Tuesday, September 04, 2007

BAROORTA UDUB IYO BADHEEDHAHA KULMIYE

(Waridaad) - Mudooyinkan danbe waxa si is daba jooga ah ugu soo baxayaa warbaahinta kaladuwan qoraalo aad iyo aad u faro badan oo dhamaantood isku wada u jeedo ahkuna wajahan xisbiga ugu weyn jamhuuriyada s.land ee kulmiye iyo madaxdiisagaar ahaan Axmed Siilaanyo rag kale oo madaxda xisbiga kulmiye ka mid ahDanta ay intooda badani ka leeyihiina waa tashuusha ay ku fakarayaaanxusbiga kulmiye, kadib markii ay taageeraayaasha udub ogaadeen in aysiyaasad iyo madaxtinimoba ku fashilmeen lix sano ay ku fadhiyeen kurisi ugumudan dalka, isla markaana ay kaa faa’iidaysan kari waayeen jaaniskii ugudahabi sanaa ee soo mara dalka intii uu jiray.

Waxaana hada talo kaga ururtay shinbiro waaqlayn, qaylo iyo been abuur aanmeel loo dayn oo iska jaantaa rogan ah, dhamaan yar iyo weyn udub waxay iskubalan sadeen in ay kulmiye sida dacawada ka daba ciyaan inta ay wadi karaanmaadaama oo ay iyagu hada yihiin. ( KU FASHILENTAY TALADII SIDII FAAHIR DABADHUUB).


Mana aha waxay ay dadka reer s/land la yabaan in xisbiga udub ay taageeroqasab ah ka raadiyaan beesha uu madaxweyan Riyaale ka soo jeedo islamarkaana suldaano iyo nabad doono laga been amuuro, ardaayo isla beeshaawdal ahna ay ku coloobaan taageerada qasabka ah iyo car udub ka baxda,astaanta u noqotay xisbiga udub iyo kuwa aaminsan in ay dadka ka siyaasadbadan yihiin kana aragti dheer yihiin…


"Naf cankuurka loo yimi Rabbaa caaqibuu garanne Calool qulubtay waa yaab asaan cudur la taahayne Cidla yuurur baa dilay sidii cawsha debadeede". Salaan Carabay


Xusbiga udub hada rajada kali ah ee u hadhay waa eegmada shirweynaha kulmiyeoo ay quudaraynayaa in ay qaar ka soo cadhoodaan sidii cabdi xasan buuni,Laakiin hadiiba ay dhacdo in cidiba ka soo cadhoon waydo kulmiye iyotaageerayashiisa, maxaa akhristaw udub u meel yaala????


Waxaan filayaa in jawaabtu aad iyo aad u fududahay waayo nin ay kuu muqatoxerdiisu oo 50 neef haysta maxaad ka odhan waa imisa adhigaagu.


Udub dhamaanteen waynu arganaa in ay tahay ( XAGAANA LOO KICI MAAYO OOBADIIBAA INAGU XEERAN).

Waxaana hada ay kaga dhagtay kulmiye sidaas ah, hadii aynu akhristawwaydiino adigu sidee tahay maxay ku jawaabayaan udub iyo kuwa qoraalada beenabuurka ah habeenkii ku seexda maalintiina ku shaqo taga,Baroorta, hiiftan iyo habaarka udub ay hada ka dhigteen tiirka ay cuskadaanwaa wax lagu qoslaa.

Dhanka xusbiga kulmiye hadii aynu eegno Kulmiye waa xusbiga hada diyaar u ah in uu qabsado shirweynihii labaad eexusbiga isla markaana ogol in dhexdiisa uu tartan xalaal ahi ka dhaco ninkastaana diyaar u yahay in uu ku qanco waxa ka soo baxay golaha dhex iyo gudidaxaqsoorka, kulmiye waana xusbi isku kalsoon oo mijo ilaa madax aaminsan indalka uu dadka reer S/land oo dhan ka dhexeeyo.

Laakiin udub miyaan kaa xasuuusiyaa kalmad kali ah HADII RIYAALE TAGO ALBAABKA AYEYNU ISKU QABSANAYNAA, Subxaan waar Riyaale ma waxay ibaaIlayn nin aan madax noqon jirin madax lagama dhigto waan wasiirada uu ugujecel yahay Dahir Riyaale Kaahin.

Sacad ciise cumar
f_bihaary@hotmail.com

1 comment:

Jobove - Reus said...

very good blog congratulations
regard from Catalonia Spain
thank you