad waajibaadkaaga ka soo baxday ood cid gooni ah u aragto inay hagratay, waa banaantay inaad keento ood ka doodo. Haddii se qof waliba eedda iska riixo, oo lala mid noqdo sida Wasiirada Riyaale, laga sheego inay dhaliisha heer kasta ooy tahayba ku riixaan dhinaca Madaxtooyada. Taasi waxay keentaa niyad jab iyo cuqdad aan laga doogsan. Waxa loo baahan yahay dhaliil ku dhisan run, ka bilaabanta naftaada, wadata toosin, dulqaadna u leh inay dhegeysato darafka kale.

Aan si fudud oo dul xaadhis ah u muujiyo, waxyaabaha guusha maamul nooc kasta ha noqdee cilmi ahaan loo ogaaday inay muhiim yihiin, anigoo inta aan dhaqan ahaan iyo dal ahaanba is leeyahay wey ugu mudan yihiin soo qaatay.

Qofkaad qiimeynayso, wanaagiisa ka horeysii, qaladkiisa.
Qaladka qofka si dadban u sheeg, una caddee in aadmigu qaldamo balse lagu kala badiyo sida qof waliba qaladkiisa uga faa’ideysto.
Qofka hawshu isku keen xidho, horeysii qaladkaaga intaadan kiisa sheegin

Amar mutaxan ha bixin, ee dalabkaaga hab su’aalo ah u dhig.
Dhegeysiga badi. Kolka qofkaad la doodaysaa hadlaayo, labada dhegoodba u fur. Maskaxdaada, maankaaga iyo jidhkaaguba ha dhuuxaan hadalka qofka kaa soo horjeeda, nuxurka weedhahiisa qiimee, oo caadifadda iyo cuqdad aad ka qabtay ha ku fiirin.
Ammaanta qof leeyahy ha ku masuugin, tan kooxi leedayna sidoo kale. U bushaaree waxii fiican, waxii xuna ka tacsiyadee mid shaqo iyo mid shakhsiba.

Fikradaada gasho dadka, kana dhig mid aan adiga keli kaa soo bixin.Cidda kula fikradda noqota, ka yeel inay fikirka laftiisa kula unkeen. Waxayga ku bedel waxayna.

Qofka kale duruufahiisa ogow, iyo siday saamayn ugu leedahay fikirkiisu
Noqo qof hadal kooban oo dhegeysi badan. Ha boobin hadalka, kuna bilow ereyo macaan, ladifan oo mudan ixtiraam dhinaca kale ah.
Hadafkaagu ha ahado inaad adiga iyo kan kaa soo horjeedaaba guulaysataan. Ha noqon nin doonaaya inuu jabiyo walaalkii oo isagu keli guulaysto. Ogow taasi inay hadafkii weyne wiiqayso.

Sirta nolahu waa samir, is-qancin, dulqaad. Waxa kaba cadaalad aad adiga iyo walaalkaa u sinaantaan maamulka idinka dhexeeya. Waxa lagu gaadhaa run sheeg, daacadnimo, iyo wadajir. Waxa fashilka muftaax u ah danaysinimo, shaki, nafjecleysi, iyo dulqaad la,aan. Waxa fashilka kaba cadaalad darro iyo sharci aan loo sinayn. Waxa fashilka badhitaara been iyo jaahilnimo.

Haddaan hawsha idin hortaal si fudud u eegay, amba si qaldan u sawiray, gef waa loo aadmi ee ha ley dul qaato. Faylasuufkii weynaa ee Giriiga ahaa, lana odhan jiray Socrates, ayaa yidhi: “ Waxa keliya ee aan aqaan, waa inaanan waxba aqoonin.”

Dunidu waxay ku socotaa waa aqoon wadareed leysu geeyey, ninna keli waxba ma aha, qof walibana meel iyo arrin ayuu ku wacan yahay ee gacmaha is qabsada, is-aamina, Illaahayna talo saarta. Waa idinkoo shirka ku soo af jaray go,aankii guusha oo loo wado dhan yahay iyo awoodda oo leysigu geeyo guusha doorashooyinka.

Waa iga dardaaran ee hooy yaan la il-duufin, yaan tartanka gudahiina ihi cadowga idiin ilowsiin, , ha yeelanina indhihii doqanka, samirna ha ka noqonin guun, kibir iyo islaweyni yeyna dariiqa toosan idinka leexin. Tusa ummadda Soomaliland inaydun isu habayseen hogaanka qaranaka, inaydun tihiin awood gobal kasta ka muuqata, soona jiidatay bulsha-weynta degmo kasta oo dalkeen ka tirsan. Kiina camalka fudud soo dabra, kan degdegsan la gucleeya, kan gaabiska ah jiida, kan hurda toosiya, ka kaftanka badan la qosla, kan cadhada dhowna kaftanka ka dhowra. Go’a Kulmiye huwda oo dhaxanta iyo dabaysha ka dugsada.
Kulmiyow albaabka soo dhoweynta balaqa oo qufulka iyo muftaaxaba tuura. Bulshada soo xarooto xaq iyo cadaalad ku soora, iyadaa deeqaysa. Bir-tilmaameedka Kulmiye ha noqoto cadaalad bulsho, cadaalad maaamul, cadaalad waxbarasho, cadaalad ganacsi, cadaalad laan kasta oo dawladnimo taabata, ha noqdo magaca Kulmiye mid carabka bulshadu u duceeyo, mid noqda astaanta dhismaha dalka iyo dadka Soomaaliland.

REER KULMIYOW KAMARADA TAARIIKHDAA IDIN DUL SAARAN EE WAA WAXA NIN WALBA AY KA DUUBTAA. U GUNTADA MASIIRKA UMMADDA.

SOOMAALILAANDEEY WAA KAA KULMIYE EE KADABAA DHAHA.
KULMIYE HA GUULAYSTO

SOOMAALILAND HA NOOLAATO

MAHAD ALLE IYO BARIIDO RASUUL,

Ahmed Arwo

Cardiff ,U.K
samotalis@gmail.com

No comments: