Wednesday, September 12, 2007

Mudaharaadyadii Burco iyo Hargeysa

(Waridaad) - Labada magaalo ee ugu waawayn somaliland, Hargeysa iyo Burco ayaa waxaa maanta ka dhacay mudaharaadyo lagaga soo horjeedo xadhiga hogaanka Ururka Qaran oo mudoba ku xidhan Jeelka Mandheera.

Mudaharaadka ka dhacay Hargeysa ayaa waxaa hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Masuuliyiin ka tirsan Ururka Qaran ee hogaankoodu jeelka ku jiro. Dadka isugu soo baxay banaanbaxaa ayaa waxay wateen boodhadh ay ku mujinayaan sida ay uga soo horjeedaan xadhiga Madaxda Qaran. Dadkaasi waxa kaloo ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin: "Cadaaladu ha noolaato...xaqdaradu ha dhacdo..Udub iyo Rayaalana ha dhacaan..."

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mr Siilaanyo oo dadkaa banaabaxayey la hadlay ayaa u sheegay in banaabaxyada dadku ay ku muujinayaan shucuurtooda ay yihiin waxay xaq u leeyihiin oo aanay nabadgelyadana wax u dhimayn. Waxa kale oo u sheegay siilaanyo in siyaasiyiinta Qaran xaqdaro ay ku xidhan yihiin oo ay tahay buu yidhi in degdeg loogu so celiyo xoriyadoodii taas oo ah waxa ay isugu so banbaxeen.

Cali Ducaale oo ka mid ah ururka qaran ayaa isna ka hadlay sababta ay u qabteen banaanbaxan wuxuuna yidhi: " Umadii diiday Xumaanta iyo cadaalad darada ayaa soo abaabushay iyadiibaana muujinaysa dareenkeeda. Waxa aan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa bileeyska oo ilaa iminka si wanaagsan oo siddii dimuqraadiga ahayd noo barbar socda, boliskuna umadoodu ka mid yahay, boolisku maaha in cadaadiska loo adeegsado, sidii fiicnayd bay noola shaqaynayaan ee waajibkooda ahayd laakiin madaxdoodaan fariin u dirayaa waxaan leeyahay walaalayaal cadaalada ilaaliya, nin hawshaqaynina, waxaan u dirayaa ninka maxkamada sare haysta waxaan leeyahay ha weecanin ee cadaalada iyo dastoorka laguu doortay ilaaliya.."


Banaanbaxan oo dadka ka soo qayb galay ay u badnaayeen dad masuuliyiin ah ayaan haba yaraatee wax rabshad ahi ka dhicin inkastoo ciidanka boolisku ay barbar socdeen.


Dhinaca Burcana dad watay baabuur iyo qaar wadooyinka lugaynayey ayaa banaanbax kaa la mid ah isugu soo baxay. Dadkaasina wax ay wateen boodhadh ay ku qoran tahay "Hala soo daayo Qaran" "Rayaale iyo Udub ha dhacaan" " Udub waa hadhaagii Faqashta"....


Qaar ka mid ah Odayaasha Magaalada burco oo la hadlay dadki banaanbaxayey ayaa sheegay in siyaasiyiinta Qaran ay u arkaan xadhigooda mid dulmi iyo xaqdaro ah, waana in loo soo celiyo xoriyadooda sida ugu dhakhsaha badan ayey yidhaahdeen.

Taliya Booliska somaliland Janaraal Saqadhi dubad ayaa sheegay in boolisku ay xidheen todobo(7) qof oo ahaa abaabulayaashii mudaharaadka hargeysa ka dhacay oo aanay ruqsad u haysan.Taliyuhu waxa uu intaa raaciyey inaanay jirin wax rabshado ah oo ka dhashay mudaharaadadaas Burco iyo Hargeysaba.


Somalilandembassy.com

No comments: