Wednesday, September 12, 2007

Shabakadda Waagacusub & Xukuumadda Riyaale maxaa ka dhexeeya?

(Waridaad) - Waxaa in badan ku sugnaa Somaliland, tafatiraha shabakadda waagacusub, Daahir Calsoow, ka dib markii uu ka soo hayaamay Muqdishu oo uu ka ahaan jiray tafafiraha ugu cad-cad intii aanu dhicisoobin xukunkii wadaadaddii xaq-jireenka ahaa, oo u adeegsan jiray inay ku faafiyaan barnaamij-koodii qaloocsanaa ee runta ka fogaa.

Haddaba, beryahan danbe, tafatiruhu wuxuu ku caan baxay inuu qoro maqaalo, uu ka been abuuro duurfu aan jirin isagoo u eekaysiiya inay ka danbeeyaan, waa sidda uu hadalka u dhigee, dad ka soo horjeeda sidda wanaagsan ee xukuumadda Dahir Riyaale wax u wado. Waxaa jirta in waagacusub ay dhoor jeer qortay in Somaliland looga adeego Maxaakiimtii burburtay, iminkana weeraradooda laga fulin doono dhulka Soomaaliland, taasoo uu u micnaynayo in ay joogaan argagixiso ku sugan Somaliland, walibana jiida bariga.

Waxaa iyana soo baxday in isla shabakaddaa ay ku soo baxday inuu gudoomiyaha SOLJA, isla markaana ah madaxa wargeyska Maandeeq, Mudane: Mustafe Shiine,uu si qarsoodi ah ula shaqeeyo wasaaradda warfaafinta ee dawladda Cabdillahi Yusuf.

Arrinkaa oo ka dib markii aan dabagal ku sameeyey noo cadaatay inay soo maleegeen xukuumadda Somaliland, horseedna ka yahay wasiirka warfaafinta Mudane, Axmed Xaaji Dahir, Wasiirka Daakhiliga C/laahi Ciro iyo xubno ku mid ah ururka SOLJA (Somaliland Journalists Association) isagoo daba jooga xidhitaankii wariyaashii Haatuf ee Dahir Riyaale xidhay, oo u arkaayey in si sharciga baal-marsan loola dhaqmay.

Haddaba, waxaanu u sheegaynaa masuuliyeenta http://www.waagacusub.com/ inay ka fogaadaan faragalinta ay ku kacayaan oo ay noqdaan dad marti ah, kuna joogaan dalka si nabad ah, gacanta wax siinaysana aanay qaniinin, siddaa loogu lisayna ay wax u hanbeeyaan, kana fogaadaan propagandhaha ay dawladda Riyaale u fidiyaan.

Ahmed Quick
Waridaad Media Centre

No comments: